GURIGA »
Siyaasada
» Bayaan ka soo baxay madaxda wadamada ka qeyb qaadanaya ciidamada nabad ilaalinta KMG ah ee Soomaaliya:
Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku
raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay
dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.
Hogaamiyeyaasha oo ku shirsanaa Kampala ayaa ku booriyay golaha ammaanka ee
Qaramada Midoobay inuu ka fiirsado qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran
Soomaaliya.
Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in
ciidamada ATMIS ay gabi ahaanba Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sanadka 2024, si
ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegaan masuuliyadda amni ee
dalka.
Waxay kaloo ku baaqeen in la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo
la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Madaxda ayaa bogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen
howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, dagaalkaas oo
sababay in laga xoreeyo degaano ay muddo maamulayeen.
War muriyeedka ayaa ugu dambayn hoosta looga xariiqay ahmiyadda qarannimada,
Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment