Guardiola ayaa ka hadlay tartanka horyaalka iyo daawashada shirwaynaha Liverpool
Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka digay kulamada u harsan horyaalka Ingiriiska, waxaana uu hadlay
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa Talaadadii sheegay inuu ula dhaqmo dhammaan ciyaaraha soo socda sida inay yihiin final, iyadoo hogaamiyaasha Premier League ay kula loolamayaan Liverpool hanashada horyaalka.
City ayaa hal dhibic ka sareysa Liverpool ka hor todobada wareeg ee ugu dambeysay.
“Caqabadda waa isku mid labadii todobaad ee ugu dambeysay, hal dhibic ayaan kor ugu qaadnay, final kasta, waan dagaalami doonaa waana dagaalami doonaa ilaa dhamaadka,” Guardiola ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor inta uusan ciyaarin kulanka Brighton & Hove Albion, Arbacadii.
Waxa uu intaasi ku daray “Markaan tixgalinayo xaaladda aan hadda ku sugannahay, iyo dhibaatooyinka na soo maray ee dhinacyo badan leh, waan ku qancay, waanu falanqeyneynaa oo aan xasuusannaa cidda aan nahay koox ahaan, horayna u soconno.
Liverpool ayaa awood u yeelan doonta in ay si ku meel gaadh ah hogaanka horyaalka ugu qabato hadii ay garaacdo Manchester United galinka dambe ee salaasada, laakiin Guardiola waxa uu diirada saarayaa kaliya in uu wajaho Brighton wakhtiga la joogo.
Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan u daawan doonaa kulanka anigoo raacaya, guriga ayaan ku daawan doonaa, waxaan doonayaa inaan ogaado natiijada, waxaan jeclaan lahaa inay United dhibco hesho, laakiin taasi waxba kama bedeli doonto hadii aanaan shaqadeena qabsan kulamada soo socda, wax ayaan ka baran karnaa labada kooxood."
City ayaa la ciyaari doonta kooxda Brighton oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay todobaadyadii ugu dambeeyay isla markaana laba guul oo xidhiidh ah ka soo gaadhay kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur, sidaa darteed Guardiola ayaa si fiican uga warqaba halista kooxda ka soo horjeeda.
Tababaraha reer Spain ayaa hadalkiisa raaciyay: “Kooxda ka soo horjeeda uma baahna inay garaacdo Arsenal iyo Tottenham si ay u ogaadaan inay tahay koox wanaagsan, aad ayaan ula dhacay kooxdan, qaabka ay u ciyaarto iyo natiijooyinkeeda, waxay noo noqon doontaa imtixaan adag. "
0 Comments:
Post a Comment