Thursday, March 23, 2023
Lewandowski: Tiki-taka hadda lama shaqayn doono Barcelona
Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski ayaa aaminsan in mustaqbalka kooxdiisa uu yahay mid la hubo, inkastoo Blaugrana ay macasalaameysay dhammaan tartamada Yurub horaantii xilli ciyaareedkan.
Waxa uu taabtay ka saarista Barcelona ee tartamada Yurub, isagoo sharaxay:
"Champions League, dhaawacyada ayaa nagu adkeeyay waxyaabo anaga, waxaan
heysanaa koox yar, taasina waxay khibrad u ahayd qof walba."
Imaaraadka iyo Pakistan ayaa ka wada hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga
Dr.Thani bin Ahmed Al-Zeyoudi Wasiiru dowlaha Ganacsiga Dibadda ayaa kulan la qaatay Wasiirka Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan Syed Naveed Qamar, kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Dhaqaalaha ee Dubai, iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa. iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga labada dal ee dhinacyada danta guud inta lagu jiro marxaladda xigta.
Thani bin Ahmed Al-Zeyoudi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
Dibadda, ayaa xaqiijiyay qoto dheer iyo xoojinta xiriirka Imaaraadka iyo
Pakistan, kaasoo marqaati ka ah kobaca joogtada ah ee dhinacyada kala duwan ee
ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxa uu sharraxay in Imaaraadku yahay iskaashiga ugu horreeya ee
maalgashiga gobolka iyo kan shanaad ee caalamiga ah ee Pakistan, sida ku cad
xogta la soo saaray dhammaadka 2021, iyada oo wadarta maalgashiga tooska ah ee
Imaaraadku uu ka badan yahay 9 bilyan dirham ($ 2.5) suuqyada Pakistan, sida
kuwan Maalgelinta waxaa ka mid ah dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo dhaqaale iyo
ganacsi, gaar ahaan tamarta, Isgaarsiinta, tignoolajiyada macluumaadka,
adeegyada maaliyadeed, caymiska, dhismaha iyo dhismaha, saliidda iyo gaasta
dabiiciga ah.
Waxa uu intaasi ku daray in kulankan wasiiradda ah ee uu la yeeshay
dhinaca Pakistan uu ka dhigan yahay fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo
shaqada wadajirka ah ee labada dal, taas oo ka qayb qaadanaysa kordhinta
ganacsiga iyo is-dhaafsiga maalgashiga, dhiirigelinta ganacsatada labada
dhinacba inay kordhiyaan maalgashigooda iyo ganacsigooda, isla markaana la
taageero. iyagoo ka faa'iidaysanaya fursado maalgashi oo rajo leh oo ka jira
suuqyada labada dal.
Wednesday, March 22, 2023
Xasan Sheekh” oo ku dhawaaqey in Doorashada soo socota ay noqon doontaa qof iyo cod”
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Doorashada soo
socota ee marka uu dhammaado muddo xileedkiisa ay noqon doonto mid Qof &
Cod ah si looga gudbo Doorashooyinka Dadban ee muddada lagu soo dooranayay
Xildhibaannada & Madaxda Dowladda Federaalka.
Waxa uu sheegay in uu dhowaan Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka ee
soo xulay Ergada Dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka una sheegeen in aysan
diyaar u ahayn doorasho dambe oo ah mid dadban.
Nidaamka Xisbiyada ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in
doorashadu ‘Qof & Codka’ ah la isu dooran doono si looga gudbo khilaafaadka
iyo murranada ka dhasha doorashooyinka dadban ee lagu soo doortay
Xildhibaannada.
“Baarlamanka Federaalka,
Sanad & kahor ayaa doorasho ka timaadeen, doorashadii aad ka timaadeen
xiiso ma idiin heysaa oo malagu noqonayaa? Nimankii odoyaasha ahaa ee meelaha
la idinka soo doortay mas’uulka ka ahaa oo dhowaan aan Baydhabo kusoo kulanay
waxa ay dhaheen diyaar uma nihin doorasho dadban oo dambe, hadda haddii idinka
oo doorasho dadban ku yimid diyaar u ahayn, kuwii soo sameeyay diyaar ee
Odoyaasha ka ahaa aanay diyaar uahayn sabab aan meesha usii joogno sooma aha?” MW
JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000 ay ku shaqeyneysay nidaamka awood qeybsiga beelaha ee loo yaqaan nidaamka “4.5”, balse nidaamkaas ayaa dalka ka abuuray qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, waxaana horay u soo maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. waxa ay balan qaadeen in ay dalka ka hirgelin doonaan nidaamka dimuquraadiyadeed, balse kuma aysan guuleysan in ay fuliyaan balamihii ay qaadeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu rejo weyn ka leeyahay
sidii looga gudbi lahaa doorashada dadban si Shacabkana ay u doortaan Xisbiga
ay rabaan lagu gaari karo wadashaqeyn dhexmarta Dowladda, Dowlad-Goboleedyada
xubnaha ka ah & Shacabka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya, Ilaahey idinkiis
Doorashada Soo socota waa Qof & Cod, waa qof iyo cod xisbiyeysan oo Xisbi
la isku doorto, Xisbi la isku doorto marka aan leeyahay maxaan kawadaa? Xisbigu
waa meesha la isku dhaafsado fikirka oo aan la isku dhihin wuu dheer yahay wuu
gaaban yahay, waa suuq oo kale, Wiilka & Gabadha Ra’yiga ka qaba soo
bandhigi karo waaye kuwa Xisbiga ku bulaalayo” ayuu hadalkiisa
sii raaciyay MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya waxaa madaxda doorta Xildhibaanno ku yimid Doorasho dadban,
awoodda Shacabka ay codkooda ku dhiiban lahaayeen waxaa loo gacan-geliyay
wakiilo ay soo xuleen Odoyaal dhaqameed maadaama duruufaha kala duwan ee dalka
ka jira aanay suuragelin in Dadka la diiwaangeliyo oo loo dhigo sanaadiiqda
codbixinta.
Tuesday, March 21, 2023
Md Xasan iyo Museveni oo kulan ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay
dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya
ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada
ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo
dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha
wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda
galay wajigiisi labaad,.
Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay
sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada
sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an
tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka
hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka
Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda,
wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in
muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga
oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay
dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga
sifaynayo argagixisada.
Monday, March 20, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Talyaaniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku
qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.
Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay
xiriirka labada dal ee taariikhiga ah. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo
gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa
wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala
shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaanigagarab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka
argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan
doonaan dhawaan.
Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee dowladda federaalka Soomaaliya
ka taageera dhinacyo kala duwan, sida amniga, deyn cafinta iyo dib u dhiska
ciidamada.
Sunday, March 19, 2023
War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Baydhabo