Sunday, January 21, 2024
Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe maalmaha soosocdo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doona magaalada
Garoowe ee caasimada Puntland, si uu uga qeyb-galo caleema saarka madaxweynaha
dib loogu doortay maamulkaasi ee Saciid Deni.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka
Puntland oo gacanta ku haysa qaban-qaabada xaflada caleema saarka Deni,
madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay munaasabadda.
Madaxweyne Xasan ayaa aqbalay casuumadda, taasi oo ka dhigan in
madaxweynaha uu dhawaan tegi doono magaalada Garoowe oo ay hadda ka socoto
qaban-qaabada xaflada caleema saarka madaxweyne Saciid Deni.
Munaasabadda caleema saarka ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay Madaxda
dowlad-goboleedyada dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Madax hore iyo Siyaasiyiin,
iyo weliba sidoo kale wafuud ka socota daafaha caalamka.
Dhinaca kale, waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray magaalada Garoowe madax
kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah madaxda ku casuumada xaflada caleema saarka
madaxweynaha Puntland.
Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda
federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe,
halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha
magaaladaasi.
Si kastaba, Khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland
ayaa weli halkiisi ah, waxaana la filayaa in kadib dib u doorashada Deni ay
dowladda federaalka ay muujiso dabac siyaasadeed, si loo soo afmeero khilaafka
dabada dheeraaday ee Puntland iyo dowladda dhexe.
Saturday, January 20, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Sheekha Al-Azhar Al-shariif
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la
kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar,
iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhanka ah
Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata
Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.
Madaxweynaha oo sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo
hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa
ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si
uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey
booqashada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey
Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si
wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.
Thursday, January 18, 2024
Imaaraadka Carabta oo taageero iyo garab istaag u muujisay dowladda Soomaaliya
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka ayaa lagu
sheegay in Imaaraadka carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda iyo
Shacabka Soomaaliyeed
isla markaana uusan marnaba raali ka ahayn in lagu xad gudbo
madaxbanaanideeda sida uu ku dhawaaqay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo
maalinimadii shalay u qabsoomay Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta .
Kulankaan oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u
dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii
ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan
yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku
celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Mr Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in
dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax
kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin arrimaha Soomaaliya.
Wednesday, January 17, 2024
Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo NIS Foundation oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah
Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo NIS Foundation oo kala saxiixday heshiis is
afgarad ah
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay'adda NIS Foundation ayaa
Maanta Heshiis is afgarad ah kuwada Saxiixay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA.
Heshiiskaan ay gareen Labada hay’addood waxay iska kaashan doonaan hawlo
kala duwan oo khuseeya Arrimaha Cimilada, u adkaysiga aafooyinka, In laga wada
shaqeeyo Sugnaanta Cunadda (food security), Arimaha ilaalinta deegaanka, Isku
xirka arrimaha gargaarka deg-degga ah iyo xalalka waara.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo
Agaasimaha hay'adda NIS Foundation Qaasim Gabow Ducaale ayaa Qalinka Ku jiiday
heshiiskan is afgarad, kaas oo wax badan ka tari doono Maareynta Masiibooynka
iyo xalalka waara.
Tuesday, January 16, 2024
Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha
Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al
Rumaithi, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya
labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Berri ayaa lagu yiri “Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Berri,
ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee
Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.”
Warku wuxuu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ay ka wada
hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ImaaraadkaCarabta.
Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta waxa uu Soomaaliya ku
leeyahay door sharaf leh oo wanaagsan, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka
wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, kaasoo lagu tilmaamo mid
soo jireen ah oo soo jireen ah oo soo jireen ah.
Imaaraadku wuxuu ka qayb qaataa mashaariic badan oo bini'aadantinimo iyo
horumarineed oo uu ka fuliyo Soomaaliya. Kaas oo faa’iido u leh ummadda
Soomaaliyeed; Marka laga soo tago xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya
labada dal oo horumar la taaban karo ka gaaray mudooyinkii u dambeeyay, waxaana
daliil u ah booqashooyin rasmi ah, howlo diblumaasiyadeed iyo kulamo iyo
heshiisyo ay kala saxiixdeen.
Monday, January 15, 2024
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay diwaan galinta Xogta Tallaalka