Sunday, March 3, 2024

Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta

 

safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 


Share:

Saturday, March 2, 2024

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta

 

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya

Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al Rumaithi ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdullaahi, waxaana uu kala hadlay Mashaariicda Imaaraadku ku taageerayo Dowladda. iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha degdega ah ee ay qabaan dadka nugul ee ay saameeyeen daadadka El Niño, kuwaas oo sababay barakaca kumanaan qoys iyo burburka dalagyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Safiirka ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay in bisha Ramadaan ka hor ay Imaaraadku gargaar gaarsiin doonaan goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo dayactirka biyo xireennada si loo yareeyo khatarta fatahaadaha ee la filayo in ay ka dhashaan roobabka gu’ga.

Safiirka ayaa uga warbixiyey madaxa hay’adda horumarka laga sameeyey ceelasha ay Imaaraadku maalgaliyeen ee lagu gaarsiinayo bulshada biyo nadiif ah, wuxuuna sheegay in la soo gebagebeeyey wejigii koowaad ee mashruucan oo ay ka mid ahaayeen qodista boqol ceel, wejiga labaadna uu yahay. iyadoo la fulinayo oo 100 ceel laga qodayo.

Madaxa hay’adda ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta uu uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Imaaraadka uu yahay saaxiib iyo saaxiib dhab ah oo Soomaaliya la wadaaga, isla markaana ay wada shaqeyn karaan. Labada dal waxay sare u qaadi doonaan jiritaanka iyo horumarka Soomaaliya.

 


Share:

Thursday, February 29, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi uga qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee Isbadalka Cimilada

 

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhaw gaaray  magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kiyata kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka Gashaandhiga kenya Adan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ah ka qeyb galka Shirweynaha 6-aad ee arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada, kaasoo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo ka socda qaar ka mid ah dalalka Calaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato mudada uu ku sugan yahay magaalada Nairobi qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan waxaa ka mid Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhawaan kusoo xadgudbay Midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, kaasoo shalay isna gaaray Nairobi.






Share:

Wednesday, February 28, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka

 

Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya uga qeyb-gali doono Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada JFS Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa shalay ka qeyb galay Furitaanta Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha deegaanka.

Wafdiga ay hogaamineyso Wasiir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee ka qeyb-galay furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la filayo iney ka qeyb-galaan shirkaas.

Shirkan oo socon doono ilaa 1 much ee 2024 ayaa diiradda lagu saarayaa sida ay dalalka caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada deegaanka oo ugu horeyso wasaqda hawada, isticmaalka bacaha, xaalufinta deeganka iyo isbeddelka cimilada.


Share:

Tuesday, February 27, 2024

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka

 

Hay’ada Maareynta Masiibooyinka

Hay’ada Maareynta Masiibooyinka oo qaabishay Hay’ado Caalami ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegaannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ee ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.


Share:

Monday, February 26, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Ingiriiska

 

Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan.

“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATM.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliyaiyo UK.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka talineysay.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog