Wednesday, February 28, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya uga qeyb-gali doono
Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan
Arrimaha deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada JFS Khadija Mohamed
Al-makhzoumi iyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil
Ibraahim Cabdulle ayaa shalay ka qeyb galay Furitaanta Meertada rasmiga ah
shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha deegaanka.
Wafdiga ay hogaamineyso Wasiir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee ka qeyb-galay
furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud oo dhawaan la filayo iney ka qeyb-galaan shirkaas.
Shirkan oo socon doono ilaa 1 much ee 2024 ayaa diiradda lagu saarayaa sida
ay dalalka caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa
dhibaatada deegaanka oo ugu horeyso wasaqda hawada, isticmaalka bacaha,
xaalufinta deeganka iyo isbeddelka cimilada.
Tuesday, February 27, 2024
Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka
Hay’ada Maareynta Masiibooyinka oo qaabishay Hay’ado Caalami ah
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud
Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda
Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay
madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga
leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegaannada
la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID
hawlaha gargaar iyo horumarineed ee ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday
dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.
Monday, February 26, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Ingiriiska
Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka
ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen
Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga
gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada oo
hadda maraya heer wanaagsan.
“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag
oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka
ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku
diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha
ka harsan ciidamada ATM.
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen
ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu
tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta
iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliyaiyo UK.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay
haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya
wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan,
loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka
talineysay.
Sunday, February 25, 2024
Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..
Madaxweynaha ayaa saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta
deegaanka, kaasoo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne
Xasan Sheekh saxiixiisa sharcigan muhiimka u ah ilaalinta deegaanka.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kaasoo ay
ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa in muddo ah ku howlaneyd sidii loo soo saari lahaa sharciga
ilaalinta iyo maareynta deegaanka, sharcigan ayaa ah mid muhiim u ah ka
hortagga iyo yareynta saameynta is bedelka cimilada ee dalka.
Saturday, February 24, 2024
Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka
Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir
ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda
Dhexe Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay
booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya
xireenka, kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii
El-Niño ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn
donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna ShacabkaSoomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .
si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu
sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee
biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta
Musiiboyinka Qaranka.
Tuesday, February 20, 2024
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Ganacsato u dhasheen dalka Kuwait