Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaa shidaalka, waxayna
taageertay heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen
dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.
Madaxweyne Deni oo maanta hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad
baarlamaanka ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga
khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato
sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka
Soomaaliya,….sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato
sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah” ayuu yiri Madaxweyne
Deni.
Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalkaSoomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka
batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay
in shan qodob oo wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii la saxiixay February
2022, sidoo kale Maxamuud Mashruuc, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo
Macdanta ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay talo sharci oo khubaro
ah.
Madaxwaynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula
qaatay Madaxtooyada Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa
diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada
dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah
argagixisada.
Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan
ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen
dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka
diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga
diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in
danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka
kale ee caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka
jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay
qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka
deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee
isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya,
wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan
wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada
isbadalaysa.
“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli
roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan
xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda
dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.
Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee
Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u
cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”
Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen
wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula
meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka
cimilada ee wadamada gobolka.
Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta
cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u habayn ku sameysay
heshiiskii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee Wasiirkii hore Batroolka
Cabdirashiid Axmed uu la saxiixday shirkadda Coastline Exploration.
Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo
sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada shidaalka ay ku
guuleysatay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada ee heshiiskaas.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo
gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga
wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka”.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan
Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay
arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay
ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si
ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu daray.
Coastline Exploration waa magaca cusub ee shirkaddii Soma Oil and Gas oo uu
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre saamilaydeeda mar ka
mid ahaa.
Tallaabadan ay qaaday Dowladda Federaalka ayaa timid xilli ay dhawaan
Puntland sheegtay in hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 uu
yahay mid ka hor-imanaya dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka
Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha
Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda xarigga ka
jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
Wafdiga ka qeyb galay xarig jarka waxaa kamid ah madaxweynaha dowlad
deegaanka Soomaalida iyo wafuud kale oo ka kala socota wadamada geeska Afrika.
Dekaddan ayaa lagu dhisay isku tashi iyado ay xusid mudan tahay in
dhismaheeda uu qaatay muddo sanado ah.
Xogo aan helnay ayaa dhanka kale sheegaya in dekaddan aan loogu talagalin
iney ku xirtaan maraakiibta waa weyn tusaale ahaan kuwa sida Container-da balse
kaliya kusoo xiran karaan doomaha iyo maraakiibta yar yar.
Gobolada koonfureed ee maamul goboleedka Puntland, gobolada dhexe ee
Soomaaliya, marka laga soo tago ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Itoobiya ay
tahay dal aan bad lahayn, kuna tiirsan dekedaha Jabuuti iyo Berbera ee
Somaliland, ayaa ka faa’iidaysan doona dekedda si loo soo nooleeyo dhaqaalaha
deegaanka. .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer
Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu
sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax
Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh
Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga
warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee
dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha
waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta
fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.
“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan.
Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed
waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka
waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo
qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta
Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una
baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.