Sunday, June 11, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay wakiilka Midowga Afrika tillaabooyinka lagu dhimayo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada dalka
kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed
El-Amine Souef.
Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika waxaa kulankaan uu la yeeshay
Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiishaan kala ka wadahadlay habraaca
dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024-ka
Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kulankooda diiradda ku saareen qorshaha ay
ciidanka ATMIS amniga qaranka ugu wareejinayaan ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey dadaallada ay dowladda
Soomaaliya ku bixineyso dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka.
Dhinaca kale kulankaan waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada wajiga
labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha
iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee ciidanka
Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka
argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee
wajiga labaad ee howlgalka.
Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee sidoo kale kulankaan looga hadlay waxaa ka
mid ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo
qorshaha kala guurka, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.
Saturday, June 10, 2023
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa soo afjaray dagaal socday in ka badan
7-saacadood oo ay ku doonayeen inay dib ugu soo ceshadaan hoteelka xeebta ku
teedsan ee Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe ka qabsadeen magaalada Muqdisho,
sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay intii ay socotay go’doominta, afar qof oo
rayid ah, labo ka tirsan ciidamada ammaanka iyo 7 weeraryahan oo ka tirsanaa Al
Shabaab, sida ay booliisku sheegeen. Ugu yaraan toban kale ayaa ku
dhaawacmay.
Ciidamada Booliska ayaa intaa ku daray in 84 qof oo shacab ah laga soo
badbaadiyay Hotelka intii uu socday weerarka.
Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo sheegtay in ay ka danbeeyeen
weerarkaas ayaa la dhigay mid ka mid ah qolalka Hotel Pearl ee degmada
Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Hotelka oo ku yaala bartamaha weerarka ayaa ku dhow Xeebta Liido oo ah meel ay
ku badan yihiin siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee booqashada ku
taga magaalada caasimadda ah.
Kooxdu waxa ay sheegtay in dadka lagu weeraray Hotelka ay ahaayeen dadkii ka
dambeeyay weerarka ka dhanka ah Al Shabaab, ayna ku dileen 29 ruux intii uu
socday weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto mas’uul ka tirsan dowladda oo la xaqiijiyay
inuu ka mid yahay dadka lagu dilay weerarka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli ay xasiloon tahay magaalada Muqdisho
kaddib markii dowladda ay bartamihii bishii April magaalada iyo nawaaxigeeda
geysay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababaran. Si kastaba ha ahaatee,
rabshado ay kooxdu geysanayso ayaa dhibaato badan ka geystay qaybo kale oo
dalka ah.
Friday, June 9, 2023
XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta QM
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For
Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalkaasi
Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed
Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha
iyo Xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey
ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo
maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee Magaalada Beruit.
Wasiir Yusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey
qorshaha Wasaaradda kaga degan Arimaha Buulshada ayaa ugu horeyn uga
mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada
Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u
aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad
dhiska Soomaaliyeed.
Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wazaarada dhanka
arrimaha bulshada iyo faaidida uu uu leeyahay diwaanka bulshada nugul(Unified
Social Registry)ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda
Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga
Dalka, iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha
yahay sidii lagu so afjari lahaa.
Thursday, June 8, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo kulankii u horeeyay la qaatay ergeyga cusub ee QM
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku
qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo
magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay
dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero
dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada
la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay
leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga
saaray argagixisada.
Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo
bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna,
waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta
wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka
bini’aadannimo.
Wednesday, June 7, 2023
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga milatari iyo la dagaalanka argagixisada
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa
kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili oo
Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soo dhaweeyay dalkaas.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo Iskaashiga
ciidamada, iyagoo isla soo hadal qaaday Iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Taliyaha waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga
ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka
argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac
Wadahadalladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamadaxoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka
Sacuudiga.
Tuesday, June 6, 2023
Shir looga hadlayo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya oo ka furmay magaalada Kismaayo