Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay
xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa
doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka
dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay
khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer
Puntland ee mucaaradsan.
“Ifa-faalayaasha muuqda wadada aan soo marnay ee aan sheegayno marka u
barbar dhigno ifa-faalayaal fiican ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa uga digay madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay
isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, isagoo hoggaanka Puntland ugu
baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qal-qal gelin karta nidaamkii ay
horay Puntland ugu soo caana maashay.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu
sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada, oo aysan ka
tallaabsan, “ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago
nuglaada oo dhageysta.”
“Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga
yaqaano leh waaye, siyaasiyiinta ha la dhageysto, odayaasha dhaqanka ha la
dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la
yeello.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu
leexsaday Deni, ay hore uga gadmi weyday reer Puntland, sidaas darteed ay tahay
in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka
maamulkaasi ee qof iyo codka ah.
0 Comments:
Post a Comment