Wednesday, December 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee New York
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta QM ku guddoomiyay Shirka Amniga
Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee
ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo shirkaas lagu
soo bandhigay muhiimadda uu amniga Soomaaliya u leeyahay gobolka.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen 26 dowladood, Qaramada Midoobay,
Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha waxa uu
ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay qorshayaashii dowladdiisa ee ku aaddan
dib u dhiska ciidanka iyo xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan
argagixisada. , Ahmiyadda iskaashiga amniga ee heer qaarad iyo heer caalami, ka
bixitaanka ciidamada AMISOM, iyo xasiloonida siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa yiri “ dhimista tirada ciidamada AMISOM ee hadda jirta
waxay cadeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha lagu xaqiijinayo
Soomaaliya oo xasiloon oo leh adeegyo amni oo awood u leh inay si buuxda u
qaataan mas’uuliyadda amniga dalka”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in Soomaaliya laga qaado
cunaqabateynta hubka, haatanna ka taageeraya cafinta daymaha lagu leeyahay iyo
dhismaha ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka
taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay
cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u
soo hoyatay Soomaaliya, taasoo muujineysa horumarka ballaaran ee laga gaaray
habka loo maamulo hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankan uu noo
ogolaanaya in si buuxda loo qalabeeyo ciidamada Qaranka.
Tuesday, December 12, 2023
Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray New York
Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey
Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee
Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo
howlgallada Xoreynta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si
uu u guddoomiyo Shirkan.
Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Soomaaliya, shirkan ayaa ujeedkiisu
yahay in laga doodo, isla markaana la dejiyo istaraatiijiyad lagu horumarinayo
amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, loogana hortagayo caqabadaha amni ee dalka
ka jira, iyadoo diiradda lagu saarayo khatarta Al-Shabaab.
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda
Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;
1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.
2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.
3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.
Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabateentii hubka,
waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.
Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya
uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan
looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb
geli doona shirka deyn cafinta Soomaaliya.
Monday, December 11, 2023
SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay
in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay
roobabka iyo daadadka El-Niño.
Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo
shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin
badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka
ku gaarsiiyan.
Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen
qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.
“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa
nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka
maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu
yiri.
Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso,
oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab
istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”
SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka
inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo
dadka sida aadka ah ugu baahan.
“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin
siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino,
oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”
Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan
deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño,
isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa,
ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka
dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo
fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay
illaa 120 ruux.
Sunday, December 10, 2023
Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo korortay
Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee
SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay
daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120
ruux.
Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku
dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.
"Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120
ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay,
Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon
la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab" ayuu yiri guddoomiyaha
hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar
ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku
xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.
Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii
darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Saturday, December 9, 2023
Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee
caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda
Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka
41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka
qaaday Villa Soomaaliya.
Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo
in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid
yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan
madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan
caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.
Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya
ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo
wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo
laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay
shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.
Thursday, December 7, 2023
Soomaaliya ayaa u mahadcelineysa dalalkii ku taageeray qaadista cunaqabateynta hubka