Thursday, March 21, 2024
Soomaaliya oo qayb ka ah Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub oo looga hadlayo illaalinta Arrimaha Bulshada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka
qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo
samatabixinta arrimaha Bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo
sanadkaan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Shirkaan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhammaan wadamada iyo hay’adaha
ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada, ayaa si gaar ah loogu lafa guray
tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samatabixinta
dalalka soo koroya.
Madaxa Barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u
metelaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka
jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay Dawladda
Soomaaliya ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada.
Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samatabixinta dadka tabarta daran iyo dadka
ku waxyeeloobay dagaalada, barakaca iyo wixii lamid ah.
Sidoo kale waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya
ilaalinta arrimaha bulshada muhiimada ay leedahay inay mar kasta ku
hawl-galaaan nidaamka ama Qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay
arrimaha samatabixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay
qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Midowga Yurub Von Der Leyen ayaa dhankeeda Dawladda Soomaaliya
ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samatabixinta
bulshada, waxayna hoosta ka xaqriiqday inay xoojin doonaan garab istaagga
Soomaaliya.
Wednesday, March 20, 2024
Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga
Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa
ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo
sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa
mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa
barakaca.
Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay
hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda,
isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara
roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.
Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn
doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta
leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.
Monday, March 18, 2024
Kulan lagu Xoojinayey Amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Dayniile
Kulan afur wadareed ah oo lagu xoojinayey nabadda iyo amniga caasimadda
Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir,
kana qeyb galeen xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka
mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dasruurka,Wasiirka Arrimaha Guddaha, guddoonka
gobolka Banaadir,kuxigeeka amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir, Taliyeyaasha
Laamaha amniga iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah
degmada Dayniile.
Kulanka inta uu socday, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay sida ay muhiim u
tahay isla shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga taasi oo suurtogelineysa
dardargelinta amniga iyo ka hortagga khatarta Khawaarijta.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka
hadlay munaasabadda ayaa sheegay in afurka lagu qabtay duleedka Deyniile uu
muujinayo dadaallada hay’adaha amniga ee xagga xaqiijinta ammaanka iyo jawaabta
weerarkii fulaynimada ahaa ee Khawaarijta ay bakhtigoodu keeneen gudaha
caasimadda Muqdisho,
waxaa uuna xaqiijiyay in dagaalka ka dhanka argigixisada uu halkiisa ka sii
soconayo isaga oo u digay kooxaha Baraha Bulshada ka taageero Khawaarijta.
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, oo maalmihii
danbe waday afurin ay u sameenayso dadka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta
7,000 oo qoys oo iskugu jira danyar iyo barakacyaal waxa ay gargaar mucaawino
ay ugu qaybisay Deegaanka Garasbaaleey si gaar ah Xaafadda Galmudug.
Qoysaskaan gargaarka afurinta ah loo qaybiyey ayaa qaarkood waxa ay hore
degaanadoodii uga soo barakaceen colaado iyo daadadkii Elniino ee sannadkii
tagay dalka ku dhuftay.
Goobta lagu qaybinayey Gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda
gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Qaasim Saciid oo ka tirsan
BFS.
Saturday, March 16, 2024
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho
3 qof oo lagu dilay
weerarkii Al-Shabaab, Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii lagu beegsaday
hoteel ku yaalla Muqdisho
Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday
Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay
dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay
ku sheegtay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falalkan dambiyada ah,
isla markaana ay si joogto ah u diiddan yihiin dhammaan noocyada rabshadaha iyo
argagixisada ee ujeeddadoodu tahay khalkhal gelinta amniga iyo xasilloonida oo
aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.
Weerar ay dabley hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ku
qaadeen maanta oo Khamiis ah hoteel caan ah oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya
ee Muqdisho, iyo go'doomin ay ku jireen muddo 13 saacadood ah, ayaa sababay
dhimashada saddex qof iyo dhaawaca 27 qof. kuwo kale, ayay booliisku ku
dhawaaqeen Jimcihii, iyagoo xusay in dhammaan shantii qof ee weerarka soo
qaaday la dilay.
Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Roobli oo shir jaraa’id
qabtay ayaa yiri: “Saddex qof ayaa ku dhintay weerarka, 27 kalena waa ay ku
dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 18 rayid ah iyo sagaal askari,” isagoo intaa ku
daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan saddex askari.
Iyadoo ururka islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay sheegteen
mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday hoteelka, ayaa Rooble wuxuu xaqiijiyay
subaxnimadii jimcaha in la dilay dhammaan shanta dableyda.
Al-Shabaab ayaa weeraray Hotelka
Hoteelka laftirkiisa ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa lagu qaaday weeraro
hore oo Al-Shabaab ay ku qaadeen, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu noqonayaa
kii shanaad tan iyo sanadkii 2015-kii, weerarkii ugu dambeeyay ee Hotelka ayaa
dhacay December 2019 waxaana ku dhintay 5 ruux (Saddex ruux). dad rayid ah iyo
laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka).
Waxaa xusid mudan in Hotelka la weeraray uu ku dhow yahay afaafka hore ee
laga galo Madaxtooyada Villa Somalia, oo ay ku jiraan Xarunta Madaxtooyada
Jamhuuriyadda, Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha, iyo dhismooyinka Wasaaradaha
qaarkood.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya iyo
shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka
geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan
kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey dhaawacyadii Hotel SYL iyo NISA