Saturday, March 11, 2023

Shir Nairobi uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF

 

Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Shirkan ka furmay magaalada Nairobi  ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doonaa sare u qaadidda dakhliga gudaha, maaraynta Maamulka Maaliyadda Guud (PFM) iyo nidaamka Dowlad Wanaagga.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal badan ugu jirta sidii looga cafin lahaa lacago badan oo deyn ah, waxa ayna dowladda buuxisay sharuudo badan ay horey ugu xireen bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

 

Share:

Thursday, March 9, 2023

Nahyan bin Mubarak ayaa kala hadlaya safiirada Malta, Maldives iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si loo xoojiyo xiriirka iskaashi

Nahyan bin Mubarak


Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, Wasiirka Dulqaadka iyo Wada-noolaanshaha, ayaa shalay qasrigiisa ku qaabilay Maria Camilleri Kalia, Safiirka Jamhuuriyadda Malta ee Imaaraadka, Aminath Shabina, Safiirka Jamhuuriyadda Maldives u fadhiya UAE, iyo Mary Ndjika Obombo, Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa dhinacyo kala duwan, waxaana Sheekh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan uu safiirrada dalalka saaxiibka la ah isku weydaarsaday arrimo dhowr ah oo heer gobol iyo heer caalami ah oo khuseeya danaha guud. dadkoodana anfaca.

Sheikh Nahyan bin Mubaarak ayaa carabka ku adkeeyay in Imaaraatka Carabta oo uu hogaaminayo Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Dowladda, Allaha xafido, ay aad u daneynayaan in la fidiyo buundooyinka iskaashiga iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ay la leeyihiin dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah ee saldhigoodu yahay. oo ku saabsan qiyamkeeda la aasaasay ee dulqaadka, nabadda, wada noolaanshaha iyo wadajirka aadanaha si kor loogu qaado xasilloonida iyo barwaaqada.

Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan – intii uu socday kulanka – waxa uu tilmaamay in Imaaraadku uu martigelin doono kal-fadhiga siddeed iyo labaatanaad ee Shirweynaha Xisbiyada COP 28 dhammaadka sanadkan oo ka dhici doona magaalada Dubai Expo City, si loo mideeyo dadaallada caalamiga ah ee lagu xaddidayo cawaaqibka ka dhalan kara isbeddelka cimilada oo laga gudbo marxaladda ballan-qaadyada loona gudbo hirgelinta si loo ilaaliyo meeraha jiilalka mustaqbalka, oo ay ku jiraan Wax-ka-qabashada waaritaanka kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada aadanaha.

Dhankooda, safiirrada dalalka saaxiibada ah ayaa ku nuux-nuux saday intii uu socday kulanka inay dalalkooda jecel yihiin inay sare u qaadaan iskaashiga ay la leeyihiin Imaaraadka Carabta ee dhinacyada kala duwan, iyagoo u rajeeyay madaxda, dowladda iyo shacabka Imaaraadka inay sii wadaan horumarka iyo barwaaqada, lagana gaaro guulo ilbaxnimo ah.

Waxay hambalyo u direen Imaaraadka Carabta iyo Marwo Sheekha Faadumo bint Mubaarak, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Guud, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Hooyada iyo Dhallaanka, Guddoomiyaha Sare ee Mu'asasada Horumarinta Qoyska, "Hooyada Emirates",

Faadumo bint Mubaarak, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Guud, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Hooyada iyo Dhallaanka, Guddoomiyaha Sare ee Mu'asasada Horumarinta Qoyska, "Hooyada Emirates", munaasabadda haweenka caalamiga ah. Maalinta, iyo guulaha dhaqameed ee haweenka Imaaraatka oo muujinaya doorka muhiimka ah ee geeddi-socodka horumarka waara ee waddanku ka markhaati kacayo dhinacyo kala duwan, waxay noqotay tusaale dhiirigelinaya adduunka oo dhan.

Share:

Wednesday, March 8, 2023

Ra’iisul Wasaaraha xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya

 

somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.

Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.

 


Share:

Tuesday, March 7, 2023

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya

 

Xasan oo shaaciyay qorshe fog

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inay ka go’an tahay sidii usoo saari lahaayeen khayraadka dalkeena, kaasi oo uu sheegay in loo marayo wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadka iyo awoodda qaranka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka qani ku ah khayraadka, islamarkaana ay durba si firfircoon uga shaqeynayaan qorshayaashii ay Soomaaliya ku gaari laheyd barwaaqo.

Ka Soomaaliya ahaan waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaqeyneynaa  barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaarno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka.

Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in iskaashiga Soomaaliya yahay mid samaynaya horumar la taaban karo, taasi oo uu xusay in sabab u tahay dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bah-wadaagta caalamiga ah, oo iyagu sii wada inay sii garab taagnaadaan xilli Soomaalida ay ku dadaalayso sidii ay ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.

Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in badbaadada bulsheed ee caalamka aysan noqon wax siin oo kali ah, balse ay noqoto fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.

 

Share:

Monday, March 6, 2023

Liverpool Oo Xasuuq Kubadeed U Geysatay United , Waligood Ma Iloobayaan


Xasuuq xaley

Liverpool ayaa xasuuq kubadeed u geystay United oo ay ku garaaceen 7 gool oo nadiif ah ka dib ciyaar hal dhinac aheyd, waana xasuuq waligood reer United iloobi doonin

Biloowgii , Labada koox waxa ay muujiyeen awood inkastoo United nasiinada loogu diray hal gool uu saxiixay Gakpo

Qeybta hore Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubad haysashada halka Unitedhalis ku ahaayeen halis gilinta goosha kooxda Klopp

Liverpool waxa ay muujiyeen daafac wada jir ah xitaa Saalah ayaa qeyb ka ahaa shaqadaas , waxaana United daqiiqadii 41-aad laga diiday gool uu dhaliyay Casemiro sababo la xariirta Offside

United sida kale ma xumeyn kaliya afka hore ayaa si u dabacsanaa , Antonay habeenkiisa ma aheyn halka Dalot isna xaalka ku xumaa

Soo laabashadii , Liverpool durba gool labaad ayay heleen waxaana saxiixay Nunes waxa ayna taasi xaalka  ku xumeysay United waxa ayna aheyd daqiiqadii 43-aad

Ka dib dhacadaas , United maamulka qadka dhexe ayaa laga wareegay waxaana ka dhacayay qaladaad ay ku qasaarinayeen kubadda taasi oo keentay in gool sedexaad uu dhaliyo Gakpo

Hal dhinac ayay ciyaarta noqotay , wiilasha Ten Hag  is dhiibeen , dhibka uu weyn waxa uu aha ain kubadda durba cagtooda ka baxeysay iyadoo qalad kale ay galeen uu ka faa`ideystay Salah oon gool cajib oo hal taabasho ku toogtay goosha De Gea taasi oo ciyaarta ka dhigtay 4 daqiiqadii 66-aad

United habeenkeeda ma aheyn , Liverpool is fahan iyo dar dar cadaadis leh ayay ciyaarayeen , daafaca Ten Hag waa liitay gool 5-aad ayaana lagu helay daqiiqaddii 75-aad mar kale waxaa  dhaliyay Nunez .

Si waliba , ceeb kubadeed ayaa muuqaneysay oo goolal dheeraad ah ayay rabeen Liverpool ilaa Salah uu dhaliyay kii lixaad daqiiqadii 83-aad

Si waliba , Liverpool intaas kuma joogsan gool 7-aad ayay dhaliyeen waxaana saxiixay Firminho dhamaadkii ciyaarta waxaana loogu dhameeyay 7 gool .

 

Share:

Sunday, March 5, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga DF Soomaaliya oo la kulmay Safiir ku-xigeenka UK ee Soomaaliya

 

UK ee Soomaaliya



Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta la kulmay Safiir ku-xigeenka safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ahna sii hayaha safaarada Ed Barnett.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo Wasiirku uu uga warbixiyay Safiirka xaaladda guud ee dalka iyo howlgallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta, kaasi oo guulo waa weyn laga gaaray.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay UK kaalinta ay ka qaadato doorka ku aaddan taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bogaadiyay howl-gallada guud ahaan Dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, waxa uuna xusay in Boqortooyada Ingiriiska ay kaalin mug leh ka qaadato taageerada Soomaaliya iyo sidii cunaqabateynta hubka saaran looga qaadi lahaa.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog