Thursday, May 25, 2023

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdiaho

 

Golaha Wadatashiga Qaran



Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaaw, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

 

Share:

Wednesday, May 24, 2023

RW somaliya xamse iyo dhigiisa masar Dr. Mustafa Madbouly oo wada hadley Kor u qaadista iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee soo dejinta xoolaha

 

Masar iyo Soomaaliya


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta oo Talaado ah kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr. Mustafa Madbouly oo ay ka wada qeyb galayaan howlaha shirarka sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika.

Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in dalkiisa uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Masar la garab taagan tahay Soomaaliya intii ay jirtay, isagoo carabka ku adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadatay yareynta dhibaatooyinka xilliyada adag, isla markaana ay ka qeyb qaadaneyso xoojinta dowladnimada.

Haddaba, Berri waxa uu taabtay guulihii ugu dambeeyey ee ay dawladda federaalku ka gaadhay la-dagaalanka argagixisada iyo hagaajinta xaaladda amni ee inta badan gobollada Soomaaliya.

Dhankiisa, Dr. Mustafa Madbouly ayaa muujiyay sida ay Masar ugu hanweyn tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya walaalaha ah, isagoo ku nuux-nuux saday dardaarankii Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ahaa in taageero kasta oo suurtagal ah la siiyo Soomaaliya walaalaha ah.

Madbouly ayaa sidoo kale soo hadal qaaday suurtagalnimada in la wanaajiyo wadashaqeynta Soomaaliya ee dhanka dhoofinta xoolaha, isagoo faray in maamulada ay khuseyso Masar ay arrintan kala xiriiraan safiirka Soomaaliya ee Qaahira.

Share:

Tuesday, May 23, 2023

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda oo faahfaahsan

 

Muqdisho

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga caasimadda.

” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga dhigta ee u kala haya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo qorhseeyay sugida amniga caasimadda.

Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada ka muujin jireen ciidamada qaar.

” Waayeelka,carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar walba gacanta qabataan,isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.

Waxaa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada qaar.

Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku gudbinaya.

Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.

Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay, taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku laalneyd.

 

 

Share:

Monday, May 22, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa gargaar dawo ah u dirtay magaalada Laascaanood

 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta diyaarad wada shixnad Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan dagaalo.

Diyaradaan oo Garoowe ka dajindoonto gargarkaan ayaa magaladaas waxaa looga qadayaa gawaari si ay u gaarsiyaan isbitaalada Laascaanood.

Shixnadaan daawada ah ayaa isugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada, waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaadda Laascaanood qasaaraha ka so gaartay.

Agaasimaha guud  ee Arrimaha Beni’aadannimo Hay’adda Mareeynta musiiboyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xuseen, Madax Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdegga ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi  Muuse Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan hay’adda ayaa diyaradaan ka sagootiyey garoonka Aadan Cadde.






Share:

Sunday, May 21, 2023

RW Xamse “Hadda waxaynu jeexnay waddo cusub si daahfuran loogu tartami doona boosaska shaqo ee Dowladda”

 

RW Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.

Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.

Share:

Saturday, May 20, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq xiriirka labada dal

 

ciraaq oo deynta ka cafiysey somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay ra’isulwasaaraha dalka Ciraaq mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha waxa uu ka mahad celiyay dowladda Ciraaq deyn ta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka aragagixisada madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog