Thursday, December 29, 2022
Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaaliya oo qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe
oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaarada kulan kula
qaatay danjiraha Dowlada Imaaraadka ee Soomaaliya Amb Ahmad Juma Al Rumaithi.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta
tageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan wakhtigan adag ee qeybo dalka kamid ah wali abaarahu ay
ka jiraan.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay mashariicda
Dowlada Imaaraadka ay ka wado Jubaland iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,
sida lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha
Jubbaland.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha dowlad Goboleedka
Jubbaland ayaa maalmo kahor soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoona uga
qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gaba-gabeeyay…
Wednesday, December 28, 2022
Xasan Sheekh oo qaabilay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Mareykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada
Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada
dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka
Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda AadanahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha
Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka
Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmad.
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa
waxaa ay timid shalay magaalada Muqdisho.
Ilhaan Cumar ayaa toddobaadkii hore timid waddanka iyadoo kus oo degtay
magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.
Tuesday, December 27, 2022
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho
Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa
goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda
Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan SheekhMaxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi
Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir.
Maalinta koowaad ee shirka ayaa ah hordhac iyo is xog wareysi ay
sameynayaan madaxda ka qeyb gakeysa fadhigga, iyadoo beri la filayo iney
dhinacyada guda galaan qodobasa ugu xasaasisan.
Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka
dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha
heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay
maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo
qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.
Dadaalka uu wado Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid wali socda si loo
xaliyo dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya, isla markaana xaalada wax looga
bedelo sida ugu wanaagsan
Monday, December 26, 2022
Klopp: Kani waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan abid arko
Tababaraha reer Jarmal ee Jurgen Klopp, tababaraha Liverpool, ayaa ka
hadlay kulanka Aston Villa, maanta oo Isniin ah, kulan ka tirsan wareegga
17-aad ee horyaalka Ingiriiska.
Klopp ayaa ku yidhi, hadaladii ay iftiimiyeen Ingiriiska " Liverpool
Echo ": "Dhammaan calamadaha aan helay intii lagu jiray xerada
Dubai waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan ... iyo ciyaartii Manchester City,
waxaan helay calaamado badan oo wanaagsan sidoo kale."
Waxa uu intaa ku daray “Waan ogahay in aan guuldaro kala kulanay kooxda Lyon
(3-1 kulan saaxiibtinimo ah), laakiin waxa aan arkay dhamaan kulamadii aanu ku
soconay wadada saxda ah, intii lagu jiray kulankii saaxiibtinimo ee Milan waxa
aanu runtii ku wanagsanay dhamaan dhinacyada kulanka. Waxaan hubaa inaan sii
wadi karno halkii aan ka tagnay."
Waxa uu sii raaciyay, "Waxaan heysanaa labo dhaawac oo dheer oo weerarka
ah, taas oo aan faa'iido lahayn.. Xilli ciyaareedkii hore, waxaan haysanay Luis
Diaz bishii Janaayo, kaas oo faa'iido badan u lahaa qaybtan xilli ciyaareedka,
qof walba wuxuu arki doonaa wax la mid ah."
Waxana uu hadalkiisa sii raaciyay, “Waxba lagama sheegin hab-dhaqanka Emiliano
Martinez. Hambalyo ku guulaysiga koobka adduunka, waxa uu ahaa tartan aad loogu
qalmay runtii Waxay ahayd mid gaar ah."
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Argentina way u qalantaa, markii aan
daawaday kooxda iyo dalka oo dabaaldegaya, waxaa suurtagal ah in horyaalka uu
doortay dalka saxda ah waqtiyo adag, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay iyaga,
wax badan ayay sugayeen.”
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Lionel Messi waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan
abid arko nolosheyda, qaabka uu udheelo waqtigaan waa in ay nasiiyaan dhamaan
inta ay le’eg yihiin ciyaartoydu heerka ugu sareysa ay soo bandhigaan. aad bay
u jeclayd daawashada Leo."
Sunday, December 25, 2022
Madaxweyne Xasan ayaa ku dadaalaya inuu muujiyo dhammaan dadaallada joogtada ah ee uu ugu jiro ciribtirka Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka
hadlay qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho iyo sida ay kusoo galshaan
Al-shabaab gawaarida qaraxyada ah ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka
dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in gawaarida qaraxyada ka
buuxaan ee Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho
iney baraha Koontaroolada uga soo gudbiyaan saraakiil ka tirsan ciidanka
dowladda Soomaaliya.
"Fulay xantiisa ma mooga qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta
ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, Saraakiil ayaa koontaroolada ka soo fasaxa oo
Askarta amar siiya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan ayaa dadaal kasta ugu jira sidii uu u soo bandhigi lahaa
dhammaan isku dayada joogtada ah ee uu ku doonayo in uu ku cirib tiro
Al-Shabaab, loogana sifeeyo dhulka Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale sheegay in haatan ay baaritaano ku
socdaan saraakiil ka tirsan ciidanka oo gawaari ay amreen in laga soo daayo
koontaroolada ciidanka ku qarxay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo
akoonadooda Bangiyada lagu arkay lacago farabadan oo loo maleynaayo iney ku
qaateen gawaarida qaraxyada ah ay kasoo gudbiyeen koontaroolada ciidanka.
Madaxweyne Xasan ayaa dadaal kasta ugu jira sidii uu u soo bandhigi lahaa
dhammaan isku dayada joogtada ah ee uu ku doonayo in uu ku cirib tiro
Al-Shabaab, loogana sifeeyo dhulka Soomaaliya xasan sheeq waxaa ka goan in
soomaaliya uu ku soo dabaalo nabad iyo xasaloon iyo kala danbeen Md xasan waa
uu ku mahadsan yahay dadaalada uu wado waxa uu ku socdaa wadadii uu balan
qaaday
Saturday, December 24, 2022
Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa maanta furaya hoolka caanka ah ee jaamacadda Zayed