Sunday, September 25, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wadaha Dhaqdhaqaaqyo ay ku adkeenaayaa xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed

 

somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo shaley guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

 Waxaa xusid mudan in Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ay ku ammaaneen Soomaaliya sida ay u qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu billaabayo in deymaha laga cafiyo.

Shidhookale Dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid xoojineeyso xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed taasi oo ay gabtey dawladi horey

 Madaxwayne xasan sheekh maxamuud iyo ra,iisal wasaare xamse cabdi barre ayaa siwada jir u sheegay, inay kor uqaadayaan tayaynta dawlada iyo isla xisaabtanka, si loo helo xukuumad kudhisan hufnaan iyo cadaalad.







Share:

Saturday, September 24, 2022

Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hor sheegay Kacdoonka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xaalada Abaaraha

 

Soomaaliya


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada ah.

“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku  bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.

 


Share:

Friday, September 23, 2022

Wararkii ugu danbeeyay iyo ciidaadii xooga dalka oo isku diyaarinaya inay xoreeyaan CEELBUUR

 

Ceel Buur

Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab.

Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Alshabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

 

Share:

Wednesday, September 21, 2022

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Mareykanka oo ka soo hooyatey guulal lataabankaro

 

Guulo amni, & mid siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo laga gaaray booqashadii xasan sheekh




Miro muhiim ah oo ay Soomaaliya ka guratay booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Guulaha amni, siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee laga gaaray booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Washington ayaa sii xoojineysa wadadii uu dalku ku socon lahaa dagaal ba’an oo ka dhan ah argagixisada oo wajahaya xaalad cakiran oo abaareed.

Dhowaan ayay aheyd markii

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isagoo kulamo la qaatay mas’uuliyiin caan ka ah dalka Mareykanka oo ay ugu horeeyaan Wasiirada Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha, Amniga Gudaha, iyo Maaliyadda, iyadoo ay wehliyaan la taliyaha amniga Qaranka iyo madaxda dhaqaalaha caalamka. hay'adaha, Bankiga iyo Hay'adda Lacagta Adduunka.

Sheekh Maxamuud waxa uu watay faylal ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo abaaraha, intii uu socday doodaha uu ku raadinayo kaalmada Mareykanka si uu u gaaro himilooyinka loo igmaday si uu u gaaro "Soomaaliya xasilloon."

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalka laga badbaadinayo macluusha iyo argagaxisada uu ku sheegay wadahadal uu la yeeshay madaxda Mareykanka.
Waxa uu sheegay in dowladiisa ay siyaasad cusub ka qaadan doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo tilmaamay inay Mareykanka ka dhaadhicin doonaan nuxurka qaabkan cusub, iyo balanqaadkooda ah inay garab istaagi doonaan maamulkiisa si uu u jebiyo qodaxaha argagixisada.

Xidhiidhka laba geesoodka ah ee Muqdisho iyo Washington waxa uu arkay qabow ba’an oo saameeyay dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada iyo xasiloonida siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, taasoo ugu dambaysay ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee horaantii Janaayo 2021 sababo la xidhiidha siyaasaddii Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Booqashadii ugu dambeysay oo uu agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaamay mid guul iyo midho-dhal ah ayaa Soomaaliya waxaa ay gaartay guulo dhowr ah sida ay sheegeen khubaro dhanka amniga iyo siyaasadda ah oo la hadlay Al-Cayn Al-Akhbar.
Abdul Rahman Hashi oo ah falanqeeye dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in booqashadii Sheekh Maxamuud ee Washington iyo la kulanka mas’uuliyiin badan oo heerkan la eg ay muujineyso sida uu u qotomo booqashada.

 

 

Share:

Tuesday, September 20, 2022

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada oo looga hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka Al-Shabaab

 

alshabaab


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshe lagu xoraynayo deegaanada ay argagixisada ku sugan yihiin, laguna xasilinayo deegaanada laga saaray, si dadka deegaanka ay u helaan adeeg bulsho.

Xamza ayaa sheegay in dagaalka ciidamada qalabka sida ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab uu xanuujiyey, ayna sii wadayaan inta laga xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Marka dagaal lagu jiro cadowga waa la xanuujiyaa, markuu xanuusado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo oo jawaabtiisu haddii ay noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadowgu wuu dhintee haka harinna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee gacan ka geystay sidii shacabka deegaanka looga xoreyn lahaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in bulshada lagu wacyigeliyo qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa u mahadceliyey laamaha amniga iyo ciidamada Soomaaliya habeen iyo maalinba dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga shacabka, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada.

 

Share:

Monday, September 19, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgalo cusub oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen Al-Shabaab deegaanka Yasooman oo ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan i

 

Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka ayaa degaan lagu magaaco Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku dileen ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay in ka badan 45 dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay DF.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgalkaan uu weli socdo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doonto markii uu soo dhammaado.

“Dhanka kale ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay sagaal dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan,” ayaa lagu warkaan ka soo baxay dowladda.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada dowladda howlgalka fuliyey, sida lagu xusay war-saxaafadeedka.

“Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Awooda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog