Wednesday, March 6, 2024
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar,
ayaa maanta booqatay Safaarada Shiinaha ay kuleedahay Magaalada Muqdisho
waxaana soo dhaweeyay safiirka u fadhiya Dalka Ambassador Fei Shengchao.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka iskaashi iyo wax wada
qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, howlaha horutabinta u leh Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidii muhiimad
gaar ah loo siin lahaa shuruucda taageereysa amaanka guud iyo xasilloonida
dalka, horumarinta waxbarashada iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed.
Ambassador Fei Shengchao, ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay in ay noqotay
Gabadhii ugu horeysay ee xilalka ugu sareeya dalka soomaliya qabata, isagoo u
rajeeyay in ay ku guuleysato howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda
Chinaha u garab taagan tahay Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa uga mahadcelisay
Dowladda Shiinaha taageeradeeda,garab istaaga dowladda iyo shacabkaSoomaaliyeed.
Tuesday, March 5, 2024
Imaaraatka Carabta ayaa Soomaaliya siiya raashin mucaawino ah
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta
Munaasabadd Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cade
waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka
kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.
Shixnadaan gargaar ayaa waxaa waday mid kamid ah diyaaradaha xamuulka qaada
ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxana uu ku soo aaday xilli Bisha Barakaysan
ee Ramadaan fooda inagu soo hayso.
Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi
Aadan oo ay wehliyaan Agaasimayaal ka tirsan SoDMA, ayaa shixnadaan kala
wareegay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho,
isaga oo ballanqaaday in mucaawinadan ay gaarsiin donaan shacabkaSoomaaliyeed ee danta yar iyo kuwa barakacyaasha ah madaama haatan laguda
galayo bisha Ramadaan.
Monday, March 4, 2024
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin oo booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar
ayaa maanta booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho
waxaana ku soodhaweeyay Safiirka ufadhiya dalka Amb.Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Ugu horeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danjiraha Dalka
Imaaraadka Carabta uga tacsiyadeeysay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii
argagixisanimo ee 10- febraayo 2024 kadhacay Xerada Gen.Gordan ayagoona
dalkeenna u joogay ineey gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida,
Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta
xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Imaaraatka
Carabta.
Ugudanbeeyn Guddoomiye Sacdiyo ayaa uga mahadceliysay Dowladda Imaaraatka
Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya.
Sunday, March 3, 2024
Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu tegga Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed
(Lafta-gareen) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada
Soomaaliya ayaa ka bilaabay kulamo kala duwan oo xasaasi ah.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Isu
tegga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi,
kaasoo uu kala hadlay arrimo ku aadan wada shaqeyntooda maamulka Koonfur Galbeed.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen 4 qodob oo kala
ah xoojinta amniga, kobcinta mashariicda, taagerida tababarida iyo qalabaynta
ciidanka iyo hormarinta kaabiyaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo
baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu faahfaahiyay kulanka labada dhinac.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dhinacyada Xoojinta amniga,
kobcinta Mashariicda, Taagerida Tababarida iyo Qalabaynta Ciidanka iyo
Hormarinta Kaabiyaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri.
Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey
Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatah Mahad
Cabdiraxmaan.”
Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Koonfur Galbeed
ay wajaheyso xaalado adag, sida dooda ka taagan arrinta doorashada iyo dagaalka
ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Saturday, March 2, 2024
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta
Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane
Axmed Juma Al Rumaithi ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Maareynta
Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdullaahi, waxaana uu kala hadlay
Mashaariicda Imaaraadku ku taageerayo Dowladda. iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha degdega ah ee ay qabaan dadka
nugul ee ay saameeyeen daadadka El Niño, kuwaas oo sababay barakaca kumanaan
qoys iyo burburka dalagyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Safiirka ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay in bisha Ramadaan ka hor ay
Imaaraadku gargaar gaarsiin doonaan goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo
dayactirka biyo xireennada si loo yareeyo khatarta fatahaadaha ee la filayo in
ay ka dhashaan roobabka gu’ga.
Safiirka ayaa uga warbixiyey madaxa hay’adda horumarka laga sameeyey
ceelasha ay Imaaraadku maalgaliyeen ee lagu gaarsiinayo bulshada biyo nadiif
ah, wuxuuna sheegay in la soo gebagebeeyey wejigii koowaad ee mashruucan oo ay
ka mid ahaayeen qodista boqol ceel, wejiga labaadna uu yahay. iyadoo la
fulinayo oo 100 ceel laga qodayo.
Madaxa hay’adda ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta uu
uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda
Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Imaaraadka uu yahay
saaxiib iyo saaxiib dhab ah oo Soomaaliya la wadaaga, isla markaana ay wada
shaqeyn karaan. Labada dal waxay sare u qaadi doonaan jiritaanka iyo horumarka
Soomaaliya.
Thursday, February 29, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi uga qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee Isbadalka Cimilada