Thursday, August 11, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudba ka jeediyay shirka Uganda uga furmay ganacsatada Labada dal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey
Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey
fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta
iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo
badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray
Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga
dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah,
mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo
uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.
Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni,
ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi
lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada,
xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay,
warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka
Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa
heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda
Mudane Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta
Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Mudane Rwakakamba
Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo
ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.
Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Labada dal in ay
xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha
Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis
joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahamiyo
dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.
Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka
tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u
fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.
Wednesday, August 10, 2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda HSN oo shahaado sharafyo guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska safaaradda soomaaliyeed ee Kampala
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaaradda
dalkiisa ee Kampala oo muddooyinkii u dambeeyay dib u dhis iyo dib u dayactir
lagu sameeyay.
Wasiiro, wakiilo ka socday Baarlamaanka Federaalka, iyo qeybaha kala duwan
ee bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa ka qeyb
galay munaasabadda kooban, iyadoo ay wehliyaan marti sharaf kale.
Madaxweyne Maxmauud ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay ganacsatadii ka
qeyb qaadatay dib u dhiska iyo dayactirka xarunta safaaradda Jamhuuriyadda ee
Kampala, waxaana uu ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharafyo ku
guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska xarunta safaaradda.
Madaxweynah soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku jira horumarka
Soomaaliya dhan walba leh, wuxuuna dadaalkiisa ku bixinayaa sidii uu taariikhda
Soomaaliya u waari lahaa, ilbaxnimada Soomaaliyana ugu baahin lahaa caalamka oo
dhan, isla markaana uu u horumarin lahaa una xalin lahaa dhibaatooyinka dalka
ka jira, loogana takhalusi lahaa. wax kasta oo dalka ka jirana waa tan
madaxweynaha hadda talada haya uu ku kacayo tan iyo markii uu xilka qabtay
Tuesday, August 9, 2022
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo
booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo
dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.
Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo
dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan
Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka
kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada
Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa wadahadallo miro-dhal ah kula qaatay Madaxtooyada Uganda ee
Entebbe, dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyagoo ka wada hadlay
horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida
Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.
Madaxweynaha Soomaaliya HSM oo shaley gaaray magaalada Kampala ee dalka
Uganda ayaa xaley la hadlay masuuliyiinta safaaradda iyo jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in dunida
la gaarsiiyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Soomaalida Uganda doorkii ay
ka qaateen dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo lagu dhisay olole
wadatashi.
Madaxweyn Xasan Sheekh ayaa kula dar daarmay safiirka iyo mas’uuliyiinta
safaaradda inay bartaan dhaqanka carruurta ee bulshada, iyadoo wasaaradda
waxbarashada ay magaalada Kampala ka furtay dugsiyo lagu barto afka Soomaaliga
iyo taariikhda Soomaaliga.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Uganda ayaa ah mid ay dani ugu
jirto Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale doonaya in uu xaliyo dhammaan
dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira gudaha iyo dibadda iyo in la fidiyo amniga
iyo nabadda
Monday, August 8, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan wadatashi ah la qaatay culimada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada kulan
wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo
adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin
la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
“Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee
ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka
Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka
abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay
madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.
Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku
aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada
ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta “Soomaali
heshiis ah.”
Sunday, August 7, 2022
madaxweyne Xasan Sheekh oo xaley Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirada Soomaaliyaayaa maanta la horgayanayaa xildhibaanada golaha shacabka si ay codka
kalsoonida ugu qaadaan ayada oo weli hubanti la’aan badan ay ku hareeyeysan
tahay.
Maalmihii ugu dambeeyey
wasiirada ayaa waday dadaal xooggan oo codka kalsoonida ay uga raadinayaan
xildhibaanada beelahooda ayaga oo ku guuleystay inay ka helaan ballan-qaadyo,
balse ma cadda waxa dhici doono marka codka la qaado.
Wasiirada ayaa wajahayey
cadaadis xooggan oo kaga imanaya dhinacyo kala duwan oo isbiirsaday,
dadaalladaas oo la doonayo in codka kalsoonida loogu diido.
Waxaa dhinacyadaas ka mid ah
xildhibaano cadhaysan kadib markii ay xilal wasiir soo waayeen, madaxdii hore
ee dowladdii Nabad iyo Nolol, madax goboleedyada qaarkood iyo xildhibaano qaab
beeleed u abaabulan oo ku doodaya in beelahooda aan la siin “wasiiradii ay u
qalmeen.”
Dhinacakale Madaxweynaha iyo
ra’iisul wasaaraha ayaa sameeyey dadaallo xooggan oo codka kalsoonida looga
raadinayo xildhibaanada, waxayna u badan tahay in la meel mariyo, sida aan
xogta ku helnay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay
qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.
sidhookale Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo
adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u
leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
Madaxweynaha HSN ayaa ku bogaadiyay aqoonyahannada Soomaaliyeed doorka
wanaagsan ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta, wacyigelinta iyo dib u
heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaateen
gurmadka abaaraha iyo gurmadka dadka dhibaateysan
Sidhookale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Beerri ayaa marka hore ka codsan
doona Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan Xukuumadda uu
soo dhisay, si ay u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Xukuumadda ayaa waxaa
caawinaya ayada oo ku dhowaad 50 xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada ay
yihiin xildhibaano, waxaana la filayaa in kooramka uusan ka badnaan qiyaastii
150.
Xildhibaannada ayaa laga
codsaday inay xilli hore soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah.
Waxaa golaha shacabka
Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada
Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay
gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Saturday, August 6, 2022
Sawiro: Arsenal ayaa kor u qaaday xiddiga Premier League ka dib markii ay guul ka gaartay Crystal Palace