Wednesday, December 6, 2023
Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka
soo qeyb galay shirkii is bedelka cimilada ee Imaaraadka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee
isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga ImaaraatkaCarabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo
Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay
saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro
dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in
taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka
Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo
bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday
dowladdu.
Tuesday, December 5, 2023
Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO
Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.
Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah oo ku saabsanaa sidii
loo abuuri lahaa xalka waara ee la xiriira isbadalka climilada.
kulanka ayaa looga hadlay xoojinta nidaamka Caafimaadka waxaana soo
qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hey’adda Maraynta howlaha
(UNOPS) waxa uuna qeyb ka ahaa kulan waynaha isbadalka cimilada (COP28) ee ka
socda magalaadda Dubai.
Wasiira Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS Dr. Cali
Xaaji Aadam ayaa qayb ka ahaa kulanka gaarka ahaa ee ay kasoo qayb galeen
Wasiirada Caafimaadka ee wadamada kala ah Pakistan, Yemen iyo Masar sidoo kale
kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee hey’adda UNOPS.
Kulanka ayuu Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ka jeediyey khudbad taariikhi
ah taasoo taabanaysay sida loo abuuri lahaa habka isku xiran ee isbadalka
cimilada iyo Caafimaadka ee xalka waara, waxa ayna Soomaaliya qayb ka tahay
isbahaysi cusub oo arrimahaas xoogga saaraayo loona yaqaano Alliance for
Transformative Acton on Climate and Health ( ATACH).
Waxa uuna ku soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadka sida ay Soomaaliya hadda u
wajahaysa isbadalka cimilada oo bilow ka hore ay ka soo baxday abaaro,
islamarkaana bilaabatay Fatahaada ( El NiNo),
Sidoo kale Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey guulaha ay Soomaaliya ka
gaartay hirgelinta nidaamka cadceeda tamarta loogu helo ( Solar Energy Systems)
kaasoo ilaa iyo hadda laga hirgeliyey qeybo ka mid ah Isbitaalada Gobolada iyo
Degmooyinka ku yaalo dalka, iyadoo ay jiraaan qorshe dhamaystiran oo ku wajahan
sidii loo dhamaystiri lahaa xarumaha Caafimaadka ee dalka oo dhan.
Monday, December 4, 2023
Bangiga Adduunka ayaa rajaynaya in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho 3.8% sanadka 2025-ka
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa muujiyay adkeysi marka loo eego warbixintii
sideedaad ee dhaqaalaha Soomaaliya oo uu soo saaray Bangiga Adduunka inkastoo
ay soo food saartay abaar daba dheeraatay 2020 ilaa 2023.
Warbixintu waxa ay tilmaantay in abaarta oo si weyn u saamaysay
wax-soo-saarka beeraha iyo dhoofinta, ay keentay in dadku u hayaamaan cunto iyo
biyo, taasoo keentay in kobaca wax-soo-saarka dalka hoos u dhaco 2.4% 2022,
taasoo hoos uga dhacday 3.3% sannadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, saadaasha ayaa tilmaamaysa kororka kobaca GDP ilaa
3.1% sanadka 2023, iyada oo ay suurtogal tahay in ay kor u kacdo 3.8% marka la
gaaro 2025. Aragtida togan waxaa loo aaneynayaa hirgelinta dib u habeynta hoos
timaada Hindisaha HIPC, kaas oo la filayo in uu horseedo horumar yar. dakhliga
qofkasta.
Christina Svensson, Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya,
ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay dib u habeynta socota si loo
gaaro kobac waara. Waxay tiri, "Gaadhida dhamaystirka dalalka deymaha
leh ee deymaha badan leh (HIPC) waa udub dhexaadka Soomaaliya, maadaama ay kor
u qaadayso kalsoonida maalgashadayaasha waxayna u baahan tahay dadaal joogto ah
oo lagu abuurayo jawi suurtagelinaya maalgashi shisheeye."
Warbixinta ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray
muhiimadda ay maamulka biyuhu u leeyihiin istaraatiijiyadda horumarinta
Soomaaliya, iyadoo si hufan loo maamulo kheyraadka biyaha ay muhiim u tahay
yareynta saameynta kala duwanaanshaha cimilada iyo in la gaaro xasillooni
dhaqaale, sida ay tilmaantay Chantal Ritchie oo ah khabiir sare oo dhanka
biyaha ah. saadka iyo fayadhowrka ee Bangiga Adduunka.
Dhaqaalaha guud ee Soomaaliya ayaa horumaray, iyadoo dakhliga gudaha uu kor
u dhaafey heerarkii kahor-coronavirus tan iyo 2022. Korodhkan ayaa oggolaaday
in wax laga beddelo kharashaadka dowladda ee dhinaca daryeelka bulshada iyo
deeqaha gobollada. Stella Ilieva, oo ah Dhaqaale sare oo Baanka Adduunka
ah, ayaa ku nuuxnuuxsatay in dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maalgashiga
raasamaalka dadku ay muhiim u yihiin soo jiidashada maalgashiga tooska ah ee
shisheeye iyo kor u qaadista kobaca wax soo saarka dhaqaalaha.
Sunday, December 3, 2023
Hay’adda SoDMA oo labo Doon kala wareegtay Hay’adda Zamzam foundation iyo Bankiga IBS
Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta 2- Doonyood waxa ay
kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS.
Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa
munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta howlgalada gurmadka deg-degga ah ee
NEOC waxa uu hey’adda Zamzam kala wareegay Doon nuuca dheereysa ah, taas oo uga
qaybqadanayaan gurmadka socda ee lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee
iskugu darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Dhinaca kale Agaasimaha waaxda Cafimaadka Hey’adda SoDMA Dr Cabdullaahi
Muuse Axmed ayaa isna waxa uu Doon nuuca la buufiya ah kala wareegay Bankiga
IBS.
Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa u mahadcelisay Hey’adda Zamzam
Foundation iyo Bankiga IBS, waxaana hey’adda ka go’an in doonyahaan si dhaqsi
leh ay u gaarsiiso magaaloyinka xaaladaha adag ay ka jiraan.
Saturday, December 2, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbedelka cimilada ee lagu qabtay dalka Imaaraadka
Madaxweyne Xasan Sheekh "Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa
dalalka ay sida tooska ah u saameysay arrinta isbeddelka Cimilada"
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee isbadalka Cimilada
(COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay baaxada saameynta
xoogan ay Soomaaliya ku yeelatay isbadalka Cimilada, isagoona xusay in daadadka
ka dhashay roobabka Elnino iney ku dhinteen dad gaaray 120 ruux, islamarkaana
ay ku barakaceen in ka badan hal Milyan oo ruux.
Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in xaaladaani ay soo korortay, iyadoo
dowladda fedaraalka ay dagaal xoogan kula jirtay kooxda Al-shabaab sidoo dalka
uga ciribtiri lahaa.
isbedalka cimilada oo dhibaatooyin badan u geestey dalka
“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa
arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya
daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii
ku habsatay dalka" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay haatan wajheyso xaalado
adag oo ka dhashay isbadalka Cimilada, islamarkaana dowladiisa ay ka go'an
tahay marwalba la tacaalista caqabad kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada
isbadelka Cimilada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbadiisa ku dhaliilay
hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii
xumaaneysa ee dunida, isagoona ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga
qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshadleyda
ah iney gutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku
habboon nolasha.
Thursday, November 30, 2023
Imaaraadka Carabta oo gargaar deg deg ah ku taageeray dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya