Thursday, December 1, 2022
NEWS Shirka Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Soomaaliya Oo Lagu Soo Gebagebeeyey Muqdish
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta soo xiray
Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka
socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka
Soomaaliya uu leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in
xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada
dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga
sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.
Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye,
kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.
Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta
shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka,
sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye
oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo,
soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee
tooska ah.
Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo
nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo
horumarinta dhaqaalaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday
fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana
faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya
hiigsaneyso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo
ay kasoo qeyb qeybgaleen Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada,
Maalgashadayaal caalami ah iyo Marti sharaf kale.
Wednesday, November 30, 2022
Md Xasan Sheekh oo amray in baaris deg deg ah lagu sameeyo weerarkii Villa Rose
Madaxweynaha dowladda
federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in baaris
deg-deg ah lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa Raysa oo ku dhow
xarunta madaxtooyada, kaas oo ay maalin kahor weerareen Al-Shabaab
Madaxweynaha ayaa u xil-saaray baaritaankan Maxkamadda Ciidamada Qalabka
Sida, waxaana ay isla xalay maxkamadu bilowday baaritaanka, iyada oo tegtay
hoteelka.
Baarista kadib ayaa la filayaa in ay tallaabo adag qaado dowladda
Soomaaliya, taas oo la xiriirta sugidda amniga iyo cid qaadata mas’uuliyadda
dhibkii ka dhacay halkaasi.
Weerarkan oo saacado badan qaatay ayaa dhaliyey tuhun xoogan, maadaama uu
ka dhacay goob amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo ayna ku yaallaan koontaroolo
badan.
Tuesday, November 29, 2022
Ronaldo Mise Bruno? FIFA Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiddiga Goolka U Dhaliyay Portugal Kulankii Uruguay.
Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saartay warbixin ay kaga
hadhay cida dhalisay goolka 1-aad ee xulka Portugal kulankii Uruguay ee koobka
adduunka.
Xulka Portugal ayaa dhaliyay goolka furitaanka kulankii Uruguay waxana uu
muran ka dhashay cida dhalisay goolka iyada oo uu Ronaldo sheegtay isla markaas
ay FIFA u qortay xiddiga Bruno Fernandes.
Xidhiidhka Portugal ayaa xitaa FIFA u diray cadaymo ay ku sheegayaan in uu
Ronaldo dhaliyay goolka xilli xiddiga Bruno laftiisu sheegay in uu Ronaldo
dhaliyay goolka.
“Kulankii u dhaxeeyay Portugal iyo Uruguay, anagoo adeegsanayna
Teknolojiyada Kubadda Kubadda, waxa aan xaqiijinaynaa in uuna Cristiano Ronaldo
wax taabasho ah ku samayn kubada goolkii furitaanka ee Kulanka”ayay FIFA
warbixin ku soo saartay.
Maadama ay haatan FIFA xaqiijisay in ayna jirin cadayn muujinaysa in uu
Ronaldo taabtay kubada Goolka ayaa si Rasmi ah loogu qoray xiddiga khadka dhexe
ee Bruno Fernandes.
Monday, November 28, 2022
Feeryahanka reer Mexico ayaa u hanjabay Messi: Waa inuu Ilaah ka baryaa inuusan helin isaga!
Feeryahan u dhashay dalka Mexico ayaa hanjabaad qaawan u jeediyay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, isagoo ku eedeeyay inuu ixtiraami waayay dalkiisa. Argentina ayaa si xoogan u soo laabatay si ay ugu tartanto finalka koobka aduunka kadib markii ay guul qiimo leh (2-0) kaga badisay xulka qaranka Mexico oo aan wali lumin fursadaha tartanka inkasta oo laga badiyay.
Dhamaadkii wareegii labaad waxaa Group C ku soo baxay Poland oo 4 dhibcood ku soo baxday, Argentina ayaa ku soo baxday kaalinta labaad oo saddex dhibcood leh, ka dibna Saudi Arabia ayaa sidoo kale soo gashay kaalinta saddexaad oo 3 dhibcood leh, ugu danbayn Mexico ayaa soo gashay kaalinta afraad iyada oo leh hal dhibic.
Waxaana la faafiyay muuqaal muuqaal ah oo muujinaya ciyaartoyda Argentina oo u dabaal degaya guushii ay ka gaareen gudaha qolka labiska, kaasoo uu Messi ka soo muuqday isagoo cagtiisa ku laaday funaanada Mexico, ka dibna uu dul istaagayo si uu ula heeso ciyaartoyda kale. Tani ma aysan ka farxin feeryahanka reer Mexico Canelo Alvarez, oo heysta horyaalnimada heerka dhexe ee adduunka, kaasoo ku yiri bartiisa Twitter-ka
Qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka: “Waxaan arkay Messi oo dhulka ku haraatinaya shaadhka dalkayga Mexico.. Waxaan doonayaa inuu had iyo jeer tukado wixii hadda ka dambeeya, waxaana rajeynayaa inaanan heli karin.” Wuxuuna
raaciyay: “Kaliya sida aan u ixtiraamayo Argentina, waa inaad ixtiraamtaa Mexico Maya waxaan ka hadlayaa dalka, waxaan ka hadlayaa Messi.”
Wuxuuna hadalkiisa ku soo xidhay: “Ilaa inta shaadhka qaranka Mexico uu dhulka yaallo, waaba aflagaado. Sida
laga soo xigtay wargeyska Ingiriiska ee Daily Mail , taageerayaal badan oo reer Argentine ah ayaa si cadho leh ugu jawaabay Alvarez baraha bulshada.
Sunday, November 27, 2022
Md Xasan Sheekh iyo Md HirShabelle, Cali Guudlaawe oo Dhagax dhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadale ee Gobolka Shabellaha Hoose
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud iyo Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dhagax
dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi
doono.
Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax
badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in
garoonkan uu yahay mid muhiim u ah bulshada deegaanka, isagoo tilmaamay in
dhismihiisa uu qeyb ka noqon doono mashaariicda laga fulinayo gobolka Sh/dhexe.
Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha uu booqday deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaano ka tirsan magaalada “Athali”.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta nabadda,
horumarinta gobolka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna carrabka ku
dhuftay in dowladdiisa aysan aqbali doonin jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo
dhibaateynta muwaadiniinta safarka ah.
Saturday, November 26, 2022
Abdullah bin Zayed oo qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya