Wednesday, July 5, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku
qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada
dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka
ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu
cirib tirayo.
Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga
mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta
ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo
shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.
Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id galabta ay wada qabteen isaga iyo
Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuumadaxweyne Xadan kala hadlay xiisada
Hirshabelle ee ka dhalatay xil ka qaadistii gudoomiyihii gobolkq Hiiraan Cali
Jeyte Cismaan iyo muranka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ee deegaanka Xalfooleey.
Tuesday, July 4, 2023
Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu garaacay
xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho abaare Salaadii Subax ee
Saakay.
Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo
gaaray dad shacab ah oo ku sugna guryahooda.
Inta la xaqiijiyay Aabe Soomaaliyeed iyo Gabar uu dhalay ayaa ku dhintay
hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka
tirsan degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dhaawacyo
ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in Aabaha ku dhintay hoobiyaha ku
habsaday gurigiisa uu ahaa Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqiinay
degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo badi hurdaayay xiliga madaafiicdaan
dhacayeen ayaa ku toosay mar qura dhawaqa madaafiicda oo ahaa kuwa intooda
badan loo tuurayay dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.
Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta
madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan
yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sababta
in dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan.
Monday, July 3, 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda
Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan kula qaatay magaalada
Muqdisho Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa
ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Jenaral Sam
Okiding iyo taliyaha Booliiska ciidanka ATMIS.
Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsanaayay howlgalada ka dhanka ah kooxda
Al-shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanadii dhawaan laga xureeyay
dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed
El-Amine Souef ayaa dhankiisa balan qaaday in howlgalka ciidanka ATMIS ay
kaalin sare ka qaadanayaan howlaha xasilinta deegaanadii laga saaray kooxda
Al-shabaab, islamarkaana ay ka go'an tahay garab istaaga ciidanka dowladda
Soomaaliya.
Wasiirka Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay madaxda howlgalka ciidanka
Midowga Afrika ee ATMIS taageerada iyo caawinta ay ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed ka siiyaan la dagaalanka Ururka Al-shabaab.
Gabagabadii kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay
ciidanka ATMIS qaar ka mid ah Saldhigyadoodii gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku
wareejiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Monday, June 26, 2023
MD Xasan Sheekh oo Xalay ka qeyb galay Xuska Munaasabadda 26-ka June
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo
khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan
Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada
Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso
maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo
mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha
maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan
Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u
baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.
“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada,
Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo
deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu
hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku
tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin
waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada
Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro
xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.
Sunday, June 25, 2023
MD JFS “Dowladda toban kun oo macallimiin ah ayay ku biirin doontaa nidaamka waxbarasho ee dalka”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee dhanka Waxbarashada ay tahay mid
ahmiyad weyn ugu fadhiso, isla markaana dowladdu ay 10,000 oo macalimiin ah ku
biirin doonto nidaamka Waxbarasho ee dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa yiri Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto
saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu
geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku
xaqiijin lahayd inaan waxbarasho helo.
Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin
jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax
calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay
inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu
wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo
macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo macallimiin ah lagu biiriyo
nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo
macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin kuwaas oo haatan
tababar ku jira.
Saturday, June 24, 2023
Shakhbout bin Nahyan oo ugu baaqay beesha caalamka inay sare u qaaddo heerka wax ka qabashada xaaladaha bini'aadantinimo iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya.