Saturday, March 9, 2024

Imaaraatka Carabta ayaa wali sii wada deeqaha ay siiyaan Soomaaliya


Hay’adda Maareynta Musiiboyinka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa guddoomay shixnad labaad oo gargaar ah oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta. Munaasabadan oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag.

Raritaanka waxaa ku jira qaybo kala duwan oo ah cuntooyinka aasaasiga ah, si taxadar leh loo doortay si loo daboolo baahiyaha degdegga ah. Laga soo bilaabo badarka aasaasiga ah ilaa sahayda cuntada, tabarucaadka Imaaraadku waxa uu higsanayaa in uu yareeyo gaajada iyo in kor loo qaado sugnaanta cuntada ee kooxaha nugul.

Gargaarkan ayaa lagu daabulay diyaarad xamuul ah oo ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo calaamad u ah xiriirka xooggan ee labada dal. Saadka hufan ayaa xaqiijiyay imaatinka sahayda muhiimka ah ee wakhtiga ku haboon, taasoo xoojinaysa ka go'naanta Imaaraadka ee gargaarka bini'aadantinimo.

Kaaliyaha Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka C/raxmaan Waaxid ayaa si gaar ah uga guddoomay deeqdan mas’uuliyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Wuxuu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey magaca shacabka Soomaaliyeed, isagoo u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib adag xilliyada ay u baahan yihiin.

Mr. Waaheed ayaa yiri: “Dowladda Imaaraadku waxay si joogto ah u gacan siineysaa Soomaaliya. Taageeradooda walaalnimo waxa ay wax weyn ka bedeshay nolosha muwaadiniinteena”.

Iyada oo ay sii socoto gaarsiinta gar gaarka maalmaha soo socda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed waxa ay weli ka go’an tahay qeybinta wax ku oolka ah iyo in si siman loo gaaro. Ballanqaadka Imaaraatka ee aan leexleexa lahayn wuxuu u adeegaa sidii iftiin rajo mustaqbal ifaya oo Soomaaliya ah.

 

Share:

Thursday, March 7, 2024

Madaxweynaha ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway

 

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.


Share:

Wednesday, March 6, 2024

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha

 

Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar,

ayaa maanta booqatay Safaarada Shiinaha ay kuleedahay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyay safiirka u fadhiya Dalka Ambassador Fei Shengchao.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, howlaha horutabinta u leh Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa shuruucda taageereysa amaanka guud iyo xasilloonida dalka, horumarinta waxbarashada iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed.

Ambassador Fei Shengchao, ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay in ay noqotay Gabadhii ugu horeysay ee xilalka ugu sareeya dalka soomaliya qabata, isagoo u rajeeyay in ay ku guuleysato howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Chinaha u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa uga mahadcelisay Dowladda Shiinaha taageeradeeda,garab istaaga dowladda iyo shacabkaSoomaaliyeed.

 

Share:

Tuesday, March 5, 2024

Imaaraatka Carabta ayaa Soomaaliya siiya raashin mucaawino ah

 

Imaaraadka iyo taageerada uu siiyo Soomaaliya heer walba


Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta Munaasabadd Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cade

waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Shixnadaan gargaar ayaa waxaa waday mid kamid ah diyaaradaha xamuulka qaada ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxana uu ku soo aaday xilli Bisha Barakaysan ee Ramadaan fooda inagu soo hayso.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimayaal ka tirsan SoDMA, ayaa shixnadaan kala wareegay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho,

isaga oo ballanqaaday in mucaawinadan ay gaarsiin donaan shacabkaSoomaaliyeed ee danta yar iyo kuwa barakacyaasha ah madaama haatan laguda galayo bisha Ramadaan.

 

Share:

Monday, March 4, 2024

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin oo booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad

 

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar

ayaa maanta booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho waxaana ku soodhaweeyay Safiirka ufadhiya dalka Amb.Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Ugu horeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka Carabta uga tacsiyadeeysay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee 10- febraayo 2024 kadhacay Xerada Gen.Gordan ayagoona dalkeenna u joogay ineey gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida,

Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Ugudanbeeyn Guddoomiye Sacdiyo ayaa uga mahadceliysay Dowladda Imaaraatka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

Share:

Sunday, March 3, 2024

Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta

 

safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga, kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad Cabdiraxmaan.”

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 


Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog