Tuesday, March 12, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laba arrin ka dalbaday shacabka
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo
maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay
Soomaaliya.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka
Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan
idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan”
ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin
oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u
duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.
“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku
baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay
badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni
iyo barwaaqo” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan,
Ramadaan kariim”.
Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka “Waxaan
hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan
Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan Allaah (SWT) waydiisaneynaa inuu na
waafajiyo cibaadada bisha Soon, sidoo kalena uu naga aqbalo”.
Monday, March 11, 2024
Raashiin gargaar ah oo ka timid Imaaraadka oo laga qeybiyay Xamar weyne
In ka badan 200 qoys oo ka mid ah shacabka degmada Xamar weyne ayaa maanta
ka faaideystay raashiin gargaar ah oo dowladda Istuga Imaaraadka Carabta ugu
deeqday.
Raashiinka oo ka kooban noocyada kala duwan ee cuntada ayaa Imaaraadka
Carabta ugu talagashay in ay ku soomaan dadka danta yar ee ku nool gobolka
Banaadir.
Qaar kamid ah dadkii loo qeybiyay raashinka ayaa dowladda iyo shacabka
Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay sida ay mar walba u garan taagan yihiin.
Guddoomiyaha degmada Xamar weyne, Cabdiqadir Maxamed Sheekh Cismaan ayaa
dhankiisa ka mahad naqay deeqda raashiinka ah ee la soo gaarsiiyay shacabka
degmada.
Shalay ayaa sidan oo kale Imaaraadka Carabta waxay raashiin gargaar ah
gaarsiiyay shacabka degmada Shingaani ee gobolka.
Barnaamijkan ayaa qeybka ah taakuleynta u sameynayaan shacabka tabaalaysan
inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.
Sunday, March 10, 2024
Ra iisulwasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta ka hortagga isbeddelka cimillada
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay ka
hortagga isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre
ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga
isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo
Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo
ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.
Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda
ee Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxa hirgelinteeda
iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka
hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).
Saturday, March 9, 2024
Imaaraatka Carabta ayaa wali sii wada deeqaha ay siiyaan Soomaaliya
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa guddoomay shixnad labaad
oo gargaar ah oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta. Munaasabadan
oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka dhigan
tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag.
Raritaanka waxaa ku jira qaybo kala duwan oo ah cuntooyinka aasaasiga ah,
si taxadar leh loo doortay si loo daboolo baahiyaha degdegga ah. Laga soo
bilaabo badarka aasaasiga ah ilaa sahayda cuntada, tabarucaadka Imaaraadku waxa
uu higsanayaa in uu yareeyo gaajada iyo in kor loo qaado sugnaanta cuntada ee
kooxaha nugul.
Gargaarkan ayaa lagu daabulay diyaarad xamuul ah oo ay leedahay dowladda
Imaaraadka Carabta, taasoo calaamad u ah xiriirka xooggan ee labada dal. Saadka
hufan ayaa xaqiijiyay imaatinka sahayda muhiimka ah ee wakhtiga ku haboon,
taasoo xoojinaysa ka go'naanta Imaaraadka ee gargaarka bini'aadantinimo.
Kaaliyaha Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka C/raxmaan Waaxid ayaa si
gaar ah uga guddoomay deeqdan mas’uuliyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee
Muqdisho. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey magaca shacabka
Soomaaliyeed, isagoo u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib adag xilliyada
ay u baahan yihiin.
Mr. Waaheed ayaa yiri: “Dowladda Imaaraadku waxay si joogto ah u gacan
siineysaa Soomaaliya. Taageeradooda walaalnimo waxa ay wax weyn ka
bedeshay nolosha muwaadiniinteena”.
Iyada oo ay sii socoto gaarsiinta gar gaarka maalmaha soo socda, Hay’adda
Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed waxa ay weli ka go’an tahay qeybinta wax
ku oolka ah iyo in si siman loo gaaro. Ballanqaadka Imaaraatka ee aan
leexleexa lahayn wuxuu u adeegaa sidii iftiin rajo mustaqbal ifaya oo
Soomaaliya ah.
Thursday, March 7, 2024
Madaxweynaha ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka
Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid
caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada
horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga
xoreeyay Khawaarijta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada
ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo
dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii
kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta
isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay
horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska,
isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga
dowladda.
Wednesday, March 6, 2024
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha