Thursday, March 28, 2024
Baarlamaanka labadiisa aqal oo maanta loo qeybiyay nuqulka wax ka beddelka dastuurka
Baarlamaanka dowlaldda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo
qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu
horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah.
Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa
sheegaya, in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo
madaxweynaha, xilkana uu ka qaadi karo.
Wednesday, March 27, 2024
Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno guddoonsiiyay arday kaalmaha hore ka galeen Tartanka Qur’aanka Kariimka ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, ayaa
munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka
waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay
goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya
sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka
turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.
Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay
Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida
dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka.
Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna,
iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday
baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle.
Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex
laayeen ehlu Qu’aanka”.
Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku
guuleystay;
1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.
Tuesday, March 26, 2024
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed UK
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey UK
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud
Macallin Cabdulle oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan soo dhaweyn ah ay
u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.
Guddoomiyaha ayaa Jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dadaallada
beni’aadannimo ee socda, isagoo u soo bandhigay in ay ka qeyb qaataan
wax-ku-darsiga sanduuqa dhaqaale ee loo furayo hay’adda si awood loogu yeesho
ka jawaabista gargaarka deg-degga ah.
Jaaliyadda ayaa si weyn uga mahadcelisay sida ay SoDMA ugu gurmatay
dadka gobolka Sool xilligii colaadaha, halka guddoomiyuhu ku boorriyay in ay
xoojiyaan garab istaagga dadka nugul ee dalka ku sugan, kuwaas oo wajahaya
nolol adag oo gacan qabad u baahan.
Monday, March 25, 2024
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa
maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Catriona Laing.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa
ahaa mid miro-dhal ah oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta maaliyadda iyo
dhaqaalaha Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday guushii dowladda Soomaaliyaha ee
nnaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay daba-yaaqadda
sanadkii
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo saaray qoraal kooban bartiisa X
(ex-Twitter) ayaa waxa uu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka
ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada-shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta
dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda
sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta
wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday sida ay Qaramada Midoobay dadaal ugu
bixinayso kor u qaadista taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta maaliyadda iyo
horumarinta dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumarka ka sameeynaysay
dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan
Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta
hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.
Sunday, March 24, 2024
Guddoomiyaha hey'adda maareynta musiibooyinka SOdMA oo lagu soo dhaweeyay London.
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay koofurta magaalada London kaas oo lagu soo dhaweynayay isla markaana uu kula hadlayay.
Intii uu socday kulankan ayay warbixin uga dhageysteen jaaliyadda xaaladda
dalka uu ku sugan yahay, sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay gacan uga geysan karto
gargaarka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Max'ed Cumar Macallin "Wayaaka" oo isna ah Xoghayaha arrimaha
dibedda ee hey'adda SoDMA ayaa isna ku bogaadiyay dadaalka jaaliyadda ay ku
dooneyso in ay dadkooda la qeybsadaan dhibaatada.
Guddoomiye Max'ud Macallin ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay wajahayaan
shacbiga Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay in ay ay gacan ka geystaan
dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameynta ku yeelatay dhibaatada ka
taagan dalkeenna.
Saturday, March 23, 2024
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray afur wadareedka sanadlaha ah