Monday, May 8, 2023

DF oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka

 

Villa Somalia

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska.

Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka.

“Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soonkii ugu horreeyay.”

Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.

 

Share:

Sunday, May 7, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe

 

Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u Amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho.

Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama Magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$.

 

Share:

Saturday, May 6, 2023

AMISOM oo sheegtey sida ay uga go'an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya

 

AMISOM

Xilli dabayaaqada sanadka soo aadan ee 2024, la qorsheeyay in ciidanka howlgalka midowga Africa ee ATIMIS ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa bartamaha sanadkaan lagu wadaa in dalka laga daadgureeyo kumanaan ka tirsan ciidanka midowga Afrika sida uu sheegay mas’uul u hadalay howlgalka nabad ilaalinta ee EX AMISOM.

Maj. Gen. Marius Ngendabanka  oo ah taliye ku-xigeenka howlagalka cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso fulinta howshaan bisha August 2023.

Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada, saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka muuqdeen howlgallada.

Howlagalka ciidamada midowga Afrika oo 15 sano jirsaday ayaa dib loogu ciliyay nabad ilaalinta ATMIS, sanadkii 2022, markaas oo howlgalka AMISOM laga badalay, intii lagu jiray howlgalka ayaa waxaa khasaaro badan kasoo ciidamo u dhashay Uganda iyo Burundi, kuwaas oo la kulmay weerarro kale duwan oo ka dhacay gobollada dalka.

Ciidamada midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2007, xilligaan oo gudaha Muqdisho uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dowladaha ugu badan ee ku tabarucay ciidanka jooga Soomaaliya kamid ah dowlaha Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo dowladda  Jabuuti.

 

Share:

Friday, May 5, 2023

Md Xasan oo si weyn u dhaliilay Saciid Deni, kana digay

 

Xasan Sheekh Maxamuud


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan.

“Ifa-faalayaasha muuqda wadada aan soo marnay ee aan sheegayno marka u barbar dhigno ifa-faalayaal fiican ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa uga digay madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, isagoo hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qal-qal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada, oo aysan ka tallaabsan, “ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago nuglaada oo dhageysta.”

“Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga yaqaano leh waaye, siyaasiyiinta ha la dhageysto, odayaasha dhaqanka ha la dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la yeello.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu leexsaday Deni, ay hore uga gadmi weyday reer Puntland, sidaas darteed ay tahay in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka maamulkaasi ee qof iyo codka ah.

 

Share:

Thursday, May 4, 2023

DF oo sheegtay in 70% hoos u dhaceen weeraradii Alshabaab ay geysan jireen

 

Al-Shabaab

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Alshabaab ka geysan jireen dalka, iyagoo bogaadiyey ciidamada amniga oo guula ka gaaray dagaalka dib xorreynta dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taasoo ay sheegeen inay sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.

Ciidamada cusub ee laga howlgaliyay magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay inay hoos u dhigaan dhacdooyinki amni darro ee Muqdisho ay ka geysan jireen Alshabaab iyo ciyaal weerada.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay mushaarka iyo qalabaynta ciidamadan, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowr habeen ka hor hadlayay dood dadweyne oo su'aalo lagu weydiinayay.

Inkastoo dowladdu adkaysay amniga Muqdisho, haddana Alshabaab ayaa bishii tagtay weeraro dhaliyay khasaare badan ka geysatay gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyagoo weeraray xarumo ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xorayntu joogeen.

 

Share:

Wednesday, May 3, 2023

HSN Sheekh oo hadal furan ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

 

Imaaraatka iyo Soomaaliya


Marqaati ka timid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dowladdiisa ay hormuud ka tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana uu rajeynayo mustaqbal xasiloon oo aan xagjirnimo laheyn.

Sheekh Maxamuud oo wada hadal furan ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku taabtay xiriirka labada dal ee ku qotoma taariikhda, wuxuuna dib ugu laabtay horraantii todobaatameeyadii ee qarnigii tagay, isagoo taabtay dhacdooyin ku haray xusuusta iyo sidoo kale taariikhda.

Wuxuu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu goob joog u ahaa booqashadii uu Soomaaliya ku yimid hogaamiyihii geeriyooday ee Imaaraatka Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan. 

Waxa uu intaa ku daray in uu la kulmay Marxuum Sheekh Zayid oo uu ku wehliyo Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaa, General Maxamed Siyaad Barre, uu kula kulmay Iskuullada Dowladda ee ku yaalla Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay Soomaaliya siiyeen deeqo muhiim ah xilligii dowladdii dhexe ee burburtay 1991-kii, gaar ahaan dhismaha Somali Airlines. 

Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in Imaaraadku uusan marnaba ka tagin Soomaalida, haddii ay barwaaqo tahay iyo haddii ay dhibaato jirto, isagoo tilmaamay in isu soo dhawaanshaha labada dal uu ku yimid xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatiiji ah. 

Sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Imaaraadku wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu waaweyn ee dagaalka ay Muqdisho ka wadaan argagixisada si xididdada loogu siibo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada xagjirka ah.

Waxa uu ku micneeyay in Imaaraadka ay ku bixiyeen qarashka ku baxa tababarida iyo qalabeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee gacanta ku haya amniga caasimadda, isagoo xusay inay sii wadayaan bixinta mushaaraadka ciidamadeena oo aan wax magdhow ah laga siin. 

Waxa uu ka digay in sinaba aysan u aqbali doonin in la naceysiiyo xiriirka adag ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna carabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulkiisa ay ku jirto in aan dhib la’aan iyo in laga shaqeeyo danaha Soomaaliyeed. 

Bini’aadanti ahaan, Imaaraatka Carabta waxaa lagu tiriyaa taageerayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliya soo mara soddonkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo gacmaheeda cadaanka ah ay diiradda saarayeen hubkooda bini’aadantinimo ee waxbarashada, caafimaadka iyo horumarka. 

Maxamed Nuur oo ah falanqeeye siyaasadda Soomaaliya oo ka faalloonaya ammaanta Sheekh Maxamuud, ayaa aaminsan in ay caddayn u tahay baaxadda dalabka Abu Dhabi iyo mowqifka dhabta ah ee ay ka qaadatay sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka argagixisada. 

Nuur ayaa farta ku fiiqay in bilowgii sanadkan ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis amni iyo mid militeri, iyadoo Soomaaliya ay midhaheedii guratay iyadoo la qalabeeyay 3,000 oo askari si ay u sugaan ammaanka caasimadda Muqdisho. 

Nuur waxa uu carabka ku adkeeyay in soo laabashada khudbada madaxweynaha ee uu kaga hadlayo Sheekh Zayed iyo doorka uu ku leeyahay dhidibada u aas aasida xiriirka jira ee dhinac walba ah ay cadeyn u tahay xaqiiqada ilaalinta xiriirkaas oo macno weyn ugu fadhiya Muqdisho marka loo eego dhinacyada kale. 

Khabiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka labada dal, iyadoo la tixgelinayo in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu ku riyaaqayo xaqiiqada dhabta ah ee ku aadan siyaasadda arrimaha dibadda, maadaama Imaaraadku uu ahaa safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ah bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog