Saturday, March 23, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray afur wadareedka sanadlaha ah

 

Raysal Wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre

ayaa ka qeyb galay Afur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, kaas oo lagu xoojinayo isu soo dhaweynta Xukuumadda iyo Muwaadiniinta. ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS mudane Cali Xaaji,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Balluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynya XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif,

 Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo kulanka qeyb weyn ka ahaa bulshada rayidka iyaga oo ka hadlay arrimo muhiiim ah.

 

Share:

Thursday, March 21, 2024

Soomaaliya oo qayb ka ah Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub oo looga hadlayo illaalinta Arrimaha Bulshada

 

Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo samatabixinta arrimaha Bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo sanadkaan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkaan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhammaan wadamada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada, ayaa si gaar ah loogu lafa guray tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samatabixinta dalalka soo koroya.

Madaxa Barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u metelaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay Dawladda Soomaaliya ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada.

Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samatabixinta dadka tabarta daran iyo dadka ku waxyeeloobay dagaalada, barakaca iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha bulshada muhiimada ay leedahay inay mar kasta ku hawl-galaaan nidaamka ama Qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay arrimaha samatabixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Midowga Yurub Von Der Leyen ayaa dhankeeda Dawladda Soomaaliya ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada, waxayna hoosta ka xaqriiqday inay xoojin doonaan garab istaagga Soomaaliya.

 

Share:

Wednesday, March 20, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR

Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.

Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

 

Share:

Monday, March 18, 2024

Kulan lagu Xoojinayey Amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Dayniile

 

gobolka Banaadir

Kulan afur wadareed ah oo lagu xoojinayey nabadda iyo amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir,

kana qeyb galeen xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dasruurka,Wasiirka Arrimaha Guddaha, guddoonka gobolka Banaadir,kuxigeeka amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha amniga iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah degmada Dayniile.

Kulanka inta uu socday, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay sida ay muhiim u tahay isla shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga taasi oo suurtogelineysa dardargelinta amniga iyo ka hortagga khatarta Khawaarijta.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in afurka lagu qabtay duleedka Deyniile uu muujinayo dadaallada hay’adaha amniga ee xagga xaqiijinta ammaanka iyo jawaabta weerarkii fulaynimada ahaa ee Khawaarijta ay bakhtigoodu keeneen gudaha caasimadda Muqdisho,

waxaa uuna xaqiijiyay in dagaalka ka dhanka argigixisada uu halkiisa ka sii soconayo isaga oo u digay kooxaha Baraha Bulshada ka taageero Khawaarijta.

 

Share:

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA


Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, oo maalmihii danbe waday afurin ay u sameenayso dadka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 7,000 oo qoys oo iskugu jira danyar iyo barakacyaal waxa ay gargaar mucaawino ay ugu qaybisay Deegaanka Garasbaaleey si gaar ah Xaafadda Galmudug.

Qoysaskaan gargaarka afurinta ah loo qaybiyey ayaa qaarkood waxa ay hore degaanadoodii uga soo barakaceen colaado iyo daadadkii Elniino ee sannadkii tagay dalka ku dhuftay.

Goobta lagu qaybinayey Gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Qaasim Saciid oo ka tirsan BFS.


Share:

Saturday, March 16, 2024

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho

 

, Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii  Muqdisho

3 qof oo lagu dilay weerarkii Al-Shabaab, Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii lagu beegsaday hoteel ku yaalla Muqdisho

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falalkan dambiyada ah, isla markaana ay si joogto ah u diiddan yihiin dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay khalkhal gelinta amniga iyo xasilloonida oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.

Weerar ay dabley hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen maanta oo Khamiis ah hoteel caan ah oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyo go'doomin ay ku jireen muddo 13 saacadood ah, ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca 27 qof. kuwo kale, ayay booliisku ku dhawaaqeen Jimcihii, iyagoo xusay in dhammaan shantii qof ee weerarka soo qaaday la dilay.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Roobli oo shir jaraa’id qabtay ayaa yiri: “Saddex qof ayaa ku dhintay weerarka, 27 kalena waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 18 rayid ah iyo sagaal askari,” isagoo intaa ku daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan saddex askari.

Iyadoo ururka islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay sheegteen mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday hoteelka, ayaa Rooble wuxuu xaqiijiyay subaxnimadii jimcaha in la dilay dhammaan shanta dableyda.

Al-Shabaab ayaa weeraray Hotelka

Hoteelka laftirkiisa ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa lagu qaaday weeraro hore oo Al-Shabaab ay ku qaadeen, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu noqonayaa kii shanaad tan iyo sanadkii 2015-kii, weerarkii ugu dambeeyay ee Hotelka ayaa dhacay December 2019 waxaana ku dhintay 5 ruux (Saddex ruux). dad rayid ah iyo laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka).

Waxaa xusid mudan in Hotelka la weeraray uu ku dhow yahay afaafka hore ee laga galo Madaxtooyada Villa Somalia, oo ay ku jiraan Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha, iyo dhismooyinka Wasaaradaha qaarkood.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog