Thursday, December 22, 2022
Ronaldo iyo Mbappe ayaa barbardhigay heshiiska cusboonaysiinta Messi ee Paris
Cusbooneysiinta qandaraaska Lionel Messi ee Paris Saint-Germain ayaa weli u
dhaxeysa saaxiibkiis Kylian Mbappe iyo ninka ay xafiiltamaan ee Cristiano
Ronaldo.
Wednesday, December 21, 2022
Mustaqbal wanaagsan ayaa sugaya Soomaaliya oo ku dul sabaynaysa kaydka saliidda iyo gaaska
Waxaa ka mid ah warka farxadda leh ee ay saaxadda Soomaalida maanta ka
muuqato iyo in Soomaaliya ay ka mira dhalinayso furfurnaanteeda togan ee ay
caalamka u leedahay iyo wanaajinta muuqaalkeeda caalamiga ah iyo safarrada uu
madaxweynaheedu ku tagayo tan iyo markii uu la wareegay talada dalka.
Taas oo iyaduna ka qayb qaadatay faafinta dareenka kalsoonida iyo
kalsoonida caalamka oo dhan, warka wanaagsan ee ah in Soomaaliya ay ku
guulaysatay dhamaystirka heshiisyada muhiimka ah ee ku saabsan sahaminta
hantideeda shidaalka
iyo in la kordhiyo ka faa'iidaysigeeda si loo gaadho guulo u soo hoyatay
dhaqaalaha Soomaaliya oo ka caawin doona dhibaatadeeda iyo faa’iidada ay u
leedahay shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka ahaan lahayd sanado badan oo aan
fiicneyn oo ay dhibaato iyo khasaare badan kasoo gaartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tillaabo wanaagsan oo ku aaddan sidii loo
heli lahaa jawi ku habboon oo lagu kicinayo waaxda baarista shidaalka iyo ka
shaqeynta ballaarinta mugga shaqada, gaar ahaan iyadoo ay jiraan tilmaamo wax
ku ool ah oo la xiriira dhibaatooyinka burcad-badeedda, kuwaas oo warbixinno
kala duwan ay xaqiijiyeen inay dib ugu laabteen si kalsooni leh. gaar ahaan
shirkadaha shisheeye.
Soomaaliya waxa ay sidoo kale qaaday tallaabo muhiim ah oo arrintan ku
saabsan markii ay dhistay hay’ado sharci-dejin ah oo ilaaliya howlaha shidaalka
iyo gaasta si waafaqsan sharciga Shidaalka oo wax laga beddelay, iyadoo
daneyneysa ku dhaqanka mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, isla xisaabtanka,
hufnaanta iyo takoor la’aanta.
faa'iidada u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya
ayaa ku guuleysatay in dowladda iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka gaaraan
in la qeybsado dakhliga ka soo xarooda shidaalka. Sida ku cad Heshiiska
Maaraynta Lahaanshaha Shidaalka iyo Dakhliga Wadaagista ee dawlad goboleedyada,
mustaqbalka macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah, dakhliga saliidda iyo gaaska
waxaa ka dhexeeya dawladda federaalka, dawlad-goboleedyada iyo bulshooyinka
deegaankooda.
Shidaalka Soomaaliya ayaa indhaha caalamka si weyn u soo jiitay iyadoo ay
ugu wacan tahay dadaalka ay dowladdu ugu jirto iftiiminta awoodda Soomaaliya ee
kheyraadkan qaaliga ah. Soomaaliya ayaa sanadkii hore kaga qeyb gashay
shirkii todobaadka shidaalka Afrika ee lagu qabtay magaalada Dubai, waxayna
caalamka u soo bandhigtay xog muhiim ah oo ku saabsan keydka shidaalka ee
cajiibka ah, taasoo keentay in shirkadaha caalamiga ah ay xaqiijiyaan rajada ay
ka qabaan natiijada cilmi baarista iyo sahaminta shidaalka
Soomaaliya, iyadoo la eegayo goobta istiraatiijiga ah ee shidaalka. Badda
Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaana xoogga la saaray suurtagalnimada in Soomaaliya
wax ka beddesho, waxay noqotay xarun ganacsi oo weyn oo gobolka ah, waana goob
soo jiidasho leh oo maalgashi lagu sameeyo muddo gaaban gudaheed.
Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka baryeynaa inuu
dhameystiro horumarka dalka
Tuesday, December 20, 2022
Md Xasan Sheikh Maxamuud oo sheegay in ciidamada Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laabanayaan bisha January ee sannadka cusub
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in
ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka
bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo
dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada
Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea, kuwaas muddo ku dhow saddex dano
ku sugan Eritrea.Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xaflad su’aallo lagu weydiinayay, taasoo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
“Insha allah, dhallinyarada Eritrea jirta mar dhow way imaanayaan. Bishaan aan ku jirto ee December inta aysan dhamaanin way soo billaabanayaan, Janawarina way soo dhameystir mayaan. Waa diyaar, dib u dhac dambe ma rajeynayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay oo kaashanaysa dadka deegaanka ay ku guulaysatay inay Alshabaabka xoreyso deegaano badan oo kuyaala Hirshabeelle iyo Galmudug.
Madaxweyne Xasan Shikh wuxuu sheegay in maalmaha soo socda labada maamul ay xor ka noqon doonaan Alshabaab, kadibna loosoo jeesandoono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah meelaha ay ku xooggan yihiin Alshabaab
Monday, December 19, 2022
RW Soomaaliya Mudane Xamse oo xaqiijiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay ciribtirka musuq maasuqa
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad
lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo
qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in
xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu
qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay
cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar
la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco
dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda
qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay
waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna
abuuro dabaqado kala sarreeya
Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay
cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo
dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga
dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la
dagaallanka Musuqa.
Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka
weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta,
sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto
Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.
Sunday, December 18, 2022
Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay shirweyne lagu dhisayo Gole Sare
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayaa ku
dhowaaqay in dowladda federaalka ay qabaneyso shirweyne lagu dhisayo gole sare
oo Islaami ah.
Xasan Sheekh ayaa hadalka ka sheegay magaalada Minneapolis
oo uu habeen hore kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Waxaan qabaneynaa Shirweyne Culimada Soomaaliyeed isugu
imanayaan oo aan kaga tashaneyno dhisidda Golaha Sare ee illaalinta Shareecada
Islaamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta
Islaamka reebtay. Maanta dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’adaha
dowladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.”
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu horey u sheegay
in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan balse ay qasab tahay in
dhanka fikirka lagala dagaalamo.
Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga
guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan
go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo
mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyey inuu gabagabo
yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo
dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.
Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen
iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo
lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku
sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri
madaxweynuhu.
Saturday, December 17, 2022
Dowladda Imaaraatka Carabta oo Gargaarkii ugu badnaa gaarsiiyay dadka ay abaaraha saameeyeen Jubbaland