Wednesday, March 13, 2024

Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Maareynta ee SoDMA oo la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta

 

Hay’adda Maareynta Musiboyinka Qaranka ee SoDMA

Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta ay hay’adda SoDMAuga caawin laheyd dib u habeynta biyo xireenka Sabuun ee duleedka degmada Jowhar, oo muddo aan helin wax dib u dayactir ah, muhiimna u ah beeralayda ku nool Gobolka Shabeellada Dhexe,

sidii gargaar Dowladda Imaaradka Carabta u garsiin laheyd meelaha fog-fog ee dalka shacabka ku nool, si gaar ah maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddoomiye Axmed ayaa Dowladda Imaaradka Carabta uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taganyihiin shacabka Soomaaliyed iyo Dowladdooda.

 

Share:

Tuesday, March 12, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laba arrin ka dalbaday shacabka

 

Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.

“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, Ramadaan kariim”.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka “Waxaan hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan Allaah (SWT) waydiisaneynaa inuu na waafajiyo cibaadada bisha Soon, sidoo kalena uu naga aqbalo”.

 

Share:

Monday, March 11, 2024

Raashiin gargaar ah oo ka timid Imaaraadka oo laga qeybiyay Xamar weyne

 

Raashiin gargaar ah


In ka badan 200 qoys oo ka mid ah shacabka degmada Xamar weyne ayaa maanta ka faaideystay raashiin gargaar ah oo dowladda Istuga Imaaraadka Carabta ugu deeqday.

Raashiinka oo ka kooban noocyada kala duwan ee cuntada ayaa Imaaraadka Carabta ugu talagashay in ay ku soomaan dadka danta yar ee ku nool gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadkii loo qeybiyay raashinka ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay sida ay mar walba u garan taagan yihiin.

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne, Cabdiqadir Maxamed Sheekh Cismaan ayaa dhankiisa ka mahad naqay deeqda raashiinka ah ee la soo gaarsiiyay shacabka degmada.

Shalay ayaa sidan oo kale Imaaraadka Carabta waxay raashiin gargaar ah gaarsiiyay shacabka degmada Shingaani ee gobolka.

Barnaamijkan ayaa qeybka ah taakuleynta u sameynayaan shacabka tabaalaysan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

 

Share:

Sunday, March 10, 2024

Ra iisulwasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta ka hortagga isbeddelka cimillada

 

ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).




Share:

Saturday, March 9, 2024

Imaaraatka Carabta ayaa wali sii wada deeqaha ay siiyaan Soomaaliya


Hay’adda Maareynta Musiiboyinka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa guddoomay shixnad labaad oo gargaar ah oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta. Munaasabadan oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag.

Raritaanka waxaa ku jira qaybo kala duwan oo ah cuntooyinka aasaasiga ah, si taxadar leh loo doortay si loo daboolo baahiyaha degdegga ah. Laga soo bilaabo badarka aasaasiga ah ilaa sahayda cuntada, tabarucaadka Imaaraadku waxa uu higsanayaa in uu yareeyo gaajada iyo in kor loo qaado sugnaanta cuntada ee kooxaha nugul.

Gargaarkan ayaa lagu daabulay diyaarad xamuul ah oo ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo calaamad u ah xiriirka xooggan ee labada dal. Saadka hufan ayaa xaqiijiyay imaatinka sahayda muhiimka ah ee wakhtiga ku haboon, taasoo xoojinaysa ka go'naanta Imaaraadka ee gargaarka bini'aadantinimo.

Kaaliyaha Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka C/raxmaan Waaxid ayaa si gaar ah uga guddoomay deeqdan mas’uuliyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey magaca shacabka Soomaaliyeed, isagoo u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib adag xilliyada ay u baahan yihiin.

Mr. Waaheed ayaa yiri: “Dowladda Imaaraadku waxay si joogto ah u gacan siineysaa Soomaaliya. Taageeradooda walaalnimo waxa ay wax weyn ka bedeshay nolosha muwaadiniinteena”.

Iyada oo ay sii socoto gaarsiinta gar gaarka maalmaha soo socda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed waxa ay weli ka go’an tahay qeybinta wax ku oolka ah iyo in si siman loo gaaro. Ballanqaadka Imaaraatka ee aan leexleexa lahayn wuxuu u adeegaa sidii iftiin rajo mustaqbal ifaya oo Soomaaliya ah.

 

Share:

Thursday, March 7, 2024

Madaxweynaha ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway

 

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.


Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog