Thursday, November 17, 2022
Wasiirka Warfaafinta XFS oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyaddii Zoobe ee loo qaaday dalka Imaaraadka
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday
Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka
Carabta, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxiiZoobe ee Muqdisho ka dhacay 29 bishii la soo dhaafey ee October.
Wasiirka oo ay wehliyeen ku simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka
Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin
kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay
dhakhaatiirta isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital.
Dhakhaatiirta ayaa wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan
daweyntu ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xubin ka ah Guddiga Golaha
Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Zoobe, ayaa dhaawacyada
Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib
ugu celiyo dalkoodii hooyo.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladdaiyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen
walaalahooda Soomaaliyeed markii uu ku habsadey mashaqada ay geysteen
Khawaarijta argagixisada ah.
Wednesday, November 16, 2022
Hal koox ma kula kulantaa Ronaldo iyo Messi?
Warbixin ay soo saartay saxaafadda Ingiriiska ayaa xaqiijisay maanta oo Arbaco
ah, in xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, xiddiga Manchester United, uu
wadahadalo la galay milkiilaha Ingiriiska David Beckham, milkiilaha Inter
Miami, si uu ugu biiro horyaalka Mareykanka.
Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago Manchester United bisha Janaayo ee soo
socota, gaar ahaan ka dib markii uu bedel ku noqday kooxda, marka laga soo tago
isku dhacii uu dhawaan la galay maamulka kooxda iyo tababare Eric Ten Hag,
sababo la xiriira hadaladii uu ku weeraray.
Sida laga soo xigtay wargeyska Britishka ah ee "The Sun", Inter
Miami, oo uu matalo madaxweynahooda, David Beckham, ayaa mar hore kala hadashay
wakiilada Ronaldo ee ku saabsan suurtogalnimada wareejinta.
Warbixinada English-ka ayaana xaqiijiyay in Ten Hag uu ka codsaday maamulka
Manchester United inaan Ronaldo lagu soo celin tababarka kooxda ka dib Koobka
Adduunka.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo la tixraacayo warbixinada baahsan ee xoogan, sida
laga soo xigtay Inter Miami ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay ku daraan
Argentine Lionel Messi, xiddiga Paris Saint-Germain, kaasoo ka dhigaya heshiis
taariikhi ah iyadoo labada koox la isku daray.
Qandaraaska Messi ee Paris Saint-Germain ayaa dhacaya dhamaadka xilli
ciyaareedkan, isagoo aan la gaarin heshiis ku saabsan in la dhaqaajiyo
qandaraas kordhinta xilli ciyaareedkii seddexaad.
Tuesday, November 15, 2022
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 600 dad rayid ah in lagu dilay Soomaaliya sanadkan
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka
rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu
dilay Soomaaliya sanadkan 2022.
Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee
Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la dilay 948
kalana waa la dhaawacay.315 kamid ah dhimashada iyo 686 dhaawaca ah, ayaa loo sababeeyay inay la kulmeen walxaha qarxa.
Ugu yaraan 94 boqolkiiba dhimashada dadkani waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.
Khasaaraha kale ee dhimashada iyo dhaawaca waxay ka dhasheen iska hor imaadyada ciidamada ammaanka ee dowladda, maleeshiyo beeleed iyo dad kale oo aan la aqoonsan.
"Waxaan aad uga walaacsanahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay naftooda waayaan maalin kasta." Dhammaan dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo,” ayuu yiri Volker Türk.
29-kii Oktoobar, qaraxyo mataano ah oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 121-qof, waxaana ku dhaawacmay 333-qof, sida ay sheegtay QM, oo soo xiganaysay tiro-koob lagu sameeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.
Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka si loo xoojiyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka iyo halbeegyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada
Monday, November 14, 2022
Safiirka cusub ee Imaaradka Carabta oo Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay dhambaal uu kawaday…
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha
aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta
Axmed Jumca Al-rumeysi.
Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan
iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Imaaraadka Maxamed Binu Saayid
Aala-nahyaan.
Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, fariintaas ayaa
“muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada
shacab”.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono
xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.
waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka
qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee
walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey
Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u
rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta
xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.
Sunday, November 13, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii labaad tan iyo markii xilka loo doortay ku tagay dalka Eritrea.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha
dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka
ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas,
dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro
qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda
dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan
dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno
ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay
Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada
looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda
dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga
dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen
inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed
ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo
horumarka.
Saturday, November 12, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo badhigay dhibaatooyinka ay isbadalka Cimilada u geesatey somaliya