Thursday, September 7, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday magaalada “Aadan Yebal”

 

Aadan Yebal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray magaalada “Aadan Yabaal” ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo ka yimid magaalada “Maxas” ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Booqashada Madaxweyne Maxamuud Aadan Yabaal oo ujeedadeedu tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa howlgallada ciidamada ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Godlaawi” iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyidiin.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada waxaa lagu wadaa in uu la kulmo taliyeyaasha ciidamada iyo dagaalyahanada deegaanka ee ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo soo bilowday bishii August ee sanadkii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta,  ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog