Monday, March 25, 2024
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa
maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Catriona Laing.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa
ahaa mid miro-dhal ah oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta maaliyadda iyo
dhaqaalaha Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday guushii dowladda Soomaaliyaha ee
nnaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay daba-yaaqadda
sanadkii
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo saaray qoraal kooban bartiisa X
(ex-Twitter) ayaa waxa uu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka
ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada-shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta
dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda
sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta
wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday sida ay Qaramada Midoobay dadaal ugu
bixinayso kor u qaadista taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta maaliyadda iyo
horumarinta dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumarka ka sameeynaysay
dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan
Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta
hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.
Sunday, March 24, 2024
Guddoomiyaha hey'adda maareynta musiibooyinka SOdMA oo lagu soo dhaweeyay London.
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay koofurta magaalada London kaas oo lagu soo dhaweynayay isla markaana uu kula hadlayay.
Intii uu socday kulankan ayay warbixin uga dhageysteen jaaliyadda xaaladda
dalka uu ku sugan yahay, sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay gacan uga geysan karto
gargaarka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Max'ed Cumar Macallin "Wayaaka" oo isna ah Xoghayaha arrimaha
dibedda ee hey'adda SoDMA ayaa isna ku bogaadiyay dadaalka jaaliyadda ay ku
dooneyso in ay dadkooda la qeybsadaan dhibaatada.
Guddoomiye Max'ud Macallin ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay wajahayaan
shacbiga Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay in ay ay gacan ka geystaan
dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameynta ku yeelatay dhibaatada ka
taagan dalkeenna.
Saturday, March 23, 2024
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray afur wadareedka sanadlaha ah
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xmasa Cabdi Barre
ayaa ka qeyb galay Afur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo
Bulshada Qeybaheeda kala duwan, kaas oo lagu xoojinayo isu soo dhaweynta
Xukuumadda iyo Muwaadiniinta. ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u
heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS mudane
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka
Bulshada XFS mudane Cali Xaaji,
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cigaal, Wasiirka
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Balluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan,
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynya XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka
Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif,
Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha XFS, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale
iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa kale oo kulanka qeyb weyn ka ahaa bulshada rayidka iyaga oo ka hadlay
arrimo muhiiim ah.
Thursday, March 21, 2024
Soomaaliya oo qayb ka ah Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub oo looga hadlayo illaalinta Arrimaha Bulshada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka
qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo
samatabixinta arrimaha Bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo
sanadkaan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Shirkaan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhammaan wadamada iyo hay’adaha
ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada, ayaa si gaar ah loogu lafa guray
tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samatabixinta
dalalka soo koroya.
Madaxa Barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u
metelaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka
jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay Dawladda
Soomaaliya ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada.
Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samatabixinta dadka tabarta daran iyo dadka
ku waxyeeloobay dagaalada, barakaca iyo wixii lamid ah.
Sidoo kale waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya
ilaalinta arrimaha bulshada muhiimada ay leedahay inay mar kasta ku
hawl-galaaan nidaamka ama Qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay
arrimaha samatabixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay
qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Midowga Yurub Von Der Leyen ayaa dhankeeda Dawladda Soomaaliya
ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samatabixinta
bulshada, waxayna hoosta ka xaqriiqday inay xoojin doonaan garab istaagga
Soomaaliya.
Wednesday, March 20, 2024
Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga
Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa
ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo
sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa
mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa
barakaca.
Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay
hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda,
isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara
roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.
Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn
doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta
leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.
Monday, March 18, 2024
Kulan lagu Xoojinayey Amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Dayniile