Saturday, May 27, 2023
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageerada Midowga Yurub ee miisaaniyadeeda
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub
uu ku caawinayo dowladda federaalka, iyo in lagu taageero miisaaniyadeeda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamzah Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo
dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in taageerada Midowga Yurub
ay ku soo beegantay xilli loo baahnaa, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahan
loo adeegsan doono qaab wax ku ool ah si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in bixinta lacagahan
ay sare u qaadi doonto dib u habeynta iyo mudnaanta siyaasadeed ee dowladda
Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay ogolaadeen lacag dhan 20.5 milyan
oo Yuuro in lagu taageero miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana
safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelman ay sheegtay in Soomaaliya ay
dhawaan gaari doonto marxalad taariikhi ah oo keeni doonta fursado cusub.
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Soddon sano ka
hor, Midowga Yurub waxa uu ahaa mid si weyn u taageera dowladda Soomaaliya,
gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Thursday, May 25, 2023
Wasiirka Caafimaadka ee dawlada somaliya oo ka hadlay shir looga hadlayay ahmiyadda Caafimaadka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo
daryeelka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyay Shir-doceed looga
hadlayay muhiimadda Caafimaadku u leeyahay nabadda.
Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha
Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada
Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Dowladaha Cumaan iyo Switzerland.
Waxaa shirkan ka soo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday
Wadamada Central African Republic, Sierra Leone, Cameroon, Omaan, Tunisia
iyo Colombia. Waxaa dhanka kale shirka ka soo qayb galay He’ado farabadan oo ka
shaqeeya arrimaha Caafimaadka.
Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah waayo
wuxuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyay doorka bahda Caafimaadka dalkeenu
ay ka qaataan horrumarinta nabadda iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed,
Dhanka kale wuxuu shirku taageero u muujiyay bahda Caafimaadka adduunka iyo
doorkooda nabada iyo horumarka bulshooyinka caalamka.
Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa shirka ka
sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam
Caafimaad oo kor u qaadaya bad-qabka shacabka Soomaaliyeed.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Muqdiaho
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad
goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee
caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha
Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha
Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle
Cali Guudlaaw, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir
Yuusuf Madaale.
Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka
Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu
yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku
saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen
shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku
jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah
kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen
war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.
Wednesday, May 24, 2023
RW somaliya xamse iyo dhigiisa masar Dr. Mustafa Madbouly oo wada hadley Kor u qaadista iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee soo dejinta xoolaha
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta oo Talaado ah
kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr. Mustafa Madbouly oo ay ka wada qeyb
galayaan howlaha shirarka sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika.
Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay
in dalkiisa uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Masar la garab taagan tahay
Soomaaliya intii ay jirtay, isagoo carabka ku adkeeyay in taageerada joogtada
ah ee Masar ay siiso shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadatay yareynta
dhibaatooyinka xilliyada adag, isla markaana ay ka qeyb qaadaneyso xoojinta
dowladnimada.
Haddaba, Berri waxa uu taabtay guulihii ugu dambeeyey ee ay dawladda
federaalku ka gaadhay la-dagaalanka argagixisada iyo hagaajinta xaaladda amni
ee inta badan gobollada Soomaaliya.
Dhankiisa, Dr. Mustafa Madbouly ayaa muujiyay sida ay Masar ugu hanweyn
tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya walaalaha ah, isagoo
ku nuux-nuux saday dardaarankii Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ee ahaa in taageero kasta oo suurtagal ah la siiyo Soomaaliya
walaalaha ah.
Madbouly ayaa sidoo kale soo hadal qaaday suurtagalnimada in la wanaajiyo
wadashaqeynta Soomaaliya ee dhanka dhoofinta xoolaha, isagoo faray in maamulada
ay khuseyso Masar ay arrintan kala xiriiraan safiirka Soomaaliya ee Qaahira.
Tuesday, May 23, 2023
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda oo faahfaahsan
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd
howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa
saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga
caasimadda.
” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo
islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga
dhigta ee u kala haya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo
eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,”
ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo
qorhseeyay sugida amniga caasimadda.
Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa
ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka
bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada
ka muujin jireen ciidamada qaar.
” Waayeelka,carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar
walba gacanta qabataan,isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay
dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.
Waxaa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida
ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam
leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada
qaar.
Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa
shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana
gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada,
carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku
gudbinaya.
” Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan
aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada
xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.
Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn
karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay,
taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla
dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku
laalneyd.
Monday, May 22, 2023
Dowladda Soomaaliya ayaa gargaar dawo ah u dirtay magaalada Laascaanood