Friday, June 23, 2023

Xasan Sheekh oo ugu baaqay golaha ammaanka inay Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran

 

cunaqabateynta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa codsi u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), isagoo ka codsaday inay dib u eegaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalka tan iyo 1992-kii.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xaaladda amniga Soomaaliya ee xilligan iyo horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

"Waxaan garwaaqsanahay in Al-shabaab laga adkaado ay u baahan tahay habab dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan ciidammo ammaan oo karti iyo hufnaan leh, geeddi-socod dowlad-dhiseed oo loo dhan yahay, iyo awoodda dowladdu ay u leedahay inay bixiso adeegyada muhiimka ah ee shacabka," ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka maal-gelinta Alshabaab, oo ay ka mid tahay adkeynta xeerarka ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo in la xiro in ka badan 300 oo xisaabaad oo lacago sharci darro ah lagu siin jiray ururka Alshabaab.

Xasan Sheikh wuxuu ka codsaday ergada UNSC inay u doodaan sidii guud ahaan looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isagoo caddeeyay in tallaabadaas ay Soomaaliya u suurtagelineyso in si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay noqotay mid caqabad ku ah marka loo eego tilaabo wax ku ool ah oo loogu talagalay dadaallada amniga Soomaaliya. Waxa uu ku dooday in cunaqabateyntan ay caqabad ku tahay in dalka uu helo awoodaha lagama maarmaanka u ah in si hufan loola dagaalamo Al Shabaab.

 

Share:

Thursday, June 22, 2023

MD Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Maraykanka.

 

somalia iyo Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin.

Austin ayaa ku bogaadiyay  Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

Share:

Wednesday, June 21, 2023

MW: Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka degay Washington

 

Washington

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray ayaa caawa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, halkaas oo la sheegay inuu khudbad ka jeedin doona, isagoo dalalka xubnaha ka ah Golaha warbixin ka siin doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Xasan Sheekh ayaa ujeedka ugu weyn ee sfarkiisu yahay inuu dalalka Golaha Amniga ku qanciyo sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa labaad ee dagaalka Alshabaab.

Waxaa kaloo la filayaa Xasan Sheekh uu kulammo la yeesho masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah.

 

Share:

Tuesday, June 20, 2023

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Khamiista ah fadhi ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

 

Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ayaa Khamiista soo socota yeelanaya fadhi ay uga hadlayaan arrimaha Soomaaliya

Golaha ayaa lagu wadaa inuu yeesho kulan gaar ah Khamiista soo socota, iyadoo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Ling ay soo jeedin doonto warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Dadaalka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo xasilloonida iyo horumarka dalkaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya ahna Madaxa Ergayga Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika “Atmis” Danjire Mohamed Al-Amin Soueif ayaa ka qeyb galaya shaqada kalfadhiga ee xaaladda Soomaaliya.

Kennedy McCain oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka u gudbin doona warbixin ku saabsan xaaladda sugnaanta cunnada ee Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay sida aadka ah u saameeyeen dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan.

Share:

Monday, June 19, 2023

MW Soomaaliya ayaa filayaa in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadlay qorshaha kala guurka iyo cunaqabateynta hubka

 

Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York si uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen .

Booqashada Madaxweyne Maxamuud ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo cusboonaatay dadaallo lagu dalbanayo in Qaramada Midoobay laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992-kii.

Mas’uuliyiinta ayaa rajeynaya in madaxweynaha uu ka warbixiyo horumarka laga gaaray qorshaha kala guurka ah ee ciidamada Afrika ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay guulihii laga gaaray dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay si buuxda ula wareegto arrimaha amniga qaranka iyo in la sameeyo hay’ado amni oo isku kalsoon oo awood u leh in ay dalka ilaaliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran muddo ka badan sodon sano ay muhiimad weyn u leedahay horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dadka u dooda in xayiraadda la qaado ayaa ku doodaya in mamnuuciddaasi ay caqabad ku tahay awoodda dalka uu si wax ku ool ah ula dagaallamo fallaagada iyo khataraha kale ee ammaanka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa laga filaa in uu sameeyo kiis adag oo ku saabsan dib u eegista cunaqabateynta hubka, isagoo muujinaya horumarka laga gaaray dib u habeynta laamaha amniga iyo kordhinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Share:

Sunday, June 18, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada dib u eegista Dastuurka

 

Xasan iyo Xamsa oo  guddiga la socodka dib-u-eegista iDastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo.

Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog