Monday, January 16, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay saddex safiir oo cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee
dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay
Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga
guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Arnaud Suquet
Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Mudane Maarten Brouwer
Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo Marwo Katarina Zuffa
Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta
dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorradaiyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan
adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada
hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka
Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay
xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga
gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Sunday, January 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee
Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga
Yurub u jooga dalkeenna ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka
looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka,
Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.
Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada
Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka
tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay
in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka
dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay
muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la
wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta,
xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada.
Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku
dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya
ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la
wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka
dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.
Saturday, January 14, 2023
Manchester United oo kanbaak layaab leh soo badhigtey ciyaartii galabta
Manchester United ayaa iska rogtay, iyadoo dib ugu soo laabatay goolkii ay kaga
badisay Manchester City gurigeeda, maanta oo Sabti ah, garoonka Old Trafford,
kulan ka tirsan wareegga 20-aad ee horyaalka Premier League.
Man United ayaa labada gool u kala dhaliyay Bruno Fernandes iyo Marcus
Rashford daqiiqadii 78-aad iyo 82-aad.
Halka goolka Manchester City uu dhaliyay Jack Grealish daqiiqadii 60-aad Manchester
United ayaa sare u qaaday dhibcaha 38-aad ee kaalinta saddexaad, halka Man City
ay isku dheeli tirantay 39 dhibcood oo ay ku soo baxday kaalinta labaad.
United ayaa halistii ugu horreysay soo bandhigtay, kaddib markii ay heshay
Fernandez, kubad uu dhinaca midig ee xerada ganaaxa ka helay Eriksen, wuxuuna
ku dhuftay kubad dhulka ah oo meel u dhow birta soo martay.
Man City ayaa soo muuqatay daqiiqadii 24-aad, iyadoo kubad xoogan uu Haaland ka
toogtay gudaha xerada ganaaxa, taasoo ay isku dhaceen difaacyada kooxda kasoo
horjeeda. United ayaa daqiiqadii 34-aad iska lumisay fursadii ay ku heli
kartay goolkeeda furitaanka,waxana u dhaliyay Rashford oo gabi ahaan kaligiis
ka baxay,waxana uu ku guulaystay in uu Ederson ka leexiyo isla markaana uu
kubad dhulka ah ka soo tuuray gudaha xerada ganaaxa,waxana ka saaray
Akanji. 37’daqiiqo Rashford ayaa si deg-deg ah ku billaabay dhanka bidix,
kaddib markii uu Rodrigo ku booday xerada ganaaxa, isla markaana uu kubad
dhulka ah ku dhuftay Ederson.
Man City ayaana dib u soo laabatay daqiiqadii ugu horeysay ee ciyaarta, iyadoo
kubad uu Walker ka soo tuuray banaanka xerada ganaaxa, uu u sii dhaafay birta,
waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.
Daqiiqadii 60-aad ayay Manchester City ku guulaysatay in ay la timaado goolka
furitaanka, kadib markii uu De Bruyne u soo galay dhinaca midig ee xerada
ganaaxa, wuxuuna u soo karoosay Grealish kubad madax ah oo shabaqa ku taabtay,
3 daqiiqo ka dib markii uu bedel ku soo galay. Koontada Foden. Manchester
United ayaa natiijada ciyaarta isku dayday in ay soo laabato,waxana daqiiqadii
67 aad kubad uu ka helay Wan Bissaka,waxa ay ku dhacday Aki,kadibna koorno la
soo baxay. Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Ten
Hag damcay in uu dib u soo nooleeyo weerarka isaga oo Garnacho ku riixay
kharashkii Eriksen daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta, ka dib markii uu ku riixay
Anthony badalkii Martial ee labada qaybood.
Manchester United ayaa daqiiqadii 78-aad dhalisay goolka bar-baraha, kadib
markii uu Casemiro kubad u soo dhiibay Rashford oo ku jiray meel Offside ah,
wuxuuna kubbada u dhaafay Fernandez kaas oo ka soo tuuray cidhifka xerada
ganaaxa kubad shabaqa ku dhacday.
United ayaana wax yar ka dib heshay goolkii labaad daqiiqadii 82aad ee
ciyaarta, ka dib markii Garnacho uu karoos ka soo qaaday dhanka bidix, kaasoo
Rashford, oo ka madax banaan koontaroolka, uu raacay xerada ganaaxa, isagoo
kubad si toos ah shabaqa ugu dhacday.
Man City ayaana soo laabatay si ay qatarta mar kale u abuurto daqiiqadii 87aad,
iyadoo Haaland uu kubad karoos ah u soo qaaday, isagoo ku dhuftay kubad madax
aheyd oo ka dul martay birta, si ay ciyaarta ugu soo gabagabeyso guusha
Manchester United.
Thursday, January 12, 2023
Mashaariicda Imaaraatka Carabta iyo Gacma-cadeedka ay ka wadaan Soomaaliya ayaa muujinaya isu soo dhawaanshaha weyn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)
oo howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa
iskaashi dhanka militeriga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ah la
saxiixaxday dowladda Imaaraadka Carabta.
Wasiir Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka
ah ee labada dal, wuxuuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha
isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.
Iskashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed,
wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo
dalkeenna Soomaaliya.
Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero dowladdafederaalka, wuxuuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.
Waxaan shaki ku jirin in dhammaan xaqiiqooyinkan meesha ka jira ay
muujinayaan sida uu u kobcayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta iyo
isu soo dhawaanshiyaha cajiibka ah, gaar ahaan mudooyinkan dambe, taas oo ah
mida ay shacabka Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin si loo gaaro iskaashi iyo
taageero dheeraad ah oo wax ku kordhinaysa. in laga yareeyo dhibaatadooda iyo
soo nooleynta dhaqaalahooda, maadaama ay tahay tilmaan wanaagsan oo ku dayasho
mudan.
Bilowgii sanadka cusub, wararka ku saabsan heshiisyada iskaashiga amniga ee
u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ugu sareysay
mareegaha wararka ee labada dal ay khuseyso, iyadoo muhiimada weyn ee warku
xambaarsan yahay iyo faahfaahinta uu ka turjumayo. taasi oo xaqiijinaysa in
Soomaaliya ay xiriir la leedahay Imaaraadka gaar ahaan markii uu talada la
wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu ku dhaqaaqay
siyaasad arrimo dibadeed oo u furan dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Carabta.
Imaaraadka ayaa wada dadaallo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab sidhoo kale Imaaraatka waxaan uga mahad
celineeynaa sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin mar walba oo ay u garab
istaagaan dhibaatooyinka abaaraha
Wednesday, January 11, 2023
Soomaaliya oo Dubai uga qeyb gashey meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta
Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar
iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka
Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka
Booliska dalalka Carabta.
Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga
hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Taliyaha
Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka
gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga
xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska
Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan
Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu
saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha
Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo
Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla
Al-biniyaan.
Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka qeybgasho shirka 46-aad ee
madaxda Booliska iyo Nabadsugida Carabta oo ka furmaya Abu Dhabi, ayaa ah mid
ay somaliya kula xiriireeyso dalalka caalamka ee horumaray.
Tuesday, January 10, 2023
dawlada Maraykanka oo ugu deeqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qalab ciidan oo ku kacaya $9 milyan