Sunday, February 25, 2024
Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..
Madaxweynaha ayaa saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta
deegaanka, kaasoo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne
Xasan Sheekh saxiixiisa sharcigan muhiimka u ah ilaalinta deegaanka.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kaasoo ay
ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa in muddo ah ku howlaneyd sidii loo soo saari lahaa sharciga
ilaalinta iyo maareynta deegaanka, sharcigan ayaa ah mid muhiim u ah ka
hortagga iyo yareynta saameynta is bedelka cimilada ee dalka.
Saturday, February 24, 2024
Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka
Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir
ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda
Dhexe Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay
booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya
xireenka, kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii
El-Niño ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn
donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna ShacabkaSoomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .
si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu
sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee
biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta
Musiiboyinka Qaranka.
Tuesday, February 20, 2024
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Ganacsato u dhasheen dalka Kuwait
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ganacsato iyo
Maalgashadeyaal u dhashay dalka Kuwait kuwaas oo Magaalada Muqdisho u yimid
sidii ay Maalgashi u sameyn lahaayeen.
Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka
Amniga iyo Siyaasadda gobalka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka
Banaadir, Xildhibaano, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Degmada
Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa
Ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarada ka jira Magaalada
Muqdisho iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Caasimadda.
Maalgashadeyaasha reer Kuwait,ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo
bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka.
Monday, February 19, 2024
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool Garasbaaley
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta 1, 000 Qoys oo Barakacyaal iyo
danyar iskugu jira kana soo barakacay Gobolka Shabeellada Hoose gargaar ugu
qaybisay Deegaanka Garasbaaleey.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ayaa maanta deegaanka
Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho si gaar ah waaxda Galmudug waxa ay gargaar
ugu qaybisay qoysas iskugu jira Danyar iyo kuwa deegaanadooda uga soo barakacay
colaado iyo daadadkiil El-Niño.
Tirada qoysaska gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa gaaraya 1,000 qoys,
waxaana ay uga mahadceliyeen gargaarkaan hay’adda SoDMA oo mar walba u taagan
kaalmeenta shacabka Soomaaliyeed.
Qaybinta gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka
SoDMA Sahra Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, kaas oo SoDMA ku
ammaanay sida ay ugu taagantahay caawinta dadka jilicsan, Danyarta, Naafada iyo
kuwa barakacyaasha ah.
Sunday, February 18, 2024
Geesiyaasha Imaaraatku waa naftood hurayaal naftooda u huray sidii ay u difaaci lahaayeen kuwa dulman, una ilaalin lahaayeen amniga iyo xasiloonida dalkooda
Geesiyaasha Imaaraatku waa naftood hurayaal naftooda u huray sidii ay u
difaaci lahaayeen kuwa dulman, una ilaalin lahaayeen amniga iyo xasiloonida
dalka, isla markaana ay ka gooyeen argagixisanimada, waxay ahaayeen niman Alle
u ballan qaaday oo ka dhabeeyey ballankii ay qaadeen. ..
Xiliyada ay jiraan duruufo adag iyo caqabado waaweyn ayaa waxaa lagu
muujiyaa awooda dhabta ah ee umadaha ay u hureen ubadkooda, waxaana umada
Imaaraatka ka dhex muuqata geesinimada iyo go’aan qaadashada shuhadadii ay
tusaale u tahay in lagu dayan karo furashada iyo hurinta ubadkooda. danta dalka
iyo mabaadi’da bini’aadantinimo, naf hurida shuhadada Imaaraatku waxay sharaf
iyo faan u tahay shaqsi kasta oo qarankan ka tirsan.
Askar kaliya maaha ee waa astaan nololeed oo geesinimo iyo daacadnimo u
ah dalka hooyo, waxay sitaan calanka sharafta iyo sharafta fagaarayaasha lagu
faano, shuhadadu waxay naftoodii qaaliga ahayd u hureen caqabado iyo khataro.
Haddi ay tahay in ay difaacaan ciidda dalka hooyo ee fagaarayaasha ciidanka ah
iyo haddii ay ahaan lahayd gurmad bini’aadantinimo iyo samatabixin xilliyada ay
masiibadu dhacdo,
naf-hurnimadooda waxa ay ka tarjumaysaa shucuurta sare ee waddaniyadda iyo
sida ay diyaarka ugu yihiin in ay caddaaladda iyo xorriyadda u huraan. in aan
dhiiggoodu ahayn mid aan waxba tarayn, balse uu yahay mid ku dhisan niyadda
dalka iyo ruuxa naf hurnimada ah ee lagu ilaalinayo amniga iyo badbaadada
qaranka Imaaraatka.
Waxaa si gaar ah loogu mahad naqayaa naf huridkoodii muqadaska ahaa ee aan
weli dhiman ee xasuusteena iyo sooyaalkeena qarannimo ku jira, waa geesiyaashii
sida cad u muujiyay in waddaniyadda iyo geesinnimadu aanay xuduud lahayn, balse
ay ka gudbaan duruufo iyo caqabado si calanka qaranku u sii ahaado, laguna
faano.
Gabagabadii, aan dib u cusboonaysiinno ballan qaadkii ahaa inaan sii wadno
ixtiraamka iyo qaddarinta naftood hurayaasha shuhadada, isla markaana aan ka
wada shaqayno dhisidda mustaqbal, waa mid u qalma naf huriddooda, waxaanan sii
wadeynaa socodkooda sharafta leh ee ku wajahan caddaaladda, xorriyadda iyo
nabadda. jiilasha danbe
Shuhadadii la beegsaday ayaa waxa ay ku guda jireen waajibaadkooda shaqo ee tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.