GURIGA »
gudaha dalka
» AFRICOM oo iska fogeysay masuuliyadda duqayn dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacday gobolka Galgaduud
Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxay iska fogeeyeen
duqayn geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo kasoo gaartay dad rayid ah.
Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu dilay
shan qof oo rayid ah iyo saddex ka tirsan horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab,
sida ay sheegeen hoggaamiyayaal katirsan dadka deegaanka.
Duqayntan ayaa dhacday, ka dib markii horjoogayaasha Alshabaab ay gabbaad
ka dhigteen guri ay ku jiraan dad qoys ah oo ku yaalay degaanka Ceel la helay
ee gobolka Galgaduud.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa nasiib darro ku
tilmaamay in dad rayid ah lagu dilay, laguna dhaawacay howlgal duqayn ah oo ka
dhacay gobolka Galgaduud, kaasoo lagu bartilmaameesadsaday horjoogayaal
katirsan Alshabaab.
“Nasiib darro, dad rayid ah ayaa lagu dhaawacay oo lagu dilay agagaarka
howlgalka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AFRICOM. "Ciidamada Mareykanka
ma aysan joogin goobta howlgalka, mana aysan sameynin duqeymo dhanka cirka ah.
Guriga lagu bartilmaameesaday horjoogayaasha waxaa iska lahaa mid ka mid ah
qaraabada horjoogayaasha, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay
guddoomiyaha deegaanka Ceel la helay Faarax Aadan.
Qof dumar ah iyo labo caruur ah ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay duqaynta,
sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysay
masuuliyiinta degaanka.
“Dadka rayidka ah lama bartilmaameedsan, waxaa ku dhacay firirka bamka.” ayuu
yiri guddoomiyaha degaanka Ceel la helay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacdadan, iyadoo warbaahinta dowladda
Soomaaliya ay sheegtay in qof dumar ah iyo labo caruur ah ay ku dhinteen miino
ay Alshabaab ku qariyeen guri ku yaala tuulada Ceel-lahelay ee gobolka
Galgaduud.
0 Comments:
Post a Comment