GURIGA »
ciyaaraha
» Ronaldo Mise Bruno? FIFA Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiddiga Goolka U Dhaliyay Portugal Kulankii Uruguay.
Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saartay warbixin ay kaga
hadhay cida dhalisay goolka 1-aad ee xulka Portugal kulankii Uruguay ee koobka
adduunka.
Xulka Portugal ayaa dhaliyay goolka furitaanka kulankii Uruguay waxana uu
muran ka dhashay cida dhalisay goolka iyada oo uu Ronaldo sheegtay isla markaas
ay FIFA u qortay xiddiga Bruno Fernandes.
Xidhiidhka Portugal ayaa xitaa FIFA u diray cadaymo ay ku sheegayaan in uu
Ronaldo dhaliyay goolka xilli xiddiga Bruno laftiisu sheegay in uu Ronaldo
dhaliyay goolka.
“Kulankii u dhaxeeyay Portugal iyo Uruguay, anagoo adeegsanayna
Teknolojiyada Kubadda Kubadda, waxa aan xaqiijinaynaa in uuna Cristiano Ronaldo
wax taabasho ah ku samayn kubada goolkii furitaanka ee Kulanka”ayay FIFA
warbixin ku soo saartay.
Maadama ay haatan FIFA xaqiijisay in ayna jirin cadayn muujinaysa in uu
Ronaldo taabtay kubada Goolka ayaa si Rasmi ah loogu qoray xiddiga khadka dhexe
ee Bruno Fernandes.
0 Comments:
Post a Comment