Tuesday, December 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

 

Xamsa Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta nabadda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda furitaanka ku soo hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24 sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Share:

Monday, December 18, 2023

Ciidanka dowladda oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed


Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in talaabadan ay hordhac u tahay qorshaha ciidamada xoogga dalka ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

"Amaanka madaxtooyada oo ay ku yaalaan xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa maanta si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, taasi oo bilaw u ah in ciidamada dib u hantaan dhamaan amniga dalka, mar hadii madaxtooyadii ciidanku la wareegeen inta kalana way la wareegi doonaan sida ugu dhaw" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca ATMIS ayaa la sheegay iney si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ilaa 3,000 oo ATMIS ka tirsan in dhamaadka bishaan ay dalka ka baxaan.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha kale ee dowladda ay dhawaan sidoo kale la wareegi doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

"Garoonka Aadan Cadde iyo dakadda weyn ee Muqdisho oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka ATMIS, ayagana waan kala wareegi doona" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuir.

Si kastaba ha ahaatee la wareegista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidanka ATMIS lagu wado in dhamaadka sanadka soo socda gabi ahaanba isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Share:

Sunday, December 17, 2023

Wajiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS oo maanta si rasmi ah u bilaabatay

 

Midowga Afrika

Wajiga 2-aad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay, wuxuuna socon doonaa illaa 31 december ee sanadkan.

Sida uu farayo Qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710, howlgalka ATMIS ayaa la filayaa inuu 3,000 askari ka saaro Soomaaliya, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

ATMIS waxay higsaneysaa in mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Soomaalida, kobcinta lahaanshaha waara. Tallaabadan istaraatiijiga ah waxay awood siinaysaa ciidamada Soomaaliya inay si madax-bannaan u ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dalkooda gudihiisa.

Iyada oo lagu aaminayo mas'uuliyadaha amniga ciidamada maxalliga ah, kala-guurka ayaa doonaya in la xoojiyo awoodda Soomaaliya si ay u ilaaliso dadkeeda oo ay gacan uga geysato xasillooni waarta.” Howlgaka ATMIS ayaa sidaas ku yiri hadal oo uu soo saaray.

Tallaabada ugu horraysay ayaa la sheegay inay ka bilaabanayso in ciidamada ATMIS ay baneeyaan xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay 16-kii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku hayeen.

Sida uu horey u sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, Xuseen Macallin, Ciidamada Qalabka Sida ayaa si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga Xarunta Villa Somalia oo ay deggan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wareejinta amniga hay'adahan dowliga ah, oo markii hore udub dhexaad u ahaa waajibaadka ATMIS, ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday geeddi-socodka kala-guurka.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay calaamad u noqon doonto dhamaadka 16 sano oo ciidamada ATMIS Uganda ay ilaalinayeen Aqalka Madaxtooyada.

 

Share:

Saturday, December 16, 2023

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaayo in ka badan 17 Milyan oo dollar.

 

Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka

Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talo galay dib usoo kabsashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Heshiiskaan oo la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano ayay Maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga, Bankigyada iyo  Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Maal gelintaan ayaa la tilmaamay in xoogga lagu saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Waxaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso, Madaxda sare ee hay'adda Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara  Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed.

Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda wadanka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, iyadoona sidoo kale u balan qaaday taageera buuxda.

Dalka Jarmalka ayaa ka mid yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.

 

Share:

Thursday, December 14, 2023

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga dhaafo deymaha ku kacaya 4.5 bilyan oo doolar

 

Bangiga adduunka iyo IMF oo Soomaaliya ka cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Bangiga adduunka iyo IMF oo Soomaaliya ka cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku heshiiyay in Soomaaliya laga cafiyo 4.5 bilyan oo dollar oo deyn lagu lahaa Arbacadii kaddib markii dalka Geeska Afrika uu soo gabagabeeyay sannado badan oo dib-u-habeyn maaliyadeed ah oo uu ku sameeyay Hindisaha dalalka deymaha leh ee deymaha leh.

IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa hindisahan bilaabay 1996 si ay u caawiyaan dalalka ugu saboolsan adduunka si ay u gaadhaan joogtaynta deynta.

IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in deyn cafinta “ay fududeyn doonto helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta faqriga iyo kor u qaadista shaqo abuurka.”

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Kadib markii ay dhammaysteen dalalka deymaha leh ee deymaha badan leh (HIPC), deynta dibadda ee Soomaaliya waxay hoos uga dhacday 64 boqolkiiba GDP 2018 ilaa wax ka yar 6 boqolkiiba GDP dhammaadka 2023."

Soomaaliya waa dalkii 37-aad ee dhameystira hannaanka HIPC, kaasoo soo billowday 1996-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay deyn cafinta, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu dalka gaaray kadib markii laga cafiyay deymo caqabad ku ahaa muddo dheer.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan bilownay howsha deyn cafinta, maantana waxaan nasiib u yeeshay inaan istaago gebagebadii.” Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in dalka uu hadda awood u leeyahay inuu la macaamilo caalamka iyo Hay’adaha maaliyadda ee dalka iyo bangiyada ayaa la aqoonsaday, iyadoo guushan lagu tilmaamay fursad weyn.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay wixii dhacay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in deymaha laga cafiyay ay ku timid dadaalkii badnaa ee ay qabteen dowladihii dalka soo maray, isagoo caddeeyay in deyn cafinta ay horseedi doonto horumar dhaqaale, soo jiidashada maalgashadayaasha. , gaaritaanka isku filnaansho iyo horumarinta adeegyada Bulshada iyo abuurista rajo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Biixi Caghi, ayaa xusay in Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay, wuxuuna yiri: “In la arko Soomaaliya oo heer gabo gabo ah gaartay waxay la macno tahay guul weyn. "Isla markaasna, sidoo kale waa mas'uuliyad weyn, sababtoo ah Soomaaliya waa in ay cagaheeda isku taagto oo ay ilaaliso guulaha dib u habeynta ah ee la gaaray sannadihii la soo dhaafay, korna loo qaado dakhliga gudaha."

 

Share:

Wednesday, December 13, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee New York

 

shirka amniga Soomaaliya ee New York

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta QM ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo shirkaas lagu soo bandhigay muhiimadda uu amniga Soomaaliya u leeyahay gobolka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen 26 dowladood, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha waxa uu ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay qorshayaashii dowladdiisa ee ku aaddan dib u dhiska ciidanka iyo xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada. , Ahmiyadda iskaashiga amniga ee heer qaarad iyo heer caalami, ka bixitaanka ciidamada AMISOM, iyo xasiloonida siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “ dhimista tirada ciidamada AMISOM ee hadda jirta waxay cadeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha lagu xaqiijinayo Soomaaliya oo xasiloon oo leh adeegyo amni oo awood u leh inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, haatanna ka taageeraya cafinta daymaha lagu leeyahay iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, taasoo muujineysa horumarka ballaaran ee laga gaaray habka loo maamulo hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankan uu noo ogolaanaya in si buuxda loo qalabeeyo ciidamada Qaranka.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog