Wednesday, January 3, 2024
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku balamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar,
Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi waxa uu taleefoon ka helay Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Af-hayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyada JSL, La-taliyaha Axmed Fahmy, ayaa
sheegay in baaqaasi lagaga hadlay xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya
labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo sidii loo
sii wadi lahaa
isla markaana loo sii xoojin lahaa isku xidhka dhinacyada kala duwan si
waafaqsan taariikhda taariikhiga ah ee xidhiidhka labada dal. u dhexeeya labada
dal, baaqa ayaa sidoo kale taabtay xaaladaha gobolka.
“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga
taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda
ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee
gobolka,” ayaa qoraalka lagu yiri.
Afhayeenka, ayaa ku macneeyay in Madaxweyne Sisi uu xaqiijiyay mowqifka
adag ee Masar ay ka taagan tahay inay garab istaagto walaalaha Somaliya, ayna
ka taageerto amnigeeda iyo xasiloonideeda.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku balamay inay
adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo
midoobayo caqabadaha gobolka.
Tuesday, January 2, 2024
Munaasabad lagu soo Bandhigayay wax-Qabadka Gobolka Banaadir oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose
Waxaa xalay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir lagu qabtay Munaasabad lagu
soo Bandhigayay Wax-Qabadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo ee sanadkii
2023-ka,oo ay ka qeeybgaleen
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirro,
Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Saraakiisha
Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir,
Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee
Bulshada.
Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka
Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadkii 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo
ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah,
Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo
Balaarinta Adeegyada Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay
Maamulka Gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka,
daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir
in lasii dar-dargeliyo qorshahaasha Horumarineed ee Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in
Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka
qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada
Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan cida maamuli laheyd.
Monday, January 1, 2024
Xulka Qaranka Kubada Kolayga Soomaaliya oo Ciyaaraya Afar Dhamaadka Tartanka 25aad ee Jaamacadda Carabta.
Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K/koleyga ayaa ka qayb galaya
tartanka ciyaaraha jaamacadda Carabta oo ay ku loolamayaan 9 dal oo
kala ah: Somalia, Egypt, Marocco, Libiya, Aljeriya,, Mauritania, Tunisia,
Kuwait, iyo UAE waxaana kooxda Soomaalida ay ciyaareen 3dex ciyaarood oo mid ka
mid ah ay ka badiyeen Mauritania , halka Labana ay naga adkaadeen Algeria iyo
Libiya.
eWaxaa ii suuro gashay inaan si toos ah ula xiriiro tababaraha xulka
qaranka ee wiilasha k/koleyga Cabdulqadir Xaaji Dahir ( Shiikha) kana waraysto
sida ay kooxdan ugu suuro gashay ka qayb Galka tartanka, diyaargarowgooda,
cidda caawisay, iyo rajada ay ka qaban tartanka.
Macallin Shiikha oo arrimahaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri:
Alxamdu lillah , Dhallinyaradan Waxaan ka soo ururinay meelo kala duwan, waxay
ka kala yimaadeen Somalia, Europe, Amerika iyo qaar ka iman lahaa Canada oo
aysan suuro galin inay na soo gaaraan, Diyaargarowga ciyaartooyda iyo is la
joogooda aad buu u yaraa waxaana ay ahayd caqabadihii naga hor yimid oo
dhaliyay in kooxo aan ka adkaan karnay ay naga adkaadeen….
Dhinaca kale, markaan ka hadlo xaqiiqda cid taakulaysay ciyaartooydan ma jirto,
dhanka dawladda , wasaaradda isboortiga, xataa XIriirka Soomaaliyeed ee K/
Koleyga waxaa uu ka gaystay gacan aad u yar…Waxaa la yaab leh dhallinyaradan
ciyaaraysay in dhammaantood ay iska soo bixiyeen kharashaadka tikidhka
diyaaradda iyo baasabooradii Soomaaliga ahaa inay lacagtooda ku bixiyeen ( Waa
Cajiib), Marka dhallinyaradan Guul iyo Guul daro waxaa ay mudan yihiin in Loo
Mahad naqo,
waayo waa Waddaniyiin ay tahay in loogu hambalyeeyo ciyaar
wanaaggii ay halkaasi la tageen waxaana ay ahayd kooxda kaliya ee la isku
raacay inay ahaayeen dhallinyaro yaryar oo muujiyay ciyaar
heerkeedu aad u sarreeyay.
Waxaan kaloo weydiiyay haddii ay jireen intaasi oo dhibaato ah Maxaa idinku
kalifaaya inaad ciyaaraha ka qayb gashaan?
Tababare Shiikha waxaa uu ku jawaabay, Aniga ka tababare ahaan
hawsha aan hayo oo isxilqaanka ah Waa mid aan ugu abaal gudayo qarankayga oo
waqti badan I soo galiyay ina soo gaarsiiyay heerkan aan ka gaaray k/koleyga,
waxaanse is weydiiyaa ilaa waqtigee ayaad wadi kartaa haddii aysan jirin wax
taakulo ah oo ka yimaada dawladda, wasaaradda isboortiga , Olimbikada iyo
xiriirka K/Koleyga, Dhinaca kale ciyaartooyda is xilqaantay waa kuwa raba inay
la tartamaan asaagooda oo wax walba haysta, tusiyaan inay yihiin dhallinyaro
xirfad wanaagsan u leh ciyaarta , sare u qaadaan sumcadda iyo magaca dalkooda
iyo inay laftigooda ka helaan fursado ay ugu ciyaaraan dibadaha.
Ma ka qayb galaysaan ciyaaro kale oo calami ah Tababre Shiikha ayaan
waydiiyey waxuuna iigu jawaabay sidatan "Haa waa ay jiraan ciyaaro kale oo
lagu qabanayo Madagaskar dhammaadka bishan Janaury 2024 oo ah isreeb reebka
Cayaaraha All African games, ma filayo in laga qayb galayo haddii aan Loo helin
dhallinyarada dhaqaalaha Loo baahan yahay.
Ugu dambayntii Yaad u mahadcelinayaa?
Waxaan aad ugu Mahad celinayaa ganscsatadii aan la’aantooda noo
suuro gasheen ka qaybgalka tartanka oo noo muujiyay taageero
dhaqaale oo wayn sida : Bille Bus Transportation, Live Health Care Services,
iyo Shirkadda A to Z oo la shaqaysa XSKK oo iyaguna noogu deeqay Qalabkii ay ku
ciyaarayeen Wiilashii K/ Koleyga.
Sidoo kalena xawaaladaha Taaj Services, Dahabshiil, Afro Deli iyo
shakhsiyaad ay ka mid ahaayeen Abdul Xaax iyo Asad iimaanka oo iyaguna na
caawiyay waxaan isagana u mahadcelinaynaa Mohamed Hussein oo leh
companiga PGLS oo taageero wayn xulka u gaystay
Waxaa iyaguna Ammaan aan la soo koobi Karin leh safaaradda iyo jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Masar caasimada Qaahiraoo noo muujiyay taageero aad u weyn ayuu
yiri macalin shiikha .
Galabta ayaa filayaa in xulka qaranka Soomaaliya la ciyaaro kan xulka
Tunisia ciyaarta afar dhamaadka
Friday, December 29, 2023
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray qorshe hawleedka sanadka 2024-ka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulanka Wada-tashiga Qorshe Hawleedka
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ee sanadka 2024, oo ay
soo diyaariyeen Xafiiska Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo
Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Qorshayaasha u dagsan Maamulka Gobolka
Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar sanadka cusub ee 2024, iyadoona sidoo kale
lasoo bandhigay waxa ka qabsoomay Qorshihii 2023 iyo waxyaabaha aan qabsoomin.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in fulinta Hawlaha
hortabinta leh ee Qorshaha 2024 ay noqon doonto mid la iskula xisaabtami
doonno.
Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda
Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir,
Xoghayaha Guud, Agaasimeyaasha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo
Deegaannada Gobolka Banaadir, Agaasime waaxeedyada iyo La-taliyeyaal ka tirsan
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Thursday, December 28, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ambabaxay dalka Djibouti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda
Djibouti.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka
wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka
aloosan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga
ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah
Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.
Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan
socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi.
Wednesday, December 27, 2023
Madaxweyne Maxamuud iyo mucaaradka oo 5 arrin isku afgartay