Wednesday, February 2, 2022

Imaaraadka ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinacyo badan.

 Roobley waxa uu ku guuleystay in uu xoojiyo xiriirka Imaaraadka mar kale.




Maanta waxaa dhacday in Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisul Wasaare, ahna Xaakimka Dubai, “Ilaahay ha xafido” uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Roobley. iyadoo uu joogo Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxal sugaha Dubai, oo ku yaal daaraha Imaaraadka Carabta ee xarunta "Expo 2020 Dubai".

Kulankan ayuu Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo muujiyay hamiga Imaaraadka ee ah inuu la bilaabo weji cusub oo iskaashi wax ku ool ah oo uu la yeesho Soomaaliya iyo in la xoojiyo iskaashiga dhammaan dhinacyada u adeegaya danaha labada shacab ee walaalaha ah. Dhankiisa, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muujiyay sida uu dalkiisu ugu faraxsan yahay mansabyada Imaaraatka Carabta iyo sida xigmadda leh ee ay Soomaaliya u hayeen xilliyadii adkaa ee ay Soomaaliya soo martay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Imaaraadka sida guusha leh ee ay ku qabteen Carwada 2020 ee Dubai, isagoo carabka ku adkeeyay in qiyamka laga soo qaatay munaasabada caalamiga ah ay ka tarjumayso sida ay Imaaraadku u aaminsan yihiin muhiimadda ay leedahay in la helo nabad, wada noolaansho iyo isfaham dhexmara shucuubta si loo gaaro oo loo rajaynayo mustaqbal wanaagsan gobolka iyo caalamkaba, tani waa bilow cusub oo labada dal iyo bilow wanaagsan u ah Soomaaliya, oo Imaaraadku yahay saaxiibka ugu fiican ee Soomaaliya si uu u xaliyo dhibaatooyinka ka jira, loogana baxo dhibaatooyinka ay Soomaaliya ku jirto. Dadkeedana dhimasho ka badbaadi.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog