Thursday, December 21, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya.

Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Mudane Geelle ayaa dhankiisa waxq uu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban.

Geelle ayaa si gaar ah u xusay guusha laga gaaray dagaalka ay dowladda iyo shacabka kula jiraan Al-Shabaab, qaadista cuna-qabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.

 

Share:

Wednesday, December 20, 2023

Safaaradda Shiinaha ayaa ku wareejisay 1 milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Soomaaliya

 

Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta  ku wareejisay dowladda Soomaaliya lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah oo gargaar bani’aadanimo ah, si wax loogu qabto dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadaha ka dhacay Geeska Afrika.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shangchao ayaa sheegay in gargaarkii ugu dambeeyay ee bini’aadantinimo ee ka yimid Beijing ay wax xoogaa nasasho ah u keeni doonto dhibanayaasha fatahaadaha ka dhashay roobabka El Nino.

“Markii daadadka ay ku dhufteen Soomaaliya, Shiinaha wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee sanadkan soo gaaro Soomaaliya, durba waa markii afaraad oo dowladda Shiinaha ay Soomaaliya soo gaarto xilliyada ay u baahan tahay, sida aan wada ognahay taariikhda fog. saaxiibtinimadayada," ayuu yiri Fei.

Maxamuud Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Shiinaha sida ay ugu soo gurmadeen dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. "Dowladda Shiinaha waxay si toos ah u taageertaa Soomaaliya, gargaarku waa mid la taaban karo oo dadka la gaarsiiyo."

Daadad ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dilay in ka badan 100 qof, halka 1.7 milyan ay ku barakaceen, sida lagu sheegay tirakoobka dowladda.


Share:

Tuesday, December 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

 

Xamsa Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta nabadda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda furitaanka ku soo hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24 sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Share:

Monday, December 18, 2023

Ciidanka dowladda oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed


Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in talaabadan ay hordhac u tahay qorshaha ciidamada xoogga dalka ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

"Amaanka madaxtooyada oo ay ku yaalaan xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa maanta si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, taasi oo bilaw u ah in ciidamada dib u hantaan dhamaan amniga dalka, mar hadii madaxtooyadii ciidanku la wareegeen inta kalana way la wareegi doonaan sida ugu dhaw" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca ATMIS ayaa la sheegay iney si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ilaa 3,000 oo ATMIS ka tirsan in dhamaadka bishaan ay dalka ka baxaan.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha kale ee dowladda ay dhawaan sidoo kale la wareegi doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

"Garoonka Aadan Cadde iyo dakadda weyn ee Muqdisho oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka ATMIS, ayagana waan kala wareegi doona" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuir.

Si kastaba ha ahaatee la wareegista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidanka ATMIS lagu wado in dhamaadka sanadka soo socda gabi ahaanba isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Share:

Sunday, December 17, 2023

Wajiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS oo maanta si rasmi ah u bilaabatay

 

Midowga Afrika

Wajiga 2-aad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay, wuxuuna socon doonaa illaa 31 december ee sanadkan.

Sida uu farayo Qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710, howlgalka ATMIS ayaa la filayaa inuu 3,000 askari ka saaro Soomaaliya, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

ATMIS waxay higsaneysaa in mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Soomaalida, kobcinta lahaanshaha waara. Tallaabadan istaraatiijiga ah waxay awood siinaysaa ciidamada Soomaaliya inay si madax-bannaan u ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dalkooda gudihiisa.

Iyada oo lagu aaminayo mas'uuliyadaha amniga ciidamada maxalliga ah, kala-guurka ayaa doonaya in la xoojiyo awoodda Soomaaliya si ay u ilaaliso dadkeeda oo ay gacan uga geysato xasillooni waarta.” Howlgaka ATMIS ayaa sidaas ku yiri hadal oo uu soo saaray.

Tallaabada ugu horraysay ayaa la sheegay inay ka bilaabanayso in ciidamada ATMIS ay baneeyaan xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay 16-kii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku hayeen.

Sida uu horey u sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, Xuseen Macallin, Ciidamada Qalabka Sida ayaa si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga Xarunta Villa Somalia oo ay deggan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wareejinta amniga hay'adahan dowliga ah, oo markii hore udub dhexaad u ahaa waajibaadka ATMIS, ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday geeddi-socodka kala-guurka.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay calaamad u noqon doonto dhamaadka 16 sano oo ciidamada ATMIS Uganda ay ilaalinayeen Aqalka Madaxtooyada.

 

Share:

Saturday, December 16, 2023

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaayo in ka badan 17 Milyan oo dollar.

 

Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka

Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talo galay dib usoo kabsashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Heshiiskaan oo la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano ayay Maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga, Bankigyada iyo  Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Maal gelintaan ayaa la tilmaamay in xoogga lagu saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Waxaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso, Madaxda sare ee hay'adda Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara  Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed.

Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda wadanka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, iyadoona sidoo kale u balan qaaday taageera buuxda.

Dalka Jarmalka ayaa ka mid yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog