Thursday, August 18, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Dikreeto madaxweyne

Xasan Sheekh


 Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmauud, ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay guddiag maamulka hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka

War-saxaafadeed laga soo saaray Villa Soomalaiya ayaana sidan u qornaa.

MEEL-MARINTA GO’AANKA GOLAHA WASIIRRADA EE MAGACAABISTA XUBNAHA GUDDIGA MAAMULKA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA

Muqdisho, Ogoosto 18, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.


Share:

Wednesday, August 17, 2022

Shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya & RW Xamse Cabdi Barre

 

shir ay yeesheen wasiirada iyo RW xamse

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah ee xaley oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

sidhookale Ururada caalamiga ah ayaa dawr weeyn ku leh ladagaalanka abaaraha ee dalka ku hafsatey iyo qab soo mida shirkaan

sidhoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeedmeel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

 Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

 Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

 1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta

3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

6. Wasiirka Maaliyadda

7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada

8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

10. Wasiirka Amniga Gudaha

11. Wasiirka Gaashaandhigga

12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha

14. Culimada Soomaaliyeed

15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Ururada bulshada Rayidka

 

Share:

Tuesday, August 16, 2022

MADAXWEYNE XASAN OO LA HADLAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE KENYA

 

xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SheekhMaxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

 

 

Share:

Monday, August 15, 2022

Salah ayaa ka argagaxay Crystal Palace

 

ciyaaraha



Laacibka reer Masar ee Mohamed Salah, oo u ciyaara kooxda Liverpool, waxa uu leeyahay nambar aad u khaas ah inta lagu guda jiro kulamada ay kooxdiisu la ciyaarayso Crystal Palace ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa ku kulmi doonta Crystal Palace fiidnimada Isniinta, garoonka Anfield, kulan ka tirsan wareegga labaad ee Premier League.

Bogga rasmiga ah ee xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka ayaa lagu qoray, “Mohamed Salah waxa uu ka qayb qaatay 11 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kaliya ka horyimid Crystal Palace horyaalka Premier League”.

Reds ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Fulham wareegii koowaad.

Liverpool ayaa soo gali doonta kulanka maanta ee Crystal Palace, iyadoo ay ka maqan yihiin adeegyada Ibrahim Konate, Keller, Diogo Jota, Alexander Chamberlain, Curtis Jones iyo Thiago Alcantara.

Share:

Sunday, August 14, 2022

Markab sida gargaar Imaaraatka ah ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

 

Imaaraatka oo caawino u soo direy somaliya

Markab gargaar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, si uu u gaarsiiyo 1,000 tan oo sahay cunto ah oo loogu talagalay ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa horay u amray bixinta 35 milyan oo dirham oo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah in loo diro qoysaska ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Shixnaddan ayaa waxaa iska kaashaday, isla markaana iska kaashaday Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta, Hay’adda Samafalka iyo Samafalka ee Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo Hay’adda Khalifa bin Zayed Humanitarian Foundation, si ay u daboolaan baahiyaha Walaalaha Soomaaliya, Caawinta dadka ay Abaaruhu saameeyeen iyo in la yareeyo. heerka uu gaarsiisan yahay dhibaatada bani aadamka.

Mas’uuliyiinta ay khuseyso ayaa bilaabay in ay gargaar u qeybiyaan dadka iyo barakacayaasha ku nool deegaannadooda iyo xerooyinkooda

Imaaraadka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaallada ay ku horumarinayaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Imaaraatka Carabta ayaa dadaal badan ugu jira sidii gargaar loo gaarsiin lahaa gobollada Soomaaliya ee ay saameeyeen abaaraha ka dhashay roob la’aanta saddex xilli oo xiriir ah.

Daneynta Imaaraadka ee xaaladda bini’aadantinimo ee dadka Soomaaliyeed waxa ay ku soo beegantay qaab dhismeedka hoggaanka caqliga leh ee u hanqal taagaya caawinta dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah iyo kor u qaadida awooddooda si ay u wajahaan xasaradaha bini’aadantinimo iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhalanaya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Geeska Afrika ee ay sida weyn u saameysay abaarta, taasoo dhibaato xooggan ku haysa kumanaan qof oo ay abaartu saameysay.

 



Share:

Saturday, August 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in qof shaqaale ah shaqada laga ceyriyo, isaga oo aan raalli ka ahayn

 

Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamzah Cabdi Beerri ayaa wareegto uu soo saaray kaga mamnuucayo xubnaha Golaha Wasiirada in ay shaqada ka eryaan shaqaalaha dowladda iyaga oo aan ansixin.

Go’aamadan ayaa waxa kamid ahaa in wasiirada cusub aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, illaa inta ay waafajinayaan sharciga oo ay la tashi kala sameynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la ilaaliyo sharciga, xuquuqda shaqaalaha iyo u sinaanta shaqada, maadama lagu guda-jiro xili kala guur ah oo wasaaradaha xukuumadda ay yeesheen masuuliyiin cusub.

Inta badan Wasiirada ayaa durtaba marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta wasaarada, sida Agaasimayaasha, taasi oo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi hor leh.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiradiisa inay isbedel si iskood ah iska sameeyaan, iyagoo aan la tashan.

Si kastaba, Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha dalka ayaa ku dadaalaya sidii ay shacabka Soomaaliyeed u ilaalin lahaayeen xuquuqdooda, waxaana uu soo saaray sharci dhigaya in qof muwaadin ah aan xilka laga qaadi karin isaga oo aan raali ka ahayn si uu u difaaco shacabka Soomaaliyeed.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog