Friday, September 30, 2022
Thursday, September 29, 2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud
Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxda ugu sareysa WFP
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.
Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
Wednesday, September 28, 2022
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee dhawaanAl-shabaab kala wareegay deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka
Hiiraan ayaa bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.
Ciidamada iskaashanaya ayaa dadka beeraleyda ah ee degan nawaaxiga degmada
Buulaburte ka caawiyay iney la abuuraan beerahooda, xili la sheegay in
deegaanadaasi ay ka da'deen roobab aan badneen.
Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaayay ciidanka xoogga dalka oo ku labisan
dareeskooda oo beer abuur la sameynaya dad beera qodato ahaa oo ku howlana
abuurka beerahooda.
War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in dadka
deegaanka ay haatan bilaabeen tacbashada beerahooda, kadib markii deegaanadooda
laga saaray Al-shabaab oo la tilmaamay iney markii hore qaadan jireen dalagyada
u soo go'a dadka beera qodotada ah.
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Al-shabaab dagaalada kula jira
ayaa horay gargar bani'aadanimo ugu fidiyay qaar ka mid ah qoysaska ku nool
deegaanada gobolka Hiiraan ee Al-shabaab laga saaray.
Tuesday, September 27, 2022
Ra’iisul Wasaare: Dowladda waxaa ka go’an in la helo garsoor madax-banaan oo soo celisa kalsoonida Soomaalida
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka
Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka
golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga
hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo u dub
dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida
bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ka go’an
tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda
Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay
qaran burburka
Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee
barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid
ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah
helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka Heshiiska
Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada
Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga
iyo hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan.
Monday, September 26, 2022
Madaxwayne Xasan oo ka qayb galay Martiqaad uu sameeyay Joe Biden
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
oo New York uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada
Midoobey, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe
Biden.
Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka doorka ay ka
qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo
horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka geeska Afrika.
MW Xasan wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya
ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo
iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku hayeen Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore kulamo ula qaatay, Xoghayaha Difaaca
dalka Maraykanka Lloyd James Austin oo uu kula kulmay Wasaaradda Gaashaandhigga
iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jira sidii Soomaaliya nabad
loogu fidin lahaa loogana takhalusi lahaa argagixisada iyo ururada argagixisada
halka dawladii ka horeeysey ay ka shaqeen jirtey burburinta dalka
Dowladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay in ka badan 800 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha baahsan ee xilligaan ka taagan dalka taasoo wax-yeelleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed.
Dhawaan, Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa
sheegay in Aqalka Cad uu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo
baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in
ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo
dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.
Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta dalka
Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Maxamed
Cabdullahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika
– Itoobiya iyo Eritrea.
Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo
safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan
sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho.
Sunday, September 25, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wadaha Dhaqdhaqaaqyo ay ku adkeenaayaa xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed