Tuesday, December 20, 2022

Md Xasan Sheikh Maxamuud oo sheegay in ciidamada Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laabanayaan bisha January ee sannadka cusub

Md Xasan Sheikh Maxamuud


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea, kuwaas muddo ku dhow saddex dano ku sugan Eritrea.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xaflad su’aallo lagu weydiinayay, taasoo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

“Insha allah, dhallinyarada Eritrea jirta mar dhow way imaanayaan. Bishaan  aan ku jirto ee December inta aysan dhamaanin way soo billaabanayaan, Janawarina way soo dhameystir mayaan. Waa diyaar, dib u dhac dambe ma rajeynayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay oo kaashanaysa dadka deegaanka ay ku guulaysatay inay Alshabaabka xoreyso deegaano badan oo kuyaala Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Shikh wuxuu sheegay in maalmaha soo socda labada maamul ay xor ka noqon doonaan Alshabaab, kadibna loosoo jeesandoono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah meelaha ay ku xooggan yihiin Alshabaa
b
Share:

Monday, December 19, 2022

RW Soomaaliya Mudane Xamse oo xaqiijiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay ciribtirka musuq maasuqa

 

ciribtirka musuq maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

 

Share:

Sunday, December 18, 2022

Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay shirweyne lagu dhisayo Gole Sare

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayaa ku dhowaaqay in dowladda federaalka ay qabaneyso shirweyne lagu dhisayo gole sare oo Islaami ah.

Xasan Sheekh ayaa hadalka ka sheegay magaalada Minneapolis oo uu habeen hore kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed. 

Waxaan qabaneynaa Shirweyne Culimada Soomaaliyeed isugu imanayaan oo aan kaga tashaneyno dhisidda Golaha Sare ee illaalinta Shareecada Islaamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta Islaamka reebtay. Maanta dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’adaha dowladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.” 

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu horey u sheegay in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo.

Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.

Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Share:

Saturday, December 17, 2022

Dowladda Imaaraatka Carabta oo Gargaarkii ugu badnaa gaarsiiyay dadka ay abaaraha saameeyeen Jubbaland

 

Jubbaland

Wafdi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamud Luga dheere ayaa gaaray Xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayasha ah ee deegaanada Goobweyn Qaamqaam, Yoontoy iyo Buulogaduud.

Wafdigan ayaa waday Gargaar raashin ah loogu talo galay ilaa 4,300 oo qoys oo ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay wakiil ka tahay wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Jubbaland, waxaana la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ah oo u badan dadkii ay Abaaraha kaga ka le’deen xoolahoodii iyadoona Gurmadkan uu kusoo beegmay Xili adag oo ay u baahi qabeen Gargaar noocaan oo kale ah..

Qeyb kamid ah Kun tan Oo raashiin noocyadiisa kala duwan oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraatka -Carabata abaaraha ka jira deegaanada Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa la gaarsiiyay 2,000 oo qoys oo ka soo barakacay abaarta, kuwaasi oo ku nool deegaanada “Bulu-guduud” “Cuuntoy” iyo “Gobin”.

Xaaji Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka kaalmada ay u fidiyeen dadka danyarta ah ee ku xoolo beelay abaarihii dalka ku dhuftay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in dhawaan gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la gaarsiin doono qoysaska ay abaaruhu saameeyeen.

Share:

Friday, December 16, 2022

Guul maqan ayaa hurinaysa isku dhaca Messi iyo Mbappe ee finalka koobka adduunka

 

koobka adduunka

Isku aadka u dhexeeya Lionel Messi iyo Kylian Mbappe, oo ah labada ciyaaryahan ee reer France ee Paris Saint-Germain, ayaa hogaaminaya finalka Koobka Adduunka 2022, kaasoo Axadda soo socota dhexmari doona France iyo Argentina.


Mbappe ayaa ku riyoonaya inuu markii labaad oo xiriir ah ku guuleysto koobkaadduunka Diiqa Faransiiska ka dib markii uu ka qeyb qaatay ku guuleysiga horyaalka Russia 2018, halka Messi uu rajeynayo inuu dib ugu soo celiyo Koobka Adduunka ee ka maqan Argentina ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa tan iyo 1986 Laakiin waxaa

jira khilaaf kale oo sii kordhinaya hurinta kulankaan, kaasoo ah horyaalka gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka, Koobka Adduunka ee hadda socda, iyadoo Messi iyo Mbappe ay ka siman yihiin goolasha inta lagu jiro daabacaadda hadda, iyagoo dhaliyay 5 gool.

Messi, haddii uu ku guuleysto horyaalka gooldhaliyaha ugu sareeya, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee xirfadiisa ciyaareed, marka laga reebo in ay tahay markii seddexaad oo ciyaaryahan Argentine ah uu ku guuleysto horyaalka gooldhaliyaha ugu sareeya Koobka Adduunka tan iyo labadii ciyaaryahan ee Guillermo Stabile. 1930 kii oo dhaliyay 8 gool iyo Mario Kempes oo isna dhaliyay 1978 kii oo dhaliyay 6 gool.

Mbappe ayaa sidoo kale ku riyoonaya inuu ku guulaysto koobka gooldhaliyaha ugu sareeya markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ku guuleysto abaalmarintaan koobkii ugu dambeeyay, taasoo uu ku guuleystay xiddiga England Harry Kane oo dhaliyay 6 gool.

Mbappe ayaa ku soo celin doona abaal marinta gooldhaliyaha ugu sareeya France hadii uu ku guulaysto horyaalkan ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa tan iyo xidigii Just Fontaine oo dhaliyay 13 gool 1958 kii isla markaana ku guulaystay horyaalka gool dhalinta wakhtigaas.

Isku dhacu kuma koobnaan doono oo kaliya Messi iyo Mbappe, sidoo kale waxa kale oo jira Olivier Giroud oo u dhashay France iyo Argentine Julian Alvarez oo dhaliyay 4 gool fursadna u helay in uu abaal-marintan ku guulaysto, halka Moroccan Youssef Naciri uu dhaliyay laba gool, waxaana u hadhsan kulan uu Croatia u ciyaari doono. go'aamin meelaha saddexaad iyo afraad.

Fursadda ayaa sidoo kale u bislaaday in laga gudbo caqabadaha lix gool ee gooldhaliyaha Koobka Adduunka, iyo ka gudubka tiradan oo u baahnaa dhammaan ciyaartoyda tan iyo Koobkii Adduunka 2006 ilaa hadda.

Ma jiro ciyaaryahan awood u leh inuu ka sarre maro lambarkan tan iyo markii Ronaldo uu dhaliyay 8 gool daabacaaddii 2002 oo uu markaas ku qaaday gooldhaliyaha ugu sarreeya Koobka Adduunka.
 

 

Share:

Thursday, December 15, 2022

RW Xamse oo Golaha Wasiirada Warbixin ka siiyay safarkiisii Aadan-yabaal

 

Aadan-yabaal



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay safarkiisi degmada Aadan Yabaal oo shalay isaga iyo wafdigiisa uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Mudane Xamse ayaa ka warramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in Al-Shabaab dhibaatooyin dhinac walba ah ay u geysteen shacabka ku noolaa degmada, isla markaana maanta ay dib u heleen xorriyad buuxda. Wuxuu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee naftooda u huray sidii looga xorreyn lahaa degmada.

Waxaa sidoo kale isna Golaha Wasiirrada warbixin siiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Salah Jama, oo ka warramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba hindise sharciyeed oo ay Golaha u soo bandhigeen Wasaarada Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.

 

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog