Monday, April 1, 2024
Madaxweyne JFS oo saxiixay nuqulka rasmiga cutubyada Dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka JFS
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay nuqulka
wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii ay meel-mariyeen labada aqal ee
baarlamaanka, kaasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.
Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1-aad,
2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoonka
Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaki galiyay nuqulka wax
ka beddel ee madaxweynaha uu saxiixay, xilli uu sheegay in baarlamaanka laga
qariyay wax ka beddelka saxda ee loo coddeeyay, sida uu ku yiri qoraal uu soo
saaray.
“Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo
diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta
cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu
soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo
qaaday nuqul aan la arag,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in illaa iyo haatan cid
aragtay aysan jirin nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, islamarkaana aan
la garanayn waxa uu madaxweynaha xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u
saxiixay, sida uu hadalka u dhigay.
Hoos ka aqriso qoraalka
Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo
diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta
cutub.
Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9-ka ah lagu
soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo
qaaday nuqul aan la arag.
Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u
codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha
dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha
uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama
danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag.
Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta
cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo
kale u saxiixay.
Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo.
Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana
daangaystay ka ah?.
Saturday, March 30, 2024
Wasiirro,xildhibaanno iyo Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay furitaanka xarunta cusub ee Gubadleey
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeybgalay
munaasabadda xarig jarka dhismaha xarun cusub oo ay ku gowlgali doonaan
maamulka deegaanka Gubadleey.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Cismaan
Daallo,xildhibaanAfcadeey iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay
xafladdaasi loo sameeyay xaarig jarka xarunta deegaanka Gubadleey ayaa ku
ammaanay shacabka halkaasi dadaalka ay u galeen dhismaha xaruntaasi oo noqon
doonta goob laga fuliyo adeegga dadweynaha.
Mas’uuliyiintasi waxa ay qireen in ay dadaal ku bixin doonaan sidii
deegaanka Gubadleey loogu aqoonsan lahaa Degmo,kadib markii odayaasha dhaqanka
iyo waxgaradka kale ay soo jeediyeen tallaanadaasi wax ku oolka ah.
Guddoomiyaha deegaanka Gubadleey C/Laahi Nuur Maxamuud iyo odayaasha
deegaankaasi ayaa xaruntaasi cusub ku sameeyay xaflad heer sare ah oo ay la
dhaceen madaxdii ka socotay golayaasha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaa ammaantay sida ay Shiinaha uga qeyb qaadaneyso xasiloonida dalka
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir
Maxamed Nuur, ayaa magaalada Shengchao kulan kula qaatay Safiirka Shiinaha u
fadhiya Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay istaraatiijiyad lagu xoojinayo amniga
iyo la dagaallanka argagixisada.
Intii uu socday kulanka, wasiirka gaashaandhigga wuxuu ku dheeraaday
xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, wuxuuna ku ammaanay sida Shiinuhu gacan
uga geysanayo xasilloonida dalkiisa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay
u leedahay isku-duubnida caalamiga ah ee dadaalladaas.
Dhankiisa, danjiraha Shiinaha ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay
tahay saaxiib soo jireen ah oo dalkiisa ah, wuxuuna ku ammaanay dowladda
Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ku xoojinayaan
xasilloonida iyo horumarinta hannaanka dowladnimo si waafaqsan himilooyinka
guud ee labada dal.
Kulankaan ayaa waxa uu ka dhigan yahay xaqiijinta sida ay uga go’an tahay
labada dhinac ee nabadda iyo amniga, waxaana uu tusaale u yahay iskaashiga
mustaqbalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Thursday, March 28, 2024
Baarlamaanka labadiisa aqal oo maanta loo qeybiyay nuqulka wax ka beddelka dastuurka
Baarlamaanka dowlaldda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo
qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu
horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah.
Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa
sheegaya, in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo
madaxweynaha, xilkana uu ka qaadi karo.
Qodobada kale ee lagusoo kordhiyay dastuurka ayaa kala ah, in muddada xil
haynta hay’adda dastuuriga ee dowladda ay noqonayaan shan sano, madaxda dowlad
goboleedyada waxaa loogu yeerayaa hoggaamiyayaal, dalkuna uu yeelanayo saddex
xisbi.
Guddiga loo xilsaaray wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay, in 7,470 oo muwaadiniin
ah ay aragti ka dhiibteen wax ka beddelka cusub, iyadoo guud ahaan tirada
aragtay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu sheegay 213,838.
Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa la sheegay in labada gole ee Baarlamaanka
ay cod u qaadi doonaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka.
Wax ka beddelka dastuurka waxaa si adag ugasoo horjeeda maamulka Puntland,
madaxdii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowladda, kuwaas
oo ka digay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dastuurka wax ka beddelo.
Wednesday, March 27, 2024
Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, ayaa
munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka
waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay
goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya
sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka
turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.
Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay
Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida
dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka.
Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna,
iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday
baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle.
Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex
laayeen ehlu Qu’aanka”.
Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku
guuleystay;
1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.
Tuesday, March 26, 2024
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed UK