Saturday, May 20, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq xiriirka labada dal

 

ciraaq oo deynta ka cafiysey somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay ra’isulwasaaraha dalka Ciraaq mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha waxa uu ka mahad celiyay dowladda Ciraaq deyn ta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka aragagixisada madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

 

Share:

Thursday, May 18, 2023

JFS oo raashiin gargaar ah u dirtay dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baledweyne

 

gargaar

Iyadoo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka jirto xaalado nololeed oo ka dhashay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay xaafadaha oo sababtay iney barakacaan kumanaan qoys ayay dowladda Fedaraalka u dirtay shixnadii gargaar ah oo loogu talo galay dadka barakacay.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Musoobooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wasirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Xalay Muqdisho ka sagootiyay ilaa 50 gawaari ah oo ay saaran yihiin raashiin gargaar ah.

Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Musiiboiyinka qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhbaatada ka jirta Baledweyne inuu indhahiisa kusoo arkay baaxada ay leedahay, islamarkaana dadka halkaasi ku barakacay ay u baahan yihiin garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay iney doorweyn ka geystay gargaar gaarsiinta dadka ka barakacay fatahaada k dhufatay Baledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxman Beenebeene ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadan doonto sidii gargaar loogu sameyn lahaa dadka guryahoodii ay ka barakiciyeen biyaha wabiga Shabeelle.

Si kastaba ha ahaate fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababtay inay barakacaan kumanaan qoys oo haatan ku dhibaateysan duleedka magaalada Baledweyne oo ay ku heysato hoyi la'aan iyo Cunto la'aan.



Share:

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar

 

Mudane Xasan Sheekh

Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kulan wada hadal ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii looga taageeri lahaa, loogana horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dhaqaalaha si looga shaqeeyo danaha guud iyo rabitaanka labada shacab ee walaalaha ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay. horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ugu muhiimsan ee danta guud.

Dhinaca Soomaaliya, kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalix Axmed Gamea, wasiirka maaliyadda, Cilmi Maxamed Nuur, iyo wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

Dhanka Qatar waxaa ka soo qayb galay Mudane Sheikh Saud bin Abdulrahman Al Thani, Madaxa Amiri Diwan, Marwo Buthaina bint Ali Al Jabr Al Nuaimi, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Sheikh Abdulrahman bin Hamad bin Jassim Al Thani, Wasiirka Dhaqanka, Mudane Dr. Muhammad bin Abdulaziz Al Khulaifi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo tiro ka mid ah Mudaneyaasha, mas’uuliyiin sarsare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii Talaadada gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasoo uu booqasho rasmi ah uu ku joogay.

Share:

Wednesday, May 17, 2023

Imaaraadka ayaa ah dalkii ugu horeeyay oo gurmad u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha gobolka Hiiraan

 

Imaaraatka iyo somalia

Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Mucalim Cabdali, ayaa uga mahad celiyay Safaaradda Imaaraadka Carabta kaalmada ay soo gaarsiisay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Imaaraatka Carabta ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee gurmad raashin ah u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Baldwin oo sababtay barakaca kumanaan qof oo guryahooda ka barakacay.

Waxaa xusid mudan in Soomaalida sanadihii ugu dambeeyay ay la ildaranayeen abaaro is-daba-joog ah iyo fatahaado ka dhashay isbeddelka cimilada, magaalada Baldwin ayaa muddo dheer ka mid ahayd magaalooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Xiriirka soomaaliya iyo imaaraadka ayaa ah mid sal adag leh, iyadoo Imaaraadku uu safka hore kaga jiro kaalmaynta Soomaaliya ee arrimaha bini’aadantinimada, wuxuuna door muuqda oo dhanka amniga ah ka qaataa taageerada dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo kaalmaynta amniga ee dagaalka lagula jiro argagixisada.

 

Share:

Tuesday, May 16, 2023

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta adeegyada Caafimaadka

 

Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Xafiiska Ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Danjire Fei Shengchao ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Safiirka ayaana sheegey in Dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta Caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Dalalka horumaray si loo xaqiijiyo yoolka Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadan adeeg Caafimaad tayo leh oo dhamaystiran, kaas oo laga hirgelliyo dhamaan Gobolada dalka.

 

Share:

Monday, May 15, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Safiirka Imaaraadka kala hadlaya sare u qaadista iskaashiga labada dal

 

Imaaraadka


Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Muallem Faki, ayaa maanta la kulmay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaythi.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu kala hadlay Safiirka xiriirka labada dal ee walaalaha ah, xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa iyo arrimo dhowr ah oo muhiim ah.

Waxaa xusid mudan in dowladda Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Doorka Imaaraadku waa mid la taaban karo marka loo eego ka hortagga dhaqdhaqaaqa al shabaab ee Soomaaliya, waxaana ka marag kacaya fagaarayaasha gobolka iyo caalamka taaku leemaha ay siiso

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog