Saturday, March 16, 2024
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho
3 qof oo lagu dilay
weerarkii Al-Shabaab, Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii lagu beegsaday
hoteel ku yaalla Muqdisho
Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday
Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay
dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay
ku sheegtay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falalkan dambiyada ah,
isla markaana ay si joogto ah u diiddan yihiin dhammaan noocyada rabshadaha iyo
argagixisada ee ujeeddadoodu tahay khalkhal gelinta amniga iyo xasilloonida oo
aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.
Weerar ay dabley hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ku
qaadeen maanta oo Khamiis ah hoteel caan ah oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya
ee Muqdisho, iyo go'doomin ay ku jireen muddo 13 saacadood ah, ayaa sababay
dhimashada saddex qof iyo dhaawaca 27 qof. kuwo kale, ayay booliisku ku
dhawaaqeen Jimcihii, iyagoo xusay in dhammaan shantii qof ee weerarka soo
qaaday la dilay.
Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Roobli oo shir jaraa’id
qabtay ayaa yiri: “Saddex qof ayaa ku dhintay weerarka, 27 kalena waa ay ku
dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 18 rayid ah iyo sagaal askari,” isagoo intaa ku
daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan saddex askari.
Iyadoo ururka islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay sheegteen
mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday hoteelka, ayaa Rooble wuxuu xaqiijiyay
subaxnimadii jimcaha in la dilay dhammaan shanta dableyda.
Al-Shabaab ayaa weeraray Hotelka
Hoteelka laftirkiisa ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa lagu qaaday weeraro
hore oo Al-Shabaab ay ku qaadeen, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu noqonayaa
kii shanaad tan iyo sanadkii 2015-kii, weerarkii ugu dambeeyay ee Hotelka ayaa
dhacay December 2019 waxaana ku dhintay 5 ruux (Saddex ruux). dad rayid ah iyo
laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka).
Waxaa xusid mudan in Hotelka la weeraray uu ku dhow yahay afaafka hore ee
laga galo Madaxtooyada Villa Somalia, oo ay ku jiraan Xarunta Madaxtooyada
Jamhuuriyadda, Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha, iyo dhismooyinka Wasaaradaha
qaarkood.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya iyo
shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka
geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan
kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey dhaawacyadii Hotel SYL iyo NISA
Madaxweynaha JFS oo
booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu
dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniinta kale ee ku
wax yeeloobay weerarkii argagixisada al-Shabaab ee ka dhacay hotelka SYL.
Dhaawacyada waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo
masuuliyin kale oo ka tirsan xafiiska raysalwasaaraha. Tirada guud ee dhaawaca
la gaarsiiyey Isbitaalka Erdogan ayaa 12 qof.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay
warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.
Weerarkan ayaa muujinaya fashil dhanka amniga ah, maadaama Hotel SYL uu u
jiro xayndaabka Villa Somalia, waddooyinka soo galana si weyn loo ilaaliyo
Thursday, March 14, 2024
Soomaaliya oo laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku yiraahdo Paris Club
Soomaaliya oo 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku
yiraahdo Paris Club
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay
barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii
uu ku lahaa Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray
dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka
maaliyadeed ee caalamka.
Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo
wasiirka maaliyada Soomaaliya iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada
xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga
Paris ( Paris club)
oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga
duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa toban ka waddan ee ku
bahoobay Naadiga Paris ay kala saxeexdeen heshiis lagu dhaafayo dentii ay
Soomaaliya ku lahaayeen.
Tallaabadan ayaai waxay ka dhigantahay in Naadiga Paris Club ay u dhaafeen
xaddi deyn oo ah in ay ka cafinayaan lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar, taas oo
ka badan intii ku waajibka ku ahayd hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt
relief) ee loo yaqaan HIPC.Si loo sugo dhammaystirka hannaankan
Qorshahan ayaa waxaa sii xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta
lala gali doono, si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.
Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda
Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo
maamul wanaaga.
“Waxaan ku boggaadinayaa dalaka daynta inaga dhaafay deeqsinimadooda iyo
garab istaagooda” ayuu yiri Biixi Imaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda
Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan joogna magaaladda Paris ee dalka
Faransiiska oo aan kaga qeyb galayno wadda xaajood aad u ballaaran oo aan
la yeelanayno naadiga Paris Club oo ay ku midaysan yihiin 10-ka dal ee deymaha
ugu badan nagu lahaa,Soomaaliya waxay soo martay geedi dheer oo ahaa
hanaan dib u dhis iyo qaabeyn hay’daha dowladda ah”.
Bishii Diseenbar ee sanadkii la soo dhafay 2023, waxaa Hay’ada Lacagta ee
IMF iyo bangiga Aduunka ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya soo buuxisay
sharuudaha deyn cafinta si ay u hesho deyn cafin dhameystiren, intaas ka dib
waxaa waajib noqtay in aan wadda xaajood la bilowno dalalkii deymaha nagu lahaa
oo ay mudnaanta lahayeen naadiga Paris Club.
Wednesday, March 13, 2024
Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Maareynta ee SoDMA oo la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta
Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr.
Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda
Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash.
Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta ay hay’adda SoDMAuga caawin laheyd dib u habeynta biyo xireenka Sabuun ee duleedka degmada
Jowhar, oo muddo aan helin wax dib u dayactir ah, muhiimna u ah beeralayda ku
nool Gobolka Shabeellada Dhexe,
sidii gargaar Dowladda Imaaradka Carabta u garsiin laheyd meelaha fog-fog
ee dalka shacabka ku nool, si gaar ah maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland
iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.
Guddoomiye Axmed ayaa Dowladda Imaaradka Carabta uga mahadceliyey sida
hagar la’aanta ah ee ay u garab taganyihiin shacabka Soomaaliyed iyo
Dowladdooda.
Tuesday, March 12, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laba arrin ka dalbaday shacabka
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo
maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay
Soomaaliya.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka
Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan
idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan”
ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin
oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u
duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.
“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku
baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay
badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni
iyo barwaaqo” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan,
Ramadaan kariim”.
Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka “Waxaan
hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan
Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan Allaah (SWT) waydiisaneynaa inuu na
waafajiyo cibaadada bisha Soon, sidoo kalena uu naga aqbalo”.
Monday, March 11, 2024
Raashiin gargaar ah oo ka timid Imaaraadka oo laga qeybiyay Xamar weyne