Saturday, January 13, 2024
Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah gaarsiisay deegaanka Janaale
Degaanka Janaale ee hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha
Hoose waa degaan Illaahay ku manaystay Webbi,Beero wax-soosaar, dalxiis iyo
khayraad kale oo muhiim ah, ayaa waxaa ka jirta haatan xaalad adag oo dhanka
nolasha ah oo ay wajahayaan shacabka Janaale.
Degaankaan waxaa sameen adag ka gaystay fatahaadaha El-Niño, waxaana
inta badan magaladaas fadhiya wali biyo aad u farabadan, waxaana maanta kormeer
u kuurgalidda xaladaha halkaas ku jira ku tagay Senator Xuseen Maxamed Daahir,
Agaasimaha waaxda Cafimaadka SoDMA Cabdullaahi Muuse Axmed, Masuuliyiin ka kala
socday machadka Cafimaadka Qaranka iyo hay’adda PAC.
Hay’adda SoDMA oo ka Jawaabaysa xaladaha Beni’aadannimao ee ka jira
degaankaan ayaa waxa ay maamulka Janaale ku wareejisay shixnad daawo ah,
madaama xaalad cafimaad darro ay degaankan ka jirto., iyadoo uu deeqdaan ka
mahadceliyey Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Al-cadaala oo Masuuliyiintan soo
dhaweeyey.
Thursday, January 11, 2024
Madaxweynaha JFS oo xaaladda Gobalka kala hadalay Ergeyga Midowga Yurub Ee Geeska Afrika
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XAALADDA GOBOLKA KALA HADLAY ERGEYGA MIDOWGA
YURUB EE GEESKA AFRIKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga
Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub, ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka
iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si
gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.
Egeyga Midwoga Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay
mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska
Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida,
gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub
ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay
dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda,
baddooda iyo gobanimadooda.
Wednesday, January 10, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa
maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ku soo
dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas
Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.
Taliyaha Ciidanka Xoogaa dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh
Muxudiin, ayaa Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka
siiyay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah iyo
sida ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin Dagaalka dalka
looga sifeenaayo loogana taqalusaayo Cadawga.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya,ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka, waxa
uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye
ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda
hoggaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Tuesday, January 9, 2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel
Fattah el-Sisi.
Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka
socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan
la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u
muujisay Dowladda Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo
aaddan halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda
saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal,
waxaa sidoo kale ay ka hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la
xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.
Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid
damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda
Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo
midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Monday, January 8, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray doorashada Puntland iyo guusha Saciid Deni
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashada uu
markale ku guuleystay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee maanta ka dhacday
magaalada Garoowe.
Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee
Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagq oo u rajeeyey in uu ku guleysto
waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale wuxuu u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba,
xasillooni buuxda iyo horumar, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda federaalka Soomaaliya
ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka
maamulka Puntland.
Ugu dambeyntiina wuxuu ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo,
guddiga doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii
ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.
Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay ayada oo weli halkiisii uu yahay
khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid
Deni, kaasi oo gaaray heer ay Puntland sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad
madax-banaan oo kale.
Si kastaba, Saciid Deni ayaa maanta mucaaradkiisa ka adkaaday, isaga oo
helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la
tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod.
Sunday, January 7, 2024
Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano