Sunday, August 21, 2022
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo af-jaray howlgalkii huteel Xayaat
Taliyaha guud ee ciiddanka Booliiska Soomaaliya, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed
(Xijaar) ayaa sheegay in 106 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay weerarkii
Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliiska oo ka warbixinayay howlgalka ayaa sheegay inay ciidamadu
xalay saqdii dhexe ku guulaysteen inay soo afjaraan howgalkaan.
Waxa muuqataa in madaxweynaha Soomaaliya HSN uu yahay mid go’aansaday isla
markaana awood u leh in uu xaliyo xaalad walba oo uu ka hor yimaado
dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada soo af jareen howl galkii
Hotelka Xayaat ee Muqdisho.
Dadaalka ay wado xukuumadda maanta talada dalka haysaa ee uu hogaamiyo HSN
oo ay ku baabi’isay dhaqdhaqaaqii alshabaab, waa mid ka duwan kii xukuumaddii
hore, oo ayaad taageero siin jirtey kooxda
Saturday, August 20, 2022
Ciidanka Dowladda oo soo afjaray Howlgalkii kasocday hotel Hayaat
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran, ayaa soo afjaray inta badan Howlgalkii
ka socday Hotelka Xayaat, waxaana jira Qaraxyo Caagado ku jira oo ay Shabaabku
ku xireen Qaybta Saddexaad ee Hotelka, kuwaasi oo ay Qarxinayaan Ciidanka
ammaanka, ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka.
Ciidamada Nabad Sugida ayaa wali wada howlgalo ay ku doonayaan in ay kaga
takhalusaan kooxihii soo weeraray Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho. Dad
badan oo ku go’doonsanaa Hoteelka ayaa la sheegay in ciidamada ay soo
badbaadiyeen.
Weerarkan xaley ayaa tilmaamaya xiriirka ka dhexeeya Xarakadda Al-Shabab
iyo siyaasiyiin xilal sare ka soo qabtay dowladihii hore, kuwaas oo isku dayaya
inay abuuraan qalalaase ay ku wiiqayaan, isla markaana ay fashiliyaan guulaha
laga gaarayo dowladda cusub.
Gurmadka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo sida ay ugu guuleysteen
in ay go’doomiyaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo la tacaalidda si
xirfadeysan ayaa muujineysa horumarka ay sameeyeen ciidamada qalabka sida oo
kaashanaya dalalka saaxiibada ah.
Weerarkan ayaa muujiyay heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay shacabka u
hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda cusub, iyadoo taasi ka duwan tahay niyad
jabkii jiray xilligii dowladdii hore. Astaamihii dowladii hore ayaa wali ku
dhaqmaya siyaasadii fowdada iyo dilka iyadoo adeegsaneysa dhaq dhaqaaqa
Al-Shabaab, sidii ay sameyn jireen waagii ay maamulayeen.
Thursday, August 18, 2022
Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxda ugu sareysa WFP
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.
Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Dikreeto madaxweyne
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmauud, ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay guddiag maamulka hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka
War-saxaafadeed laga soo saaray Villa Soomalaiya ayaana sidan u qornaa.
MEEL-MARINTA GO’AANKA GOLAHA WASIIRRADA EE MAGACAABISTA XUBNAHA GUDDIGA MAAMULKA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA
Muqdisho, Ogoosto 18, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).
Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;
- Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
- Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
- Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
- Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
- Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime
Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.
Wednesday, August 17, 2022
Shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya & RW Xamse Cabdi Barre
Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa
isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.
Shirkan degdegga ah ee xaley oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub,
ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:
Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka
Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada
iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir
cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan
sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
sidhookale Ururada caalamiga ah ayaa dawr weeyn ku leh ladagaalanka
abaaraha ee dalka ku hafsatey iyo qab soo mida shirkaan
sidhoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeedmeel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula
shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.
Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada
qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka
Hiiraan.
Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay
ka kooban yihiin:
1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka
Tuesday, August 16, 2022
MADAXWEYNE XASAN OO LA HADLAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE KENYA