Tuesday, December 12, 2023

Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray New York

 

Xasan Sheekh oo ka degay New York

Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Soomaaliya, shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in laga doodo, isla markaana la dejiyo istaraatiijiyad lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, loogana hortagayo caqabadaha amni ee dalka ka jira, iyadoo diiradda lagu saarayo khatarta Al-Shabaab.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabateentii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirka deyn cafinta Soomaaliya.

 

Share:

Monday, December 11, 2023

SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño.

Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka ku gaarsiiyan.

Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso, oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”

SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino, oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”

Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño, isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay illaa 120 ruux.

 

Share:

Sunday, December 10, 2023

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo korortay

 

hay'adda Maareeynta Masiibooyinka SODMA

Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.

"Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab" ayuu yiri guddoomiyaha hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

 

Share:

Saturday, December 9, 2023

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

 

Jabuuti

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

 

Share:

Thursday, December 7, 2023

Soomaaliya ayaa u mahadcelineysa dalalkii ku taageeray qaadista cunaqabateynta hubka

 

Xasan: Dunida si aysan uga qoomameyn go’ankii taariikhiga ahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahadceliyey dalalkii taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kaga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad loo qabtay guushan taariikhiga ah, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, isagoo ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen halgankii dheeraa ee ay u soo galeen sidii loo gaari lahaa yoolkaas muhiimka ah. guul

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda weyn ee go’aankan uu u leeyahay sidii Soomaaliya looga xoreyn lahaa argagixisada, wuxuuna soo bandhigay qorshaha dowladda ee ah in si mas’uuliyad ku jirto loo maareeyo hubka.

Xasan: Dunida si aysan uga qoomameyn go’ankii taariikhiga ahaa

Guushaan waxay cadeyn u tahay dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka," ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud oo yiri: "Waxaan si aad ah ugu mahadcelineynaa dhammaan dowladihii na garab istaagay intii aan ku guda jirnay safarkan adag." Taageeradooda hagar la’aanta ah ayaa wax weyn ka tari lahayd in aan ku soo dhawaado nabad iyo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka dhalata.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay madaxda iyo hay’adaha dadaalka badan ee ku jira dowladda Soomaaliya oo kaalin mug leh ka qaatay xaqiijinta guushan taariikhiga ah. Wuxuu ku celceliyay in dowladdu ay si buuxda uga go’an tahay xaqiijinta in si mas’uuliyad leh loo adeegsado hubka iyo codsigooda gaarka ah ee lagu xoreynayo dalka iyo difaaca qaranka.

 

Share:

Wednesday, December 6, 2023

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

 

Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qeyb galay shirkii is bedelka cimilada ee Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga ImaaraatkaCarabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog