Monday, September 26, 2022
Madaxwayne Xasan oo ka qayb galay Martiqaad uu sameeyay Joe Biden
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
oo New York uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada
Midoobey, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe
Biden.
Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka doorka ay ka
qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo
horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka geeska Afrika.
MW Xasan wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya
ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo
iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku hayeen Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore kulamo ula qaatay, Xoghayaha Difaaca
dalka Maraykanka Lloyd James Austin oo uu kula kulmay Wasaaradda Gaashaandhigga
iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jira sidii Soomaaliya nabad
loogu fidin lahaa loogana takhalusi lahaa argagixisada iyo ururada argagixisada
halka dawladii ka horeeysey ay ka shaqeen jirtey burburinta dalka
Dhawaan, Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa
sheegay in Aqalka Cad uu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo
baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in
ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo
dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.
Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta dalka
Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Maxamed
Cabdullahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika
– Itoobiya iyo Eritrea.
Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo
safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan
sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho.
Sunday, September 25, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wadaha Dhaqdhaqaaqyo ay ku adkeenaayaa xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi
Barre oo shaley guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer
uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo
gaaridda isku filnaashno dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii
dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo
baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha
xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…
Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo
hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee
xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu
khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda
dadaallada socda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula
dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay
sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha
Soomaaliya.
Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in
dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo
maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad
siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.
Waxaa xusid mudan in Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka
ay ku ammaaneen Soomaaliya sida ay u qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka
ah ee lagu billaabayo in deymaha laga cafiyo.
Shidhookale Dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha
ayaa ah mid xoojineeyso xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida
dibadeed taasi oo ay gabtey dawladi horey
Madaxwayne xasan sheekh maxamuud iyo ra,iisal wasaare xamse cabdi barre
ayaa siwada jir u sheegay, inay kor uqaadayaan tayaynta dawlada iyo isla
xisaabtanka, si loo helo xukuumad kudhisan hufnaan iyo cadaalad.
Saturday, September 24, 2022
Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hor sheegay Kacdoonka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xaalada Abaaraha
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo
khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee
Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka
abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka
dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta
dowladnimada.
Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa
tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in
dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo
ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo
xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada
ah.
“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana
kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay
qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen
gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo
markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen” ayuu yiri
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed
dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay
daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka
Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo
xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen
xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.
“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa
dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada.
Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo
tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab
sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo
waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga
warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka
cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo
abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta
Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.
Friday, September 23, 2022
Wararkii ugu danbeeyay iyo ciidaadii xooga dalka oo isku diyaarinaya inay xoreeyaan CEELBUUR
Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal
militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo
horjeedaan ururka Al-Shabaab.
Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay
waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga
saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay
ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.
Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq
militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug
iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.
Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe
Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada
Alshabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.
“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi,
kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta
waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga
arkin,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la
carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war
heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.
“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan
yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan
HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar
ayaa nahay.”
Wednesday, September 21, 2022
Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Mareykanka oo ka soo hooyatey guulal lataabankaro
Miro muhiim ah oo ay Soomaaliya ka guratay booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ee dalka Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo
dhaqaalaha.
Guulaha amni, siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee laga gaaray booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Washington ayaa sii xoojineysa wadadii uu dalku ku socon lahaa dagaal ba’an oo ka dhan ah argagixisada oo wajahaya xaalad cakiran oo abaareed.
Dhowaan ayay aheyd markii
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho rasmi ah ku tagay
magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isagoo kulamo la qaatay mas’uuliyiin
caan ka ah dalka Mareykanka oo ay ugu horeeyaan Wasiirada Gaashaandhigga,
Wasiiru Dowlaha, Amniga Gudaha, iyo Maaliyadda, iyadoo ay wehliyaan la taliyaha
amniga Qaranka iyo madaxda dhaqaalaha caalamka. hay'adaha, Bankiga iyo Hay'adda
Lacagta Adduunka.
Sheekh Maxamuud waxa uu watay faylal ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha
iyo abaaraha, intii uu socday doodaha uu ku raadinayo kaalmada Mareykanka si uu
u gaaro himilooyinka loo igmaday si uu u gaaro "Soomaaliya
xasilloon."
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in
dalka laga badbaadinayo macluusha iyo argagaxisada uu ku sheegay wadahadal uu
la yeeshay madaxda Mareykanka.
Waxa uu sheegay in dowladiisa ay siyaasad cusub ka qaadan doonto dagaalka ka
dhanka ah argagixisada, isagoo tilmaamay inay Mareykanka ka dhaadhicin doonaan
nuxurka qaabkan cusub, iyo balanqaadkooda ah inay garab istaagi doonaan
maamulkiisa si uu u jebiyo qodaxaha argagixisada.
Xidhiidhka laba geesoodka ah ee Muqdisho iyo Washington waxa uu arkay qabow
ba’an oo saameeyay dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada iyo xasiloonida
siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, taasoo ugu dambaysay ka bixitaanka ciidamada
Maraykanka ee horaantii Janaayo 2021 sababo la xidhiidha siyaasaddii
Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Booqashadii ugu dambeysay oo uu agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ku
tilmaamay mid guul iyo midho-dhal ah ayaa Soomaaliya waxaa ay gaartay guulo
dhowr ah sida ay sheegeen khubaro dhanka amniga iyo siyaasadda ah oo la hadlay
Al-Cayn Al-Akhbar.
Abdul Rahman Hashi oo ah falanqeeye dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in
booqashadii Sheekh Maxamuud ee Washington iyo la kulanka mas’uuliyiin badan oo
heerkan la eg ay muujineyso sida uu u qotomo booqashada.
Tuesday, September 20, 2022
Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada oo looga hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka Al-Shabaab